Maraykanka oo u Ololaynaya Madaxbannaanida Koonfurta Suudaan iyo Faa’iidada ugu Jirta Somaliland

 


“Waxa jira in dhawaan, gaar ahaan bishii October ee sannadkan 2009 uu Maraykanku soo saaray siyaasad cusub oo

London (LLSL)-Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey  siya as adda cusub ee dawladda Maraykanku kula macamilayso Sudan oo u gogol   x aadhaysa sidii mustaqbalka koonfurta Suudaan u noqon lahayd dal  madaxbana an oo dunidu aqoonsan tahay, taasi oo taasi oo faa’iido u leh qadiyada Somalil and.

Sidaana waxa shaaca ka qaaday xoghayaha arrimaha dibeda KULMIYE Dr. Maxa med Cabdillaahi Cumar oo isaga oo jooga Ingiriiska xalay khadka telefoonka ugu waramayey tifatiraha Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), waxaanu  cad deeyey in xisbiga KULMIYE arrintaa kulan kala yeelan doono dawladda   Maray kanka si ay ugala hadlaan sidii maamulka cusub ee Obama il dabacasan ugu  ee gi lahaa qadiyada aqoonsiga Somaliland, iyaga oo ku dabaqaya siyaasadda  cus ub ee Maraykanku ku doonayo in Koonfurta Suudan noqoto dal madaxbannan oo iskii isku maamula.

Xoghayaha arrimaha dibeda KULMIYE, waxa uu ugu baaqay bulshada  Somalila nd mucaarid iyo muxaafidba in loo wada guntado sidii qadiyadda Somaliland  lo oga iibin lahaa beesha caalamka, iyada oo laga duulayo siyaasadda cusub ee  d awladda Maraynkanku kula macaamilayso Suudaan.

“Waxa jira in dhawaan, gaar ahaan bishii October ee sannadkan 2009 uu  Mara ykanku soo saaray siyaasad cusub oo ay kula macaamilayaan dalka Suudaan, taasi oo ay saldhig u tahay in sannadka 2011 afti laga qaado dadweynaha  koo nfurta Suudan oo ay ku kala caddaynayaan inay ka sii mid ahaadaan  dalweyna ha Suudaan iyo inay noqdaan dal madaxbannaan oo iskii u taagan.

Markaa dawladda Suudan waxay ka cago jiidaysaa in aftidaa la qaado, taasina waxay sababtay in Maraykanku soo farogaliyo arrintaa, isaga oo ku baaqay in la dardargeliyo sidii afti looga qaadi lahaa dadweynaha Koonfurta Suudaan, arr intaana waxa Marayanku u magacaabay ergay gaar ah oo qaabilsan sidii loo dardargelin lahaa aftida laga qaadayo Suudan.

Waxa kale oo jirta in guddoomiyaha gudida arrimaha dibeda u qaabilsan  Gongr ess-ka Maraykanka Donald Payne uu isna soo saaray qoraal uu ku taageerayo aftida laga qaadayo Koonfurta Suudaan, isaga oo sheegay in dunidu u  diyaar garawdo sidii loo caawin lahaa dawladda cusub ee ka dhismaysa Koonfurta  Su udaan, arrintaasina runtii saamayn bay ku yeelayanysa qadiyada ictiraaf  raadi nta Somaliland oo muddo badan dedaal loogu jiray.

Marka u horraysa waxa weeyaan dawlad weyn oo dunida magac ku leh, ayaa u ololaynaysa sidii dal jira laga kala dhigo labada dal oo kala madaxbannaan oo  x uduud wadaaga, arrintaasina haddii ay hirgasho waxay wax ka bedelaysaa  sh uruucda u dejisan midawga Afrika oo qeexaya in aan waxba laga bedelin  xudu udidii Afrika ee guumaystuhu ka tagay, inkasta oo Somaliland xuduudeedii   Ing iriisku sameeyey sideedii tahay oo aan waxba laga bedelin, haddana ay tahay dawlad madaxbannaan oo dib ula soo noqotay midawgii ay la gashay Somaliya 1 July 1960, hadana siyaasaddan cusub ee Maraykanku faa’iido ayay u  leedah ay qadiyada aqoonsi raadinta Somaliland oo sannandkii 2001 aftidii  dadweyn aha laga qaaday ay 97% ogolaadeen madaxbannaanida Somaliland,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cumar Cabdillaahi.

Xoghayaha arrimaha dibeda KULMIYE oo ka jawaabayey su’aal la xidhiidhay  qa abka Somaliland uga faa’iidaysan karto siyaasadda cusub ee Maraykanku kula dhaqmayo Suudaan, waxa uu yidhi; “horta waxa jira dalal badan oo isku jiray  o o markii dambe kala noqday laba dal oo kala madaxbannaan, sida Itoobiya iyo Eratariya oo dunidu aqoonsatay, siyaasaddan cusub ee Maraykanku kula  dhaq mayo Suudaan waxay saamayn ku yeelanaysaa Somaliland haddii Koonfurta Suudan ka madaxbannanaato dalka Suudaan intiisa kale, Somaliland waxay u noqonaysa fursad beesha caalamku kaga qaadaan go’doominta siyaasadeed ee saaran, iyada oo loo dabrayo dal aan jirin oo colaado ragaadiyeen, markaa waxaan bulshadda Somaliland ugu baaqayaa in mucaarid iyo muxaafidba in loo wada guntado sidii looga faa’iidaysan lahaa siyaasadda cusub ee Maraykanku ku waajahayo Suudaan, waana in albaab kasta loo garacaa sidii qadiyada  Som aliland loo iib gayn lahaa, xisbiga KULMIYE waxa uu dhawaan kulamo la yeelan doonaa dawladda Maraykanka , anaga oo kala hadli doona sidii qadiyadda  Som aliland hoos loogu eegi lahaa, waxaananu xisbi ahaan soo dhawaynaynaa  siya asadda Maraykanka ee ku waajahan dalka Suudan iyo in aftida laga qaadayo dadweynaha Koonfurta Suudaan midho dhalkeedu u noqon lahaa dawlad  mada xbannaan oo halkaa ka soo baxda, hadii ay taasi hirgashana Somaliland faa’iido balaadhan ayey u noqonaysaa, waxana meesha ka bixi doona marmarsiyihii ahaa waxaad ka mid tihiin Somaliya ee wada hadal la gala.”

Waxa kale oo xoghayaha arrimaha dibeda KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi  C umar xusay in caawimooyinka beesha caalamku siiso Somaliland ay u  qaybsa maan laba qaybood oo kala ah caawimooyinka dhinaca doorashooyinka ah oo fulintoodu ku xidhan tahay hadba sida xukuumadda Somaliland u diyaariso  saa xad ay ku qabsoonto doorasho xor iyo xallaal ah iyo caawimada kale oo  Somal iland loo soo mariyo ururada iyo hay’addaha caalamiga ah, kuwaasi oo iyaguna ku xidhan maamul-wanaaga iyo la xisaabtan deeqbixiyayaashu ku qanci karaan.

 



Source: Jamhuuriya