Mar I degay Allah ha dego mar labaad I degana anaa isdegay

 

 

 

 


Sheeko run ah Qaybta 1kd


Waxa dawladda cusub ee Soomaaliland bilowday in ay wada hadal la yeelato Somaliya. Arintaa s oo dad badan ay diidmo kala horyimaadeen qaar kalena ay soo dhaweeyeen. In lala shiro kon furta Somaliya waxay ahayd arin u baahan go’aan geesinimo leh iyo taageerada dadweyne, iy ada oo la tix gelinaayo danaha Somaliland kaga xidhan Somaliya iyo adduunweynaha. Caqliga wanaagsani wuxuu I nafarayaa in la tago goobaha iyo shirarka lagu kulmaayo si Somaliland ay codkayda iyo qadiyadayda u soo bandhigto. Hadaba aniga oo soo dhaweynaaya tallaabooyinka a cusub ee la qaaday waxaan doonayaa in aan soo bandhigo qodxaha hoos yaala ee dad badan oo ku nool Somaliland iyo guud ahaan ummadda ku nool konfur Somaliya aysan ka warqabin am a aysan daraynsaneen holaca dhexyaal Somaliland iyo Somaliya.

Waxay ahayd dhoor maal mood kahor markii Chris Ramsden oo ahaa madaxii mashruucii ‘KELT’ ee xafiiskii manaahijta Xamar uu iga codsaday in aan u raaco Hargeisa si halkaas looga soo furo Xafiis uu mashruucu leeyahay. KELT Projecet wuxuu ahaa barnaamij British Councilka uu masuul ka ahaa diyaarinta kutubta afka ingriisiga ah ee lagu dhigaayo dugsiyada sare iyo tababarka m acallimiinta. Waxay ahayd in aan Chris raaco waayo waxaan doonaayey in aan soo arko hooya day iyo ehelkaygii ku noolaa Hargeisa. Markaas oo diyaar ay ii ahayd waxbarasho dibadda ah o o aan sannadkaa u bixi lahaa Ingriiska.

Aniga iyo ninkii Ingiriiska ahaa waxaan Hargeisa tagnay 24kii Maajo 1988. Waxa ay magaaladu u muuqatay in ay ka nabad badan tahay sannadkii ka horreeyey. Waayo waxaan xasuustaa In aan ka qaybgelay bandhig heeso ah oo uu dhigay Faisal Omer Mushteeg laguna soo jeeday ilaa iyo kowdii habeenimo. Hase-ahaatee hadana waxa mafrishyada qaadka lagu hadal hayey sheek ooyin badan oo ahaa dhibaatooyinka loo geesanaayey dadka. Ceebaha dhacaayey ee maskaxd ayda galiweyday waxa ka mid ahayd in askar ka mid ah ciidanka dalku ay baabuur ka soo kaxay staan garoonka diyaaradaha oo ay tagaan guri ay ku noolaayeen gabadh iyo aabaheed

Waxay odayga ka codsadaan in uu dibadda u baxo, dabadeedna ay gabadha ee halkaa ku fara xumeeyaan. May jirin wax uu odaygu samayn karay hase-ahaatee waxa uu soo qaatay baang ad uu dhigtay guriga. Wuxuu damacsanaa haddii ay soo noqdaan in uu baangadda madaxa kala dhaco. Nasiib darro way soo noqdeen, sidii oo kalena way sameeyeen, markii odaygii baangadd ii soo qaatay si uu ugu dhufto ayaa mid arkaayey baastoolad ku togtay. Sheekooyinku waxay ahaayeen noocaas iyo wax ka daran.

Maalintii arbacadii waxay wasaaradda waxbarashudu qabatay shir ay ugu talogashay in boodh ka laga tumo dugsiyadii ku yaalay dhinac xadka oo dhoor sannadood xidhnaa. Waxa shirkaa ka hadlay taliyihii ciidanka gobolka oo muujinaayey hanjabaad iyo isaga oo sheegay in uu cagta m arinaayo meeshii lagu sheego qudhmista. Waan gartay in uu jabhadda la dagalamo ee hase-ah aatee waxa iga dhaadhiciweyday in uu danbi ka galo dad aan waxba galabsan. Dadka meesha joogaa dhegta ayaa wada taagnayd wax rajo ahna may qabin waayo waxa heshiis ku gaadhay Ethiopia iyo Somaliya in SNM halgankooda la joojiyo oo lala dagaalamo. Maalmaahaana waxa Ha regeisa ka tagay wafdi ballaadhan oo ka yimid Ethiopia oo si aan la arag loo soo dhaweeyey, xitaa waxa hadyad loo sii baabuur cusub. Waxa xamar lagu hadal hayey in SNM ay qaybsantay oo qaarkood ku biireen reerahoodii miyiga qaar kalena ay Ethiopia u qaadday xadka u dhexee ya Ethiopia iyo Eriteria. Hargeisana waxay lahayd SNM dhawaan ayay waraaqo soo direen iya ga oo dadka ka codsanaaya in magaalooyinka laga baxo. Dadku codsigaa dheg uma dhigin waa yo sannado badan ayay ka dhursugaayeen in ay dalka xoreeyaan waxna ka ma soo caano caddeyn.

Maalintii jimcihii ayaanu ku baraarugnay in SNM in ay BURAO qabsatay. Dadka reer Hargeisa wa xa la moodaayey jinac lagu joogsaday, xaadda ayaa istaagtay, dibadda iyo suuqyada ayaa loo soo wada baxay, dhegtana waxa loo taagaayey in la ogaado halka dagaalku uu maraayo. Waxa magaalada dhexdeeda lagu arkaayey ciidamo gaardiyaaya oo safsaf u socda, xaggaa iyo barig ana u kacaaya. Maalintii Sabtidii aniga iyo Mr Ramsden waxaan go’aansannay in aan Berbera ta gno si aan halkaa uga duulmo. Waxaan u tagnay Abiib oo ahaa gudoomiyaha waxbarashada ee Gobolka, waxaanu noo sheegay in wadada Berbera lagu mari karo warqad laga soo qaato taliya ha ciidamada. Markii taliyihii la raadiyayna waxa la ogaaday in uu mashquul ku yahay aaskii Cad ceed oo meedkiisii lagala soo cararay Burao.

Dahir Saleh - Wali Hargeisa lama soo galin

 

 

 

 

Dahir Saleh