|
Magacaabistaydii Iyo
Maagistaydii: Laba Isku Lammaanaa. Qormadii 7-aad Qalinkii Muj.
Boobe Yuusuf Ducaale
“Ma da’-furin ogaalkay,
Xaska dabada maan gelin,
Derejada ilhaamkiyo,
Hibadii dalaysneyd,
Uma dhiibin duudduub,
Weli Dalawadaydii,
Doobigeedi may dhimin,
Dib-u-dhigasho mooyee,
Wax is-doorshay may dhicin,
Afartaa xan durugtiyo,
Danni jira wax-sheeggii,”
25/6/2012ka ayuu Feysal Cali Sheekh xilkii Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Warfaafin ta iyo Wacyi-gelinta ku wareejiyay nin cusub oo
dhallinyaro ah oo aan hore shaqo dawla deed u soo qaban oo xilkani
ugu horreeyo isla markaana dukaan farsamada tilifoonnada ah ku
haystay faras magaalaha Hargeysa meel u dhow Boodhari Daryeel Dumar.
Maxamuud Xaashii Cabdi, Wasiirka Duulista ayaa marka uu iga soo hor
baxaba igu odhan jiray yarkii wax ma baranayaa. Kala haab! Show
meeshu dadna Wasaarad ayay u ahayd dadka qaarkiina dugsiyo wax lagu
barto oo laga soo aflaxo. Show qudhayda ayaa macallin ahaa, halka
dadku wasiir iiga haysteen. Karis-xun iyaduna ku la’! Malaha
odhaahda xaala dahan oo kale loo cuskan jiray ayaa caynkaas ahayd.
CV-yada dadka ay xukuumaddu ha wl-gelinayso qolannimada ayaa ugu
mudan. Waxaan soo xusuustay tuduc ahaa: “Taana waan naqaannaa,
Toobbadayna yeelkaa.”
Hadda reer walba nooc kasta waa laga soo helayaa ee bal adba garo’
waxa xukuumadde enna indho-saabay. Dibudhaca jira xulasho-xumadana
wax kaga dara.
Maalintaa Feysal Cali Sheekh xilkii laga qaaday ayaan xaqiiqsaday in
aanan meesha sii joo gayn, xataa haddii aan sidaa anigu sii jeclaysto.
Waxa si cad iigu muuqatay in tallaabooy in kalena la qaadi doono.
Wax-qabadkii aanu ka wadnay wasaaraddu halkaas ayuu ku joo gsaday oo
qaskii iyo wareerkii wasaaradda dibadda looga soo waariday ayaa
bilaabmay.
29/7/2012ka: Ka dib markii uu ballan iyo laba aanu la lahayn nagaga
baxay, waxaanu bar qadii Wasiirka Maaliyadda iyo Agaasimayaashiisii
kula kulannay Wasaaradda Maaliyadda. Anigana waxa ila socday
mas’uuliintii maaliyadda iyo xisaabaadka ee TV-ga Qaranka iyo Radio
Hargeysa iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta. Mowduuca
dooddaya du laba qodob ayuu ahaa:
1. Kab miisaaniyadeed oo dhammaa 1.2 bilyan oo Somaliland shilin ah
oo Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Maxamed Xaashi Cilmi ku kabay
Wasaaradda Warfaafinta 2011kii oo maan tana loo baahan yahay,
miisaaniyadda 2012kana aan lagu darin,
2. Idaacaddii cusbayd oo aanu shidaalkeedu miisaaniyaddan 2012ka ku
jirin sidii kharash loogu heli lahaa,
Arrintaa markii aanu Wasiir Samaale iyo xertiisii isla gorfaynay, ee
ay faylashoodii baadh een waxay noogu jawaabeen waa gar, xaqna waad u
leedihiin ee annagu kharash ma hay no. Waxaanu ka codsannay sidii kal
hore dhacday ee Maxamed Xaashi Cilmi yeelay in ay warqad noogu
qoraan Madaxtooyada si ay kharashkaas meel kale uga raadiso. Wasiir
Sa aale wuxu noogu jawaabay aniga ayaa Madaxweynaha afka uga
sheegaya. Kal hore Max amed Xaashi Cilmi markii ay xaaladdu halkaas
oo kale joogsatay, warqad rasmiya ayuu u qoray Madaxweynaha, sidaas
ayaana kabka lagu siiyay Wasaaradda.
Weedha ‘Waa gar’ ee Wasaaradda Maaliyaddu noogu garowday ayaa I soo
xusuusisay ma-hadhooyinkii laga reebay awowgay Xaaji Abokor Axmed.
Awowgay wuu lug la’aa oo waxa la ii sheegay in Turkigii toogtay,
malahayga magtiisii dhawaan ayaanu doonan doon naaye.
Wuxu ahaan jiray af-hayeen garta niqiddeeda loo igmado. Qolo ayaa
gar u kaxaysatay, is la markaana ka ballan-qaadday in ay abaal-marin
u siin doonaan Baqal uu fuulo. Waa ay u keeni waayeen, marka uu
weydiiyana waxay ku odhan jireen: “Waa gar.” Markii uu daal ay ayuu
ku yidhi: “Ma gar baan fuuli.” Waa tabta ay Wasaaradda Maaliyaddu
noogu tidhi: “Waa gar.” Haddaba annaguna “Ma gar baanu shidan, oo
shidaal noo noqon.”
30/7/2012ka subaxnimadii oo maalin Isniin ah ahayd ayaa 7.00
saacadood ee subaxnimo aniga oo gurigayga jooga ayaa la ii soo
sheegay in Hanti-dhowrkii xidhay xafiisyadii oo ba adhis ka bilaabay
xafiiskii xisaabaadka iyo maamulka ee uu mas’uulka ka ahaa Xasan
Max amuud oo tan iyo xilliyo hore diiraddu saarnayd. Waa nin
maalintii la I magacaabay Mada xtooyada la iiga sheegay in aan xilka
ka wareejiyo, anna aan diiday waayo sabab aan ku eryo ma garanayn oo
xilba lama aan wareegin siduu u hawl-galana ma aan arag. Ciddii
eriga dalbanaysay waxaan ku idhi: “Ma kiisas uu galay intii iga
horreysay ee Xaabsade iyo Geel-jire ayaan ku qaadaa illeyn xilba
lama wareegin e’.”
Markii aan xilka la wareegayba Xasan Maxamuud waan u yeedhay
waxaanan u sheegay siduu u hawl-galo in aan kula xisaabtami doono.
Nidarkaas ayaanu wada gallay, waanu ku hawl-galay. Xasan Maxamuud
xadhiggiisa iyo erigiisa ma aniga ayaa la ila sugayay, laba
sannadood oo hore miyaanu shaqaynayn!
Markii hore ama maalmihii horeba baadhis jihaysan oo Xasan Maxamuud
oo keliya ku waja han ayay ahayd in kasta oo la is-daba-qabtay oo
maalmihii danbe la yar baahiyay. Maalin labaaddii ay Hanti-dhowrku
nala joogeen, oo ahayd 31/7/2012ka mar ay saacaddu ku be egnayd
12.30kii saacadood ee duhurnimo Xasan Maxamuud oo ahaa Agaasimihii
Xisaabaa dka iyo Maamulka ee TV-ga Qaranka ayaa lagu xidhay Saldhigga
booliska ee Kood-buur.
1/8/2012ka: Maalmuhu iskuma jiraan e’ waa maalin Arbacaad. Kulan
awliyo. Aniga oo xaf iiskaygii goor barqo dheer ah fadhiya, ayay
xoghayntii Madaxweynuhu tilifoon ii soo dirt ay. La-ye Madaxweynaha
ayaa ku doonaya. Anna xaggaa iyo Madaxtooyadii isku shubay.
Madaxweynihii ayaan u galay. Waxa la joogay Xoghayihiisa Gaarka ah
oo keliya. Mar dan be oo ilaa toban daqiiqo ka danbaysay ayuu
Wasiirka Madaxtooyaduna soo fadhiisanayaa oo nagu soo biirayaa.
Madaxweynuhu wuxu I weydiiyay sida xaalka Wasaaraddu yahay iyo
Hanti-dhowrka gal ay. Arrintu aniga lur caynkaas ah iguma hayn oo
meeshaba saddex bilood ayaan joogay.
Wasiirka Madaxtooyada ayaa igu eedeeyay in aan suuqa iyo meelahaa ka
idhaahdo Mada xtooyada ayaa Hanti-dhowrka soo dirtay. Aniguna waxaan
odeyga u sheegay in aanay taasi dhab ahayn ee ay wararku u badan
yihiin in uu Xirsi hanti-dhowrka soo diray. Waa sida la sheegay in
laga soo bowsaday shaqaale wasaaradda ka tirsan oo xidhiidh la leh
Madaxtooyada.
Waxaan kala hadlay inanka miskiinka ah ee Xasan Maxamuud ee la
xidhay, waayo haddii meesha musuq ka dhacay mas’uuliin ka sarreysay
ayaa jirtay.
(La soco……………………………………..)
|
|