|
Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba isku lammaanaa Qormadii
13aad ee Boobe
Qormadii 13aad
Waxaan subaxdii hore ku kallahay Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta.
Waqti ku beegn aa ilaa 7.30kii saacadood ee subaxnimo ayaanu bartaa
ku kulannay Wasiirkii Wasaara ddaas, Sheekh Khaliil. Bariido ka dib
waxaan weydiiyay wuxu ka og yahay Idaacadda FM-ta ee Radio hargeysa
la dhex dhigay. Wuxu si deggan oo aan shaki lahayn iigu she egay:
- In uu ka war qabo, uu ogaa in Idaacaddan Radio Hargeysa la geeyay
oo lagu jitaabin ayay,
- In ay ku talo galeen in ay noqoto Idaacatul-Quraan oo Quraanka
lagu baahiyo,
- In ay Wasiirka Madaxtooyada ay isla og yihiin,
- In miisaaniyadda kal-danbe lagu dari doono oo xukuumaddu
iibsanayso kol haddii la jitaabiyay,
- In ay damacsan yihiin in Idaacadda cusub maalin lala furo, Wixii
halkan ka danbeeya, Idaacaddan cusub ee la dhigay Radio Hargeysa
waxay taxanaheennan inoogu suntan aan doontaa Idaacadda Siddeedaad.
Waxba kama waalin Sheekh Khaliil ee waxa keliya ee aan ku idhi waxay
ahayd in uu si rasmiya u soo sharciyeysto Idaacadda oo aanay si
dhuumasho ah Radio hargeysa ku gelin, inta uu sharciyaddaa soo
samaysanayo ka horna laga dhex saaro Radio Hargey sa oo aanay saacad
danbe sii dhex oollin. Waan ka tegay annaga oo sidaas ku heshii nnay.
Bal ka warran adiga oo xarun aad xukumayso la soo dhigo Idaacad la
hadli karta ilaa shacbi ku dhow milyan qof! Yaa mas'uuliyaddaa
qaadaya. Alla inta dawladnimada laga garanayaa yaraa. Bad bad aan la
gelin baa jirta. Idaacadda haddi la oggolaaday ba in ay dalka
timaaddo sow meel walba laguma jitaabin karayn maxaa Wsaaradda
Warfaafinta loo la soo doonanayaa?
- Laba ka mid ahaa Agaasimayaashii Waaxaha ayaan xilkii ka
wareejiyay oo aan ku amray in ay u tiriyaan kuwa ku xiga.
Agaasimayaasha aan xilalka u magacaabay mid waan garanayay oo Xuseen
Cabdillaahi Deeqsi ayuu ahaa, ka labaad se weligay ma arag mana
aqoon ee waxa la ii sheegay in uu ku-xigeen mas?uul ah yahay.
Go'aankii Wasiir ee aan maalintaa soo saarayna waa kan ee iga
guddooma:
JAMHUURIYADA SOMALILAND REPUPLIC OF SOMALILAND
Wasaaradda Warfaafinta Ministry of Information
& Wacyigalinta Qaranka & National Guidence
Contact address: 0025-2 523981, 00252-24240188/ 4424258/ 4142533;
Ref: 05/08/2012ka, 27/8/2012ka,
Ujeeddo: Go'aammo Wasaaradeed
Aniga oo ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee
Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan halkan ku soo saarayaa
Go'aammo-maamul oo daarran dar-geli nta hawlaha Wasaaradda qaybo ka
mid ah. Waxa kale oo aanu go?aammadan uga gol leenahay in aanu
hawada iyo saaxaddaba ka saarno hadal-haynta demi weyday ee la gu
saydhinayo Wasaaradda Warfaafinta oo ka mid ah hormoodka hay?adaha
Jamhuu riyadda Somaliland oo maamulka iyo hoggaanka Mudane Axmed
Maxamuud Siilaanyo, dedaal iyo duunyo badanba geliyay, mana
suurtowdo in guulihii xukuumaddan dedaa shay loo beddelo
guul-darrooyin iyo dacaayado ay ku dawarsadaan ma-kas aan dal iyo
dadba muraad ka lahayni.
Waxa kale oo aanu go?aammadan uga gol leenahay in ay digniin u
noqoto dad faro-ku-tiris ah oo caadaystay in ay wiiqaan hawlaha
Wasaaraddan.
Go'aammada Wasiirka:
1. Xasan Maxamed Maxamuud: Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo
Xisaabaadka TV-ga Qaranka:
Soddonkii Bishii Juulay, 2012ka ayaa Hanti-dhowr ku waa-bariistay
Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, hawl-galkaas oo dhaliyay
in Saldhigga kood-buur lagu xidho Xasan Maxamed Maxamuud. Arrintii
waxay gashay Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda oo Xasan Maxamed Maxamuud
ku sii deysay dammiin. Intaa ka dib warqad u qoran sidii taararkii
hore ayuu Hanti-dhowrku noo soo qoray oo ay ku sheegeen:
- Tirada lacageed ee Xasan Maxamed Maxamuud lagu soo eedeeyay,
- Iyo in aanu hawhiisii geli karin ilaa ay baadhistu dhammaanayso,
Xasan Maxamed Maxamuud Xeerada Warfaafinta in uu soo galo wax
fal-denbiyeed ah oo ku jiraa ma jiro oo aan ahayn in aanu hawshiisii
hore qaban ilaa inta ay baadhistu dhammanayso.
Arrinta Xasan Maxamed Maxamuud hawl aniga ii taal ma aha, umana
taallo Madaxwe ynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo arrin khusaysa ma
aha. Waa hawl u taal Hanti-dhowrka iyo Garsoorka Somaliland, waxaana
lagu camal-fali doonaa wixii go'aammo ah ee ka soo baxa.
Haddaba maa-daama ay baadhistii dheeraatay, hawlaha xasaasiga ah ee
Wasaaradd una u xannibnaan karin, waxaan si-ku-meel-gaadh ah xilkaa
ugu magacaabayaa:
1. Maxamed Sheikh Maxamuud Cawaale oo ah Agaasimaha Waaxda Maamulka
iyo Xisaabaadka ee Radio Hargeysa,
Xuseen Cabdillaahi Deeqsi oo ah Madaxa Barnaamajyada ee TV-ga
Qaranka, waxaan u magacaabay Agaasimaha TV-ga Qaranka,
Cumar Maxamed Faarax oo ah Tifaf-tiraha Wargeyska Dawan, waxaan u
magacaabay Guddoomiyaha Dawan Media group, Aniga oo hawshoodii hore
ay u soo qabteen uga mahad-celinaya, waxaan si naxariis leh oo
weliba debecsan uga codsanayaa Madaxdii xilalkaa hore u haysay in ay
Madaxda cusub ee la magacaabay xilalkii ay hayeen ku wa reejiyaan,
iyaga oo mahadsan ugu danbeyn,1da bisha Sebtember, 2012ka.
Waxa xilalkaa kala-wareejintooda u xil-saaran in ay fuliyaan Guddida
hoos ku qoran:
Cabdirashiid Jiibrii Yuusuf: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta,
Siciid Aadan Cige: Agaasimaha Radio Hargeysa,
Mukhtaar Axmed Sheekh Aadan: Agaasimaha Waaxda Qorshaynta,
Fiiro Gaar:
Baahida jirta awgeed, Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Maaliyadda iyo
Xisaabaadka Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaale, wuxu hawshiisa
bilaabayaa berrito oo ay bishu tahay 28ka, Ogos 2012ka, haddii
Eebbe idmo.
Gobannimo dadkaa mudan,
Galladdana Allayska leh,
Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe)
Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
(La soco.................)
|
|