|
Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba Isku Lammaanaa (Qaybtii
3-aad) Qalinkii Muj. Boobe Yuusuf Ducaale
Horto magacaabistaydu sidaas ayay u dhacday. Waxyaabaha kale ee I
sii dhiirri-geliyay waxa.......
Annaga oo hadalkii haynna ayay
Mujaahid Faadumo hurdadadii ka soo kacday oo I soo ag joogsatay
aniga oo daaradda taagan. Ku-ye: ?Waa ayo? Yaad ilaa waqtigan la
hadlaysaa?? Waxaan ugu jawaabay: ?Waa Madaxweynihii.? Mujaahid
Faadumo waxay igu soo celisay: ?Muxuu Odeygu goortan doonayaa??
Waxaan ku idhi:
Wuxu iga codsaday in aan ka oggolaado in aan xil wasiirnimo qabto.?
Dhankaa iyo dhankaa midna ma ay eegin e?, waxay igu tidhi: ?Ka
oggolow waa tii aynu duurka u gallay e?, kollay cid dibadda ka timid
ayaa qaban doonta e?.?
Madaxweynihii oo dacalka kale tilifoonka ka haystay oo ay
sheekadayadii xidhiidh-furatay, ayaa igu yidhi: ?Waa ayo? Yaad la
hadlaysaa?? Waxaan ugu jawaabay: ?Waa xaaskaygii.? Odeygu wuxu igu
celiyay: ?Oo maxay ku leedahay.? Waxaan ugu jawaabay: ?Xilka Odeyga
ka guddoon ayay I leedahay.? Inta uu nafisay, ayuu Madaxweynihii igu
yidhi: ?Faadumo ay aa ku dhaanta.? Hore ayuu iyada iyo curaddayda
Bilanba u yaqaannay.
Xaskayga hooyadeed waxay ula baxday Faadumo-cawo. Waa Ina Xasan
Diiriye Bil-qariye. 19/7/1977kii ayaa gurigayaga la taagay. Bilan
iyo afar wiil ayay dhashay. Qof iimaanka qa bta oo aan salad salad
ku darin. Hooyo hawlaha gurigeeda iyo kuwa sama-falka wixii kaga soo
beegma ka soo dhalaasha. Ka-qayb-galkii halgankii hubeysnaa ee
shacbiga ahaa ee dib uxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd ayay
ku sii dallacday oo ay ku noqotay Muja ahid Faadumo-cawo. Ma
hawlihii ay ka soo qabatay bartii caafimaadka ee Durya oo ay iyada
iyo carruurteeduba deggenaayeen. Bahdii caafimaadka iyo dhaawicii
bartaa soo maray ay aa ka markhaati ah. Loo noqon maayo. Weligeed
xisbiga Kulmiye ayay nafta u bixin jirtay. Lammaanahayga-nololeed
intaa in ka badan ayay iga mudan tahay e?, mar kale ayaan u so o
noqon doonaa, waayo idinka ayaa deg degaya oo dhareerkii ceshan kari
la?.
Odeygu Wasaarad ii ma sheegin, bal se tibaax ayaan ka helay.
Hadalkiisii ayaan mar ka dha dhansaday waa meel aad garanayso oo in
badan ayaad arrimaha shaqada iyo shaqaalaha ku soo dhex jirtay. Wax
sidaa u eg ayaan ka maqlay, anna waxaan u qaatay in uu igu magac
aabayo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Qoyska. Ma aan jeclaysan in
aan tago Wasaara ddaas, aniga oo isla markaana ka xishooday in aan
Odeyga mar kale wax ku diido. Waan iska aammusay. Rubuc saace ka dib
ayaan Wasiir Xirsi garaacay oo aan u sheegay meesha aan danaynayaa
in ay tahay Warfaafinta. Aniga ayaa Odeyga u sheegi ayuu igu yidhi,
aniguna kalsooni ayaan ku qaatay in ay sidaas u dhacayso.
Run ahaantii dareenkii iigu horreeyay halkaas ayaan ka qaatay.
Waxaan is-weydiiyay bal Madaxweynuhu wuxu doono ha kuu qoondeeyo e?,
miyaanay ahayn in uu isla markaa waxa an danayn karo ama ka shaqayn
karo uu ila doono.
Sidii ayaan gogoshii ku tegay, bal se aanan ku gami?n. Waxaan ka
fekerayay noloshan cus ub ee ugubka ah ee aan geli doono. Waqti ay
saacaddu ku beegnayd 4.30kii subaxnimo ay uu Xoghayaha gaarka ah ee
Madaxweynuhu, Cali-yare, ii soo diray tilifoon, waxaanu ii she egay
in la ii magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee
Jamhuuriyadda Somalila nd.
Horto magacaabistaydu sidaas ayay u dhacday. Waxyaabaha kale ee I
sii dhiirri-geliyay wa xa ka mid ahaa waqtigii (dead-line-kii) ay
xaaskaygu ii qabatay in aan siyaasadda geli karo oo isaguna dhawaa.
Waxay iga soo bedeysay toban sannadood oo aan ka maqnaa oo aan ku
hawlanaa halgankii shacbiga ahaa ee hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran
ee SNM horseed ka ka ahayd. Waxa kale oo I sii dhiirri-gelisay aniga
oo go?aansaday in aan Akaademiyada ka tago maa daama aan ilaa laba
iyo toban sannadood ka shaqaynayay. Madal dhex-dhexa ad ah ayaan
intaa ku jiray oo waxaan u baahnaa in aan nefiso oo aan si cad
mowqifyaday da u caddeeyo, Akaademigana dhiig cusub oo da? yari soo
galo: wiilal iyo gabdhaba.Taasina waa ay I sii dhiirri-gelisay.
Waa dhinaca aan sheekada ka taagnaa, maa daama aanan ka war hayn
xaqiiqada ka jirtay dacalka kale ee tilifoonku na xidhiidhinayay.
Markii aan doc kasta iska taagay ee khayaalkay ga iyo
mala-awaalkaygaba dabarka ka furay, laba door-bidba (options) waa ay
igu soo dh aceen:
1. In uu codsigani curis ahaa oo uu ka
yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
2. Iyo in uu Wasiirka Madaxtooyadu afka isku kaayo geliyay
Madaxweynaha oo uu isagu ma gacayga soo hor dhigay,
Sidii ay doontaba ha u dhacdo e?,
waayo-aragnimo aan mahadinayo weeye oo aan raalli ka ahaa, mana
qoomamaynayo. Iyagana mahad iyo abaalba waan ugu hayaa. Xaaskayga
Muja ahid Faadumana waan uga mahad-celinayaa doorka ay ka qaadatay
oggolaanshahayga xilk an.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud,
Siilaanyo, xilkaa waan ka guddoomay, abaal iyo mahadna waan ugu
hayaa.
Intaana waxaan ku soo dhaafayaa magac-dhowgaygii iyo habkii xilka la
iigu dhiibay. Laba qa ybood ayaa ka hadhsan ?Musal-salkan? ama
taxanahan kooban. Fadlan, waan gar-naqsana
yaaye, waxaan magan idiin ka ahay in
aad si fiican uga bogataan waxyaabihii Wasaaradda ka qabsoomay intii
aan joogay oo aanan keligay anigu qaban. Sidii Cali Sugulle
Dun-carbeed u yidhi: ?Dadkaa geesi lagu yahay.? Waxaan magan idiin
ka ahay in aad qormadaa Xil-guda shadaydii ee soo socota si
fiican u akhridaan si aad u go'aamisaan:
In aan gar-darnaa iyo in la iga gar-darraa
oo Qarannimadii, dawladnimadii iyo karaamadii
ummadda meel lagaga dhacay.
(La soco????????)
|
|