Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba Isku Lammaanaa (Qaybtii 4-aad) Qalinkii Muj. Boobe Yuusuf Ducaale

 


 



Qormadii: 4aad


Xil-gudashadaydii:

Markii aan xilka tirsaday, waxaanu hawsha ka bilownay sidii aanu u hagaajin lahayn duruufta n ololeed iyo ta shaqo ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Iyada oo ay haynta iyo dh aqaaluhuba na xukumayeen, waxaanu gufaynta qabyada ku ballaysinnay in aanu horumar aan badnayn ka samaynno xaaladda nololeed ee ciidanka Wasaaradda ilaaliya oo aanu u dhisnay m eelo kooban oo ay seexdaan iyo meel ay ku cunteeyaan. Kow iyo labaatankaa sannadood ciida nkaasi waxay seexanayeen geedaha hoostooda, waxaanay ku cuntayn jireen geed hoostii.

Waxa intaa noo dheerayd hanuunin joogta ah oo aanu shaqaalaha ku haynay oo ahayd in wasa aradda la wada leeyahay isla markaana wakiil looga yahay dadweynaha iyo dawladda. Waxaan u ku disnay mabaadiida wada-lahaanshaha iyo war-wadaagga.Intaa yar ka dib waxaanu bilow nay in aanu nadiifinno wejiga hore ee Wasaaradda oo aanu ka rarno buulashii yar yaraa ee foo sha xumaa si aanu u muujinno quruxda qarannimada iyo dawladnimada. Intaa ka dib waxaanu qandaraas la gallay shirkadda Daryeel si ay dhagax qoran u geliso wajahadda Wasaaradda.

Boqol mitir ayaanu gelinnay dhagaxii qornaa, annaga oo qorshaysannay in aanu ku darno alba ab saddexaad iyo 87 mitir oo kale oo dhagax qoran ah, hawshaas oo aanu hirgelin lahayn bal se aanu waqtigu nagu simin. Waxa intaa noo raacay in aanu qorshaysannay in aanu waddada laa mida iyo dayrka Idaacadda inta u dhexeysana dhagax qoran dhulka dhigno. Waxaanu ku guulay sannay in aanu tobankii mitir ee ugu horreeyay dhagaxaa qoran dhigno. Hawshan fulinteeda waxaanu uga mahad-celinaynaa dad door ah oo uu ka mid yahay mulkiilaha shirkadda Al-nuur.
Muwaaddin Cali oo ka tirsan ciidanka waddooyinka ee Somaliland oo ii yimid maalmahaa aanu de yrka iyo qarannimadaba qurxinaynay, ayaa igu yidhi:”Aakhirona meel la tago lehe, horto wasaaraddii waad u fool-dhaqday.”

Tallaabadii taa xigtay waxay ahayd dayac-tirkii iyo qurxintii dhismaha Radio Hargeysa oo qaybo ka mid ah aan ilaa 1953kii waxba laga qaban, oo weliba duqayntii Hargeysana uga danbeysay. Waxaanu ku guulaysannay in aanu dhismahaa dhammaanti gudaha dib uga hagaajinno, albaabbada ka wada beddello oo qaar saag ah aanu gelinno. Waxa kale oo noo hirgashay in aanu markii ugu horreysay dhulka oo dhan dhigno mar mar. Intaa kagama aanu hadhin, bal se xafiisyada Radio Hargeysa oo dhan wixii qalab yaallay waanu ka beddellay oo mid cusub ayaanu dhignay.


Tallaabadii taa noo xigtay waxay ahayd in aanu baahida xafiis ee jirtay awgeed kala jar jarno d howr meelood oo aanu u aragnay in la beekhaamin karo, si shaqaaluhu xilalkooda u gutaan. Wa xaanu meel u samaynay Qaybtii Tababarrada in kasta oo aanaan ka gaadhin qalabayntii. Waxa kale oo aanu Istuudiyaha TV-ga Qaranka ka dul qaadnay Qaybtii Barnaamajyada Ingiriisiga oo aanu meel u samaynay.

Inta aanan ka bixin qaybta Idaacadda, waxa noo suurto-gashay in aanu soo dejinno, rakibno is la markaanu hawl-gelinno Idaacaddii cusbeyd ee muddada dheer loo sid-tirinayay. Hanbalyadee dii iyo bogaadinteedii meel walba waa ay nagaga timid, hor-dhaceedii ma aanu heensanne, waa nu idiiin hanbaynay oo maalinta wan-qasha ayaad ka durduuran doontaan. Waxaanu ku guulay sannay in aanu Idaacadda cusub u soo iibinno mishiin cusub oo korontada ah oo 400 oo kva ah, iyada oo ay hore u yaalleen dhowr mishiin oo kale oo is-nasiya Wasaaraddana ka faro badani.

E-mailladii (3/9/12ka) noogu danbeeyay waxay soo weriyeen in laga dhegaysanayay: Finland, Japan iyo Australia. Waxay nagu soo hanbalyeeyeen in ay ku faraxsan yihiin mowjadahaa hira rka gaaban ee hawada ku soo noqday iyaga oo ka maqnaa tan iyo 88kii. Waa mid ka mid ah ta allooyinka aanu taagistoodii qaybta libaax ka qaadannay.

Qaybta telefishanka, markii ugu horreysay ayaanu “live” ka dhignay oo ay noo suurto-gashay in aanu toos hawada u gallo markii loo baahdo. Kharash iyo tamar aan la qiyaasi karin ayaa ku baxday. Waxa kale oo aanu ku guulaysannay in aanu dalka Holland uga soo iibinno qalabka iftii minta iyo makrifoonno miisaankoodu dhammaa 120kg oo uu naga caawiyay Muwaadin Axmed Xaaji Barkhad, Ilaahay isagana ha ka abaal-mariyo e’.

Markii aan xilka wareejinayay, waxa ka socday wasaaradda mashaariic qiimo iyo qaayaba leh oo ay maal-gelinayso Hay’adda USAID, waxaana fulinayay hay’adda DAI, mashaariicdaas oo ku kacaysa lacag dhan 380,000. Ma aha mashaariic la filayo, bal se waa qaar socday, waxaanay u kala baxayeen:

1. Dibudhiska iyo qalabaynta istuudiyaha Radio Hargeysa,
2. Dibudhiska iyo qalabaynta Istuudiyaha TV-ga Qaranka,
3. Dibudhiska iyo qalabaynta Qolka Keydka cajaladaha ee Radio Hargeysa oo ah ka ugu da’da weyn qolalka cajaladaha ee dadka Soomaaliyeed,
4. Qol weyn oo ay fadhiistaan weriyayaasha iyo tifaf-tirayaashu,
5. Laba xafiis oo madaxdu fadhiisato iyo laba masquulood,

Waxa ku baxaya 67,000 Doollar,

6. Keenidda qalab TV-ga ah oo dhan 66,000 oo Doollar,
7. Hal baabuur oo Land Cruiser ah oo cusub oo dhan 45,000 oo Doollar,
8. Waab-hawleedyo (Workshops) iyo tababarro shaqaalaha lagu carbinayo agabka cusub: 62,000 oo Doollar,
9. Is-gaadhsiinta Istaraatejiga ah: 30,000 oo Doollar,
10. Lacag dhan 59,000 oo Doollar oo xafiisyada lagu qalabaynayo,
11. Kharashka lama-filaanka ah: 15,000 oo Doollar,
12. Mashaariicda IOM-ta oo dhan 100,000 oo Doollar oo u kala baxaya:

Qolka shirarka ee shaqaalaha oo qaadaya ilaa 300 oo qof oo ay ku baxayso lacag dhan 60,000 oo Doollar,

Agabka ammaanka ee kamiradaha iyo digniinta (alarm) iyo dab-demiska oo ay ku baxayso lacag dhan 40,000 oo Doollar,

Waxa kale oo intaa dheer laba Istuudiyo oo Idaacadeed oo cusub oo midna la socday Idaacad da cusub oo la rakibayba oo uu hawl-gal yahay, midna ay Wasaaradda ugu deeqday Hay’addii EDC oo keyd ahaan u yaalla. Waxa kale oo yaalla 15 Computer oo ay ku deeqday hay’adda BBC-du.


Waxa kale oo aanu diyaarinnay Qorshe-hawleedkii shanta sannadood ee 2012ka ilaa 2017ka (Strategic Planning) oo aanu ku salaynay Qorshaha Horumarinta ee Qaranka iyo Higsiga soddo nka sannadood ee soo socda ee Qaranka