Tog-Wajaale oo Siweyn looga Xusay Maalinta Kowda Diisambar ee
Ladagaalanka Cudurka Halista ah ee Hiv/Aids oo Dunida Laga Xuso +
Sawiro
Dr.
Maxamed Yuusuf
Tog-Wajaale (TNN)-Munaasaibad si gaar ah loo soo Agaasimay
islamarkaana, lagu xusayay Maalinta kahortaga Cudurka Halista ah ee
Hiv/Aids ayaa shaley laga xusay Magaalada
Tog-Wajaale(HWN)-Munaasaibad si gaar ah loo soo Agaasimay
islamarkaana, lagu xusayay Maalinta kahortaga Cudurka Halista ah ee
Hiv/Aids ayaa shaley laga xusay Magaalada Tog-Wajaale maadaa ma ay
Tog-Wajaale kamid tahay Xuduudaha la isaga gudbo iyadoo dalka aynu
jaarka nahay ee Itoo biya uu kamid yahay dalalka Afrika ee
Cudurkaasi faraha baas ku hayo waxa kasoo qeyb galay dad weyne aad u
tira badan, oo ka kala yimid labada daamood ee Tog-Wajaale Itoobiya
iyo Somaliland.
Munbaasibadan waxa hadalo dardaaran ah ka jeediyay oo lagaga
wacyigalinayo khataraha Ku foo gan Cudurka Hiv/Aids iyo Siyaabaha la
iskaga ilaalin karo Dr Maxamed Yuusuf ,oo kamid ah dhakh aatiirta
Somaliland ee ka howl gala ladagaalanka Hiv/Aids kana socday Hay,ada
la dagaalanka Cudu rka Hiv/Aids ee heer Qaran Solnac iyo Irub oo ah
Ururka Igad ee ay ku bahoobeen dalalka Geeska Afrika ee ladagaalanka
Cudurkaasi, waxaanu Dr. Maxamed Yuusuf
ku dheeraaday in ay laga digtoon aado Xanuunka islamarkaana
dadweynuhu qaataan fariinta ah in Hiv/Aidsku uu markii hore Dunida
ka dilay Sadex boqol oo Milyan oo qof balse mudooyinkan danbe loo
helay daawo hadii si joogto ah loo qaato daawadiisa uu qofku la
noolaanayo Xanuunka.
Waxaanu Dr. Maxamed Yuusuf si gaar ah
uga digay dadweynaha Reer Tog-Wajaale in ay ka digtoon aadaan
haweenka jidhkooda Ganacsada ee Dhinaca daanta Itoobiya oo ay fasax
ka tahay amuurta asi.
Waxa kale oo isaguna halkaa faafaahin dheeraad ah ka bixiyay
Dr. Axmed Cusmaan Cali oo ka mid ah
Saraakiisha Hay,ada Wadaniga ah ee Anppican oo isaguna si qoto dheer
uga waramay siyaabaha uu cudurkani kaga soo gudbi karo dal ilaa dal
iyo habka loo baahan yahay in ay bulshadu dhexdooda isk aga Wacyi
galiyaan cudurka Hiv/Aids isagoo sigaar ahna tilmaan uga bixiyay in
ujeedada ay u alifee n ama u sameeyeen Gudiyada ay dhawaan ka
sameeyeen Gudaha Magaalada Tog-Wajaale ee ka koo ban qeybaha
Bulshada waxaanu si qoto dheer ugu waaniyay in ay ka xog helaan una
sheegaan dad ka Xanuunkaasi hayo in aanay is qarinin balse, ay soo
wargaliyaan dhakhaatiirta si ay u qaataan da awada waxaanu
dadweynaha ka waaniyay in aan la takoorin dadka qaba Xanuunkaasi.
Waxa kale oo isaguna halkaa fariinta qaadashada daawada cudurka Hiv/Aids
ka gudbiyay Ismaaciil Yare oo katirsan Solnac waxa kale oo iyaguna
ka hadalay dadweyne badan iyo xubno ka socday Cul umaa,udiinka Tog-Wajaale.
Munaasibada shaley lagaga Xusay Magaalada Tog-Wajaale xuska kowda
Diisambar ee maalinta la da gaalanka Hiv/Aids Aduunku u aqoonsadey
waxa soo qaban qaabiyay islamarkaana, iska kaashaday Hay,ada
ladagaalanka cudurka Hiv/Aids ee heer qaran
SOLNAC iyo Irop oo ah ururka ay
ku midoobe en dhakhaatiirta wadanada IGAD
ee Geeska Afrikada Bari iyo NGoga Anppican oo dhamaantood si
miisaan leh shaley dadweynaha reer Tog-Wajaale u gaadhsiiyay
fariinta Hiv/Aids .
Tog-Wajaale waxay Xuskan la wadaageysay Magaala madaxyada Somaliland
ee Shan Gobol iyadoo iyada si gaar ah uu ugu xulay Agaasimaha
Komishanka Ladagaalanka Hiv/Aids ee heer Qaran
Dr. Ma xamed Daahir Kheyre in ay tahay bartilmaameed
istiraatijiyad u ah Wacyigalinta Hiv/Aids .
Wariye C/raxmaan Nuux Axmed(hiiraan)
Timacade News , Gabiley Office
Email:hiiraan2007@gmail.com
|