Munaasibada Ciida oo siweyn looga Tukaday Burco iyo wasii rka Xanaanada Xoolaha oo haalkaas kula Tukaday Dad waynahja reer Burco

 

 

Burco (TNN)-Waxa saaka si weyn looga ciiday magaalada Burco ee xarunta Gobolka T og dheer Munasibaddii Salaada ciiida oo lagu kala Tukaday Garoonada waaweyn iyo ma saajida waawen ee magaalada Burco ayaa waxyaabaha aadka loogaga hadlayey ay ka mid ahaayeen mukhaadaaradka sida Khamriga , Sinada iyo waxyaabaha kale ee xun xu n oo ay culimada salaadiinta iyo maamulka Degmada iyo Gobolkuba kagaa hadleen mee lihii ay ku kala tukadeen.

Waxa saaka salaadii ciida oo dadkii ugu badnaa ay ku tukadeen Garoonka weyn ee ku badda cagta dadweynaha kula Tukaday Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw-daahir, Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Madaxtooyada Cabdi Xariir, Maamulka Gobolka iyo Degmada iyo Masuuliyiin kale oo heer gobol iyo heer qaran ba ah.

Waxa Fagaaraha khayriyadda Burco Khudbado isku dhowdhow ka jeediyey Suldaan M axamud Guuled Mire, Sh.Sacad Xaji Maxmed o ka mid ah Guddiga Wanaagfarista iyo xu maan reebista ee Gobolk Togdheer, Maayarka Magaalada Burco Maxmud Axmed Xasan( Dhegolaab)iyo Badhasaabka Gobolka Togdheer Yasin Muxumed Cabdi.

Dhammaantood waxay si aad ah uga hadleen Mukhaadaraadka iyo fawaaxishta ku soo badanaysa Gobolka togdheer, taaso ay sheegeen haddaan si midaysan wax looga qab an in la halaagsami doono, waxay sidoo kale ka hadleen ilaalinta amniga guud ee Gobo lka iyo Qarankaba, Suldaan Maxamud Guuled ayaa mar uu ka hadlayey amniga sheeg ay in dadkii hore ee Jaahiliinta ahaa ama aan soo Gaadhiin xaddaarad maanta ay Naba dgelyada ku sheegeen Gogol Rag, sidaas darted buu yidhi dadkii aan aqoonta badan lahayn ayaa sidaas u yaqaanay maanta oo ayniu garanayno buu yidhi Nabadgelyadu qiimaha ay leedahay maaha inaan dhayalsano, Badhasaabka Gobolka Togdheer ayaa isna dhiniicsa ka digay samasashada hubka fudud ee beddelay bu yidhi hubkii hore ee la yaqaanay, kuwaaso ay ka mid yihiin bu yidhi Tooreyda, Faashka ama seefta iyo Budh adhka, waxa uu xusay Badhasaabku in Maalintii dhoweyd ee Xuska aasaaskii Boo liska ay Boolisku soo bandhigeen danbiyadii iyo hawlihii ay qabteen sannadkan, waxa uu xu say in Burco Noqotay Meeshii ugu darnayd xagga dilka iyo dhaawaca,taasina ay nasiib darro tahay bu yidhi, waxaanay u badnaayeen dadka lagu dilay Toorey iyo waxyaaba ha kale ee dadku iminka ku bedeleen hunbkii hore ee xabbada ahaa.

Maayarka Burco ayaa isna dhinaca nadaafadda deegaanka wax ka taabtay, waxaanu sheegay in dadka maalin iyo habeen lagu wacyigeliyo qashinka meelaha loogu talo gal ay ha la dhigo haddana aad arkayso bu yidhi dad aan fulinayn arrinkaas oo weli kus ii socda meelo aan loogutalo gelin qashinka inay ku daadinayaani.wuxu dhanka kale xus ay in hawsha ay wadaan guddiga wanaagfarista iyo xumaan reebistu lagu garab istaa go, oo haddii meelaha madow iyo meelaha bannaanka ah ee magaalada ka baxsan laga soo qabto dhalinyaro loo bixiyey isla jog inaan loo cabanin dawladda iyo ciidamada am niga toona balse ay arrintaasi tahay mid lagu garan taaganyahay guddiga, waxaana loo baahanyahay bu yidhi in lagala shaqeyo arrinkaas guddiga isla markaasn aabo wal ba iyo hooyo waliba ay ka war hayso Carruurtoodu halka ay ku maqanyihiin.


Ugu danbayntii wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somalliland Dr. Cabdi Aw-da ahir cali ayaa sheegay in sannadkani uu ahaa sannadkii xoolaha ugu badani ay dalka ka dhoofeen, waxaanu xusay qiyaas ahaan xoolaha sannadkan dalka ka dhoofay inay kor u dhaafeen 2milyan iyo badh neef oo adhi ah


 


Axmed Maxamed Ismaaciil {Hanad}
hanad080@hotmail.com
Timacade News Desk
Burco ,somaliland