“Madaxweyne Waqtiga ha
Lumin ee soo Gudbi Xubnaha Komishanka Cusub”

Hargeysa (Longlivesomaliland
News)- Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arri maha Gudaha ee Golaha
Wakiillada Md. Siciid Cilmi Rooble, ayaa ugu baaqay Madaxweyne
Daahir Rayaale Kaahin
inuu si degdeg ah u soo gudbiyo saddexda xubnood ee uu soo
magacaabayo Komishanka Doorashooyinka Somaliland.
Sidaa waxa Md. Rooble ku sheegay waraysi khaas ah oo uu shalay
siiyey tel efishanka madaxbannaan ee Somaliland Space Channel,
kaasoo uu kaga ha dlay arrimo kala duwan oo ku saabsan
dhismaha Guddiga Doorashooyinka cu sub iyo hawlaha loogu
diyaargaroobayo doorashada Madaxtooyada.
Xildhibaanku waxa uu Madaxweyne Rayaale ku eedeeyey in muhiimaddiisa
ko owaad tahay in gobolka uu ka soo jeedo Awdal ka muuqdo hay’ad
kasta oo d awladeed, halka marxuum Cigaal ka xishoon jiray in
reer Saaxil wax la doono.
Md. Rooble oo ka mid ah xildhibaannada xisbiga mucaaradka ah ee
KULMIYE uga soo baxay Gobolka Saaxil oo ugu horreyn ka hadlayey in
ilaa hadda Mad axweynuhu golahooda u soo gudbiyey xubnaha
cusub ee loo soo xulay Komi shanka Doorashooyinka, waxa uu
yidhi; “Annaga gole ahaan ilaa iminka nam ay soo gaadhin
xubnaha loo soo xulay komishanka cusub, waxana igu maqaa lo ah
in Golaha Guurtida iyo xisbiyada mucaaradkuba soo xuleen xubnahoodii,
balse dhinaca Madaxweynaha aanay weli ka soo bixin.
Waxaannu nahay 82 mudane, ciddii aannu ansixino ayuun baa ka mid
noqon doona Komishanka Doorashooyinka. Waxaannu Ilaahay ka baryayaa
inuu na ga dhaafo, illeyn maannu garanayne xubnaha Komishankii
hore ee aannu ans ixinay, waayo annaga CV uun baa naloo keenay
oo rag dalkan shaqo hore ka qabtay may ahayn, goluhuna CV-gii loo
keenay ayuun buu ku ansixiyey.
Shacabka reer Somaliland waxaan ka codsanaynaa in ay noo sheegaan
warb ixinaha ragga la soo xulayo ka hor inta goluhu ansixin,
sababtoo ah markii aannu ansixinay Komishankii hore waxa soo baxay
hadallo dadku ku leeyihiin hebel sidaasuu ahaa iyo hebel sidan buu
ahaa.
Waxaynu nahay dal iminka unkamaya oo weli kama tegayno reernimadii,
inka stoo annaga reer Saaxil ahaan nasiib-darro nagu dhacday.
Gobolka Saaxil ayaa layga soo doortay, xaq baanan u leeyahay inaan u
hadlo.”
“Berigii hore Madaxweyne Cigaal xaqsoor buu sameeyey oo wuxuu yidhi
Saa xil waxba kuma laha toddobada xubnood ee Komishanka, halka
Madaxweyne Rayaale muhiimadda koowaad siiyo gobolka uu ka soo jeedo
ee Awdal, balse kama xumin haddii dalku ku hagaagayo xubin loo diido
Saaxil, xubin Komishan oo reer Saaxil waayeenna dalka u burburin
maayaan. Markaa Madaxweynaha waxaan leeyahay Golaha Wakiilladu wuu
ku eegayaa, shacabkuna wuu ku eegayaa, waxaanay kaa sugayaan in
aanad waqtiga ka lumin oo aad hore u soo gudbiso xubnaha Komishanka
cusub si loo ansixiyo,” ayuu yidhi Md. Rooble.
Source:
TogdheerNews
|