Dadweynaha Ku Dhaqan Magaalada Wajaale Oo Si Layaab Leh U Soo Dhaweeyey Weftigii U Hogaaminayey Madaxweyne Ku-xigeenka Oo U Riyaaqay

 


Nimankii [Axsaabta Mucaaradka) ee odhan jiray Waa Macaan-jecel [Taageerayaasha UDUB] ku quus qaata maantaba oo waad arkaysaan sida Taageerayaashayadu noogu heelen yihii n”
Axmed Yuusuf Yaasin.

Tog-Wajaale(TNN):-Musharaxa Jagada Madaxweyne kuxigeenka ee Xisbiga UDUB ahna  Mad axwayne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasin iyo wefti uu hor kacaayo oo ku guda jira kalkoodii shanaad ee ololaha Doorashada Madaxtooyada ee maalmaha koobani ka hadhsan yihiin ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Degmada Tog-wajaale ee Gobolka Gabiley.

Weftigan oo ay soo dhaweeyeen dadweyne aad u tira badan oo iyo taageerayaasha Xisbiga UDUB, kuwaas oo ku jeeni qaarnaa calaamada UDUB ee ay ku xardhan yihiin astaanta xisbiga UDUB, kuna labisnaayeen dharka hiddaha iyo dhaqanka isla markaana ay lulayeen caleemo qoyan iyo calamaanta UDUB.

Dadkan soo dhaweeyey weftiga oo isugu soo baxay fagaaraha Khayriyada ayaa ku  dhawaa qayey UDUB ha guuloeysato, iyo Waa UDUB ee iimaanso, kuwaas oo madaxweyne kuxigeenka u muujiyey inay adeecsan yihiin waxaana wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo jawi fiican.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasin oo ay wehelinayeen wasiiro tira badan iyo masuuliyiin sar sare oo Xisbiga UDUB ah, ayaa waxa uu uga mahad-celiyey  ta ageerayaasha Xisbiga UDUB sida ay isugu soo baxeen, waxaanu yidhi “Waad mahadsan  tih iin, waanu idiinka mahad celinaynaa Taageeradaa ballaadhan ee aad noo muujiseen,”

Md. Axmed Yaasin waxa uu ka Codsaday dadweynaha reer Tog-wajaale oo uu yidhi  “Waxaa nan idiinka sugayaa Codkiina oo sidaa aad noogu muuqataan lanooga kiin sheego in aad noo siiseen si hagrasho la´aan ah.”


"Nimankii [Axsaabta Mucaaradka) ee odhan jiray Waa Macaan-jecel [Taageerayaasha UDUB] ku quus qaata maantaba oo waad arkaysaan sida Taageerayaashayadu noogu heelen  yihii n.”ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasin.

Waxa kale oo Isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw  Ca bdi(Xabeeb) oo isna si wayn ula hadlay taageerayaasha Xisbiga UDUB ee soo dhawaynta wacan u sameeyey uguna baaqayn in ay taageeraan Xisbiga Nabada iyo Horumarka ee dhidibada u taagay qaranimada Somlailand, isla markaana ku tilmaamay in uu yahay Xisbiga UDUB kii hirgaliyey Doorashooyinkii kala duwanaa ee ka qabsoomay Dalka.

Md. Xabeeb waxa kale oo uu xusay in Xisbiga UDUB yahay Kan Gobolnimada Gabiley Bixiyey, iyo kan Degmonimada Wajaale bixiyey, isla markaana mudan yahay in la taageero mar labaad si uu codka dadka ugu soo baxo si uu u dhameystiro wixii ka qabyo ah ee Wax-qabad ah .


Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Tog-wajaale Qawrax Muuse, Xoghayaha Abaabulka iyo Wacyi-galinta Xafiiska Xisbiga UDUB ee Gobolka Aadan Maxamed Xaji Aadam, iyo Masuuliyiin kale oo dhamaantood ah Taageero raadiyaayaal Cod u doonaya Xisbiga UDUB si ay mar labaad u soo baxaan.





Source;Hadhwanaagnews