MADAWAYNE WAXAAN KU LEEYAHAY MA GAABADA HASHADAA KA ROON , MAYDHNAAN KALE

 



Marka dib loo raaco dhacdooyinkii soo maray dalalka aduunka ka jira, waxa ay meel ku gaad heen waxay ahayd karti iyo dadaal ummada dalkaas ku nooli ay gaadheen. Somaliland dadke edu wax buu qabsaday, dalkoodiina way dhisteen, waxay u baahan yihiin xukuumad aamins an in dadku wax qabsado, cid kalena dawlad u dhisi karin, garsoor adag oo ka madax banaan xukuumada, golayaal baarlamaan oo guud jooga sharciga ay dejiyaan iyo fulintiisaba.

Dadka oo loo bisleeyo shuruucda dalka iyo siday u ilaashan lahaayeen. Wadada saxa ah ee ictiraafka caafimaadka qabaa ku jiraa waa ka sifahaa leh. Marka laga soo bilaabo shirkii Bur co 1991, ilaa manta madaxda Somaliland waxay lahaayeen wadan hebel iyo wadan hebel ay aan tegnay, waa lana soo dhaweeyey ,waanan is afgaranay.

Xukuumada manta joogntaana waxay ku kordhisay waa MARKII UGU HOREYSAY EE MAHIIGA LA KULANO, WAA MARKII UGU HORAYSAY EE LONDON LA INAGA CASUUMAY, arintani maaha curad aniga aragtidayda , waxay ila tahay in ay la mid tahay tii lixdankii ina soom martay.

Wadada loo marayo dhismaha Somalia waa mid qodxo badan oo wax ka soo naaso cadayn. Dadku ma iswaydiiyeen maxaa dib inoogu celinaaya wadadaa qodaxda badan. Lixdankii waa la is waydiiyey dadkuna waxay goaansadeen wuxuu noqday riyo. Caadifadii aan Soomali oo dhan ku raadin jirnayna waxay noqotay mid gudhay. Madaxwayne Siilaanyo wuxuu yidhi So malia kalama hadlayno gooni iskutaaga Somaliland laakiin wixii kale oo dhan waan ka wada h adlaynaa.

Waa maxay waxaa kale ee Somalia oo hada aan jirin ka wada hadlaynaa. Wasiirka Arimaha Dibadu wuxuu ummada u sheegay in Somalia aan kala hadlayno sidii aan u kala bixi lahayn. Madaxwayne adiga iyo Wasiirkaaga kee runta u sheegaya ummada Somaliland.

Madaxwayne waxaad dhagaysataa gabaygii Timacade , dhacdadii lixdankii kaga qoomameyn aayey , waxna ku qaado oo ku camal fal.

 

 

 


 

 

Dr. Mahdi Jaamac Rooble
March 14,2012