Madaxweyne
Siilanyo ha kala Doorto Jiritaanka Somaliland Iyo Nuux Taani!

Hadaan mawduucan aan qalinka u qaatay hoos ugu dhaadhaco sidaynu la
wada socono waxaa habeen dhaweyd deeganka layidhaah seemaal ee u
dhow baki lagu miray qoys reer somaliland ah iyo nin kale oo qaraabo
la ahaa horta maka ugu horeysa waxaan doonayaa inaan dareen kayga la
qaybsado shacab weynaha reer somaliland ee arin kaas ka tiiraan
yaysan meel kasta oo ay joogan waxaan leeyahay ILAAHAY samir iyo
iimaan hay naga wada siiyo dhamaan teen iyagana gacan ka xaq daran
ayaa dishee janatul fardowsa ha geeyo aamiin,
intaas kadib waxa rasuul keenii suubanaa yidhi NNKH ahaate
Fidnadu
waa hurudaa qof kii toosi ya ilahay ha nacdalo, anaguna waxaan
leenahay aamiin , inaas ka dib anigu umaan qaadan qalin ka inaan ana
fidno kiciyo laakiin somalidu waxay ku maah maah daa (
Milil guudkii
lama dhayo ) macnuhu waxa uu noqo nayaa xaajo xun ama boog qudhuntay
hadaan la dooxin oo mililka mees ha ku jira la dilaacin dawadeeda
lama helo taas oo muujinaysa wixii intaa ka dhiman inaan dawo laga
gaadhayn , markay sidaa tahay waxay nu la wada soconaa mush kilada
ceel bardaale inay somaliland ku noqotay boog bukta oo korka laga
salaaxayo, waxaay taasi ka dhigan tahay maa n sadii ahayd ( nin dawee
la leeyahay danbi uu badh leeyahay xalka doon la leeyahay isagay u
daran too inuu daaro ma ogola deebaqda milil ka leh ) waxay taasi ku
tusay saa inaan qof na ogolayn hadii uu dan biile yahay danbigana uu
wax ka fuliyay hadana isaga xal keeda laga suga ayo waa arin damiira
fayow iyo sharciga meela ka soo gelin ,hadaba
Taliyaha Ciidan ka Qaranka Somaliland Nuux
Taani hadii
dhacdada looga shakiyay inuu qayb ka yahay oo raga dhibta gaysa tay
ay jifadiisa tahay oo ay dhowr jeer dhibaatadu soo noq noqotay oo ay
waliba dhacdo fool xun tahay oo xasuuq iyo mir ba ah waxana ka qaban
waayay isagoo xil qaran hay oo waliba ah Taliyahii Ciidanka Qaranka,
miyanay ahayn inuu xilka iska casilo oo uu maxkamad tago iskana ba ri
yeelo danbiga intaas le,eg ee loo haysto, miyay se haboon tahay ninuu
shir jaraa'id qabto isaga oo masuul Qaran ,ah oo uu saxaafada uga
jawaabo cuqaal iyo salaadiin oo si beelaysan uu ula hadlo? maya
ayaan leenahay waa arin aan ku jirin nidaamka sharciga ciidanka.
waxaanay ku tusay say markuu Nuux Taani soo xidhay dharka shacabku
xidhaan ee caadiga ah ee uu saxaafada u yeedhay inuu u badheedhay
inuu si reer nimo aha ugu jawaabo cuqaasha iyo salaadinta dhacdada
ku ee deyey waxaase uga qurux bad nayd inuu xilka iyo awooda iska
casilo markaas kadib iska bari yeelo,waxaan leenahay
Nuux Taani falaadhi gilgilasho kaagama go do! laba
isku heli maysid inaad reer ku duusho oo mirto iyo inaad shaadh ka
ciidankana soo gashato oo tidhaah waxaan ahay nin qaranka u dhex ah
oo dadku waa ii simanyahay waxaan leyahay Nuux
Taani inaad saama
jiido iyo saqadh tirasho kala daa! somaliland waa in ardaa ku wada
jirta oo waana sagaaro sagaarana laba tun oo lakala qalo malaha way
iska war haysaa wax na uma kala qarsoona waxa layidhi dhuumasho
dhabarku muuqdaa dhuumasho maaha! .
waxaa se xukuumada somaliland boog madow ku noqotay markii dhacdadii
foosha xumayd ee kadhacday seemaal ay xafiiska madaxweynaha
soogashay oo lataliyahii madaxweynaha ee arimaha siyaasada loo
xidhay iyadoo arintaas inuu qayb kayahay looga shakiyay waxay taasi
ku tusay saa inay dhacdadu meel fog ay cidhib ku leedahay oo aanay
ku koob nayn dad beeralay ah oo reer miyi ah ee ay ka dan beeyan
masuuliyin qaranka xil way ka haya , maxayse noqon kartaa danta ay
ka yeelan karaan dadka masuuliyada qaranka haya ee hadana iyagu
nabad galyadii ilaalin teeda loo xil saaray ? waxaa la odhan karaa
marka ugu horeysa waxaa cad xukumada siilanyo ee layidhi waa xukumad
aad wada socon oo kala socota oo aan wada shaqan lahayn teamwork ,
waxaa la odhan karaa waxa ugu jira waa mash ruuc aan ka dhamaan
naayan oo waa naas u irmaan oo markuu doono ayuu shidaa ileen
isaguun baa la leeyahay hadana xal keeda raadi markaa kol kuudoono
waa daarayaa markuu doonana waa daminayaa!
maxaa la gud boon madaxweynaha! waxaa la gud boon talaabada uu
qaaday ee uu ka bilaabay nin kii siyasada kala talinayay inuu
xabsiga dhigo isagoo sharafta qaranka iyo nabad gelyadaba ilaalinaya
waa inuu Nuux Taani taliyaha ciidanka qaranka hadii uu isagu garan
waayay inuu iscasilo maadaama oo dhacdada looga shakiyay inuu xilka
kaqaado oo maxakamad danbigaa baadha horgeeyo oo hadii ay ku cadaato
sharciga lamariya sababtoo ah sharcigu waa inuu qabtaa ka awooda
badan iyo ka awooda yar , kafiqiirka ah iyo kataajirka markaas ayuun
baynu qaran noqonaynaa hadii kale waxaynu sheegnaaba waa barkuma
taal , takale nin hadii uu xukun ku raago ciidan na yahay waa
isasiiyaa awooda madaxweyne arinta ceelbardaale nuux taani lagu kala
baydhiwaa inuu lug ku leeyahay ee ama somaliland qaranimadeeda iyo
jiritaan keeda tix geli oo aad yar ducaqabe dheh ama nuux taani
xilka uga deg inta hadhay haysa sii kaba raaciyee!
Aadan Axmed
Nuur
Dublin Ireland |
|