WARSAXAAFADEED
 

 

28 March,2012



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaan yo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1002/032012, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga & Khayraadka Badda, Aga asimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka.

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud iyo Maareeyaha Madbacada Qaranka JSL.

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso.

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

Wuxuu go’aansaday

In laga bilaabo taariikhda maanta ay ahadaan Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Kalluumaysiga & Khayraadka Badda, Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska, Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka.



MAGAC-YADA MASUULIYIINTA CUSUB WASAARADDA LOO MAGACAABAY
XILKA LOO MAGACAABAY

1- Mudane, Maxamed Cilmi Aaden (Ilka-case) Agaasime Guud Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
(Xil Hore waxa uu ahaa Agaasimihii Protocol-ka Madaxtooyada JSL)

2-Mudane, Abiib Axmed Cali. Agaasime Guud Ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska

3- Mudane, Cali Maxamed Cabdulle (Bikolo)Agaasime Guud Wasaaradda Dib-u-dejinta
4- Mudane, Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Carey) Maareeyaha Madbacadda Qaranka

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Mudane, Cabdiraxmaan Cawil Xasan

Madaxweynuhu:-
Mudane,
Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay.
Xilalka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL.
Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Maxamed Cilmi Aaden (Ilka-case), oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Waxa Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1001/032012, ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta.



Madaxweynuhu:-


Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaradu u leedahay Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cali Cilmi Geele, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee JSL.
 


ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.