War-saxaafadeed

Date: 02/07/2011
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu
maanta Digreeto Madaxweyne ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Awdal.
Madaxweynuhu waxa uu Digteeadaa Magacaabista ah ku yidhi sidan:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Baahida loo qabo in badhasaab loo magacaabo Gobolka
Awdal,
Markuu Aqoonsaday: Muhiimadda wayn ee loo qabo buuxinta hawsha
jagadan Guddoomiyhaha Gobolka Awdal,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Xasan Daahir Xaddi, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
|