Madaxweynaha Jabuuti oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arr. Dibada Somaliland iyo Waxyaabaha ay ka wada hadleen

 

 

 


 

Labada masuul ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo ....................

Jabuuti (TNN)- Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Wasii rka Arrimaha Dibada Somaliland, Dr. Maxamed C/laahi Cumar.

Labada masuul ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii ay labada dal uga wada qayb qaadan lahaayeen horumarinta mandaqada Geeska Afrika.


Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland ayaa maalintii shalay u kicitimay dalkaasi, iyada oo uu hore uga sii horeeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland , Maxamed Nuur Caraale (Duur), waxaanay safar ka labada masuul inay ka dambaysay lala xidhiidhinayaa ka dib markii Xukuumadda Somaliland xadke eda ay la wadaagto dalka Jabuuti ka celisay masuuliyiin ay ku jiraan Wasiiro, taasi oo keentay in si deg deg ah dalkaasi safar ugu tago Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, iyada oo uu ka daba tag ay Wasiirka Arrimaha Dibadu.


Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland,Dr. Maxamed C/laahi  Cumar,  ayaa ka dib markii uu Madaxwe ynaha Jabuuti kulanka la yeeshay, waxa uu sidoo kale kulan la qaatay dhigiisa dalka Jabuuti Maxa med Cali Yuusuf, waxaanay labada masuul ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada wadan ka dhaxeeya.
 

 


Sacad M. Cabdi
Timacade News Desk