Ceelbardaale ila akhriya go`aankii Guurtida ee
Ceel-bard aale 2009 .Madaxweyne Ilaahay ka cabso oo Cadaalada u
hiili taas ayaan kugu dooranaye

Kani waa Go'aankii Guurtidu ka gaadhay Shaqaada
Ceerbadaale ee 2009. Kani waa Go'aan ku s alaysan
shareecada Islaamka oo Culimada Somaliland markhaati ka
ahaayeen inuu go'aankaasi waafaqsan yahay Shareecada, ka
dib markii ay culimo badan ay booqdeen dhulka
Ceelbardaale ee Gobolka Gabiley ayna indhahooda ku soo
arkeen guryaha, beeraha, ceelasha iyo raadadka
tuullooyinkii laga qaxay 1988 ee ay leeyihiin dadkii
lahaa oo ka soo jeeda beesha Gabiley, markii ay
Salaadiin, aqoonyahanka iyo waxgaradka Somaliland ee
kala degan daafaha Jamhuriyada Somaliland ay booqdeen
dhulka ceelbardaale ee ay arkeen xaqiida dhabta ah, ayaa
loo saaray Guurti aan labada beelood midna aanay ku
jirin oo ka kooban beelaha kale ee Somaliland, si
ca daalad loo helo, loogana fogaado eex iyo wixii la mid
ah.
Xukumadii Rayaale iyo Dhamaan umada Somaliland way
galbiyeen Guurtidaas inuu Ilahaay sida uu ku ogyahay ay
ugu kala garnaqaan labada beelood. wixii ka soo baxana
lagu qasbanaado in la fuliyo iyo in cidii ka hortimaad
go'aanka la soo saaro in Xukumadii markaas jirtay gacan
bir a h ku qabato. Guurtidaas waxa markhaati u noqday
umada Somaliland oo dhan oo ka war sugay say mudo dheer
si mar uun shaqaadaas loo dhameeyo. Guurtidii mudo marka
ay dhegaystay la bada beelood ayay go'aan la mid ah kii
ay soo saareen Guurtidii loo saaray khilaafka
Ceelbard aale 1993 ay soo saareen. Go'aankii maalintaas
Guurtidaasi ay Ilaahay Dartii u soo saareen wa akan hoos
ku qoran: Gari Alle ayay taqaane, Maanta maxaa soo
celiyay Khilaafkaas Umada So maliland oo dhami u
tafaxaydadatay laba jeer. Dhamaan Go'aamadii la soo
saaray labada jeer ba waxa diiday Beesha Samaroon (Reer
Nuur) iyaga oo markasta kalsooni saxeexan siinayay
Guurtida in ay raali ka noqon doonaan go'aanka ka soo
baxa Guurtida xalinta khilaafka C eelbar daale. Gar diid
waa Alle Diid ayaa hore loogu maahmaahay. Maxaa loo
fulin waayay Go'aankii Guurtida ee 2009. Ma cadaalad
daro ayaa la rabaa in dulmanaha xaqiisa la duudsiyo.
Hadii laba qolo oo Muslimiin ahi isdilaan ama wax isku
qabsadaan waa in qolooyinka kale ee Muslimiinta ahi u
garnaqaan oo hadii go'aanka qolo diido in dhinac laga
wada maro. Sawka Islaamku sidaa odh anaya.
Qofkasta oo Somalilander samo talisa ahi ha akhriyo
ga'aankan Guurtida, hadii aad uu baahtan a ha soo arko
dhulka Ceelbardaale si aad u noqoto qof taageera
Cadaalada oo u hiiliya dulma naha dhulkiisii gardaro
lagaga haysto ee maatidiisii ilaa 1993 wadhan tahay
Gabiley iyo Wajaale ee waxwalba Nabada iyo walaalnimada
ka hor mariyay. Qofkasta oo muwaadin ahi oo aan xog ka
hayni Dhulka Ceelbardaale ha yimaado dhulkan si aad
marlabaad ugu hiiliso cadaalada una joojiso Dhiig
daadanaya iyo uurxumo uu ka tageyo. Ila akhriya go'aanka
Guurtida ee hoos ku qoran. ILAAHAYNA HA LAGA BAQO OO
YAAN DULMIGA LA ISKU KAASHAN. KII DULMI WADANA AYNU
GACAN BIRA KU QABANO, DULMANAHANA HA LOO GARGAARO. HADII
INDHA LAGA QARS ADO CADAALADA ILAAHAY AYAA INUGU CIQAABI
DOONA AMAAN DARO IYO DHIBAATO AYNA AN GARAN MEESHA AY
INAGAGA TIMID.
Golaha Guurtida:-
Ref:GG/JSL/GG/08/06/2009.
Ku: Muduciga JIbriil Abokor Gabiley
Ku Mudaacaleyga Reer Nuur Dilla
OG: Wasiirka Arimaha Gudaha JSL Hargeisa
OG: wasiirka Beeraha JSL Hargiesa
OG: Shirgudoonka Golaha Guurtida JSL Hargeisa
OG: Madaxwayne ku Xigeenka JSL Hargeisa
OG: Madaxwaynaha JSL Hargeisa
Ujeedo :
xukunka Laga Gaadhay Mashruucii Ceel Bardaale
oo ay isku Hayeen Jibriil Abokor iyo Reer Nuur.
Gudida Nabadaynta Golaha Guurtida ee beelaha isku haya
Mashruuca Ceelbardaale oo ka koobn ayd 12 xubnood oo
dhamaantood ka tirsan golaha Guurtida Somaliland,
Kuwaasi oo loo xil saar ay inay soo xaliyaan arinta
muranku ka taaganyahay ee Mashruuca ceelbardaale,
wadayna hawsha nabadaynta intii udhaxaysay
27/02/2009 ilaa
07/06/2009.
Gudidu intii ay hawsha ku jireen waxay kulamo, fadhiyo
iyo shirarba iskugu keeneen dhinacyad a arintaasi
mashruuca ku muransanaa, fadhiyadaasi oo lagu kulmay
qawska burdi iyo kalabay dh laguna Dhaariyay min 25
xubnood oo dhinac walba leh, kuwaasi oo ka xaajo
qaadanayay ar inta furka, dhimashada, dhaawaca, iyo
dhulkaba ahayd ee ay ku maransanaayeen iyada oo la b ada
dhinaca mudiciga iyo mudaacayguba kala sheeganayeen
anagaa leh mashruuca iyo dawla dbaa lahayd mashruuca
dhulkaana anagaa qaadanay, "Guurtiduna ka garnaqaysay
yaa leh Dh ulka mashruucaas lagu muransanyahay?"
Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu Aragtay
Qoraalka Dacwada Mudiciga ee ku ta arikhaysan
26/04/2009 nuxurkiisuna ahaa mashruuca Ceelbardaale oo ka kooban
sideed Kaa m, Anagaa leh waxaa naga haysta reer nuur,
horena waa la noogu Xukumay 18/06/1993.
Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu Aragtay
Qoraalka Jawaab celinta Mudaa Calay ga ee ku
taariikhaysnaa 02/05/2009 Nuxurkiisuna ahaa Mashruuca
Dawladbaa lahayd Dhulka na anaga ayay naga qaaday iyo
Qoraal kale oo ah kalsooni bixinta oo ku taariikhaysan
09/05/2009.
Markay Gudida Nabadayntu Dhagaysatay Dacwadii Doodii
Afka ahayd, Muduciga oo 3 caaqil ku dacwiyeen in ay
Muduci ku yihiin reer nuur kana doonayaan 2 (Laba) qori
oo fur ah (Baasuuke, AK47) iyo 4 (Afar) nin oo dhimasho
ah oo kala ah:
Xasan Xaaji Raage
Sayid Yuusuf Cige
C/laahi Cali Xirsi
Cali Yoonis Qows
Iyo 7 nin oo dhaawac ah oo kala ah
Farxaan Aw Cali
Sayid Cumar Caamir
Faysal Jeex Caamir
Jirde Axmed Faarax
Jimcaale Yabaal xirsi
C/laahi Aw ciise xirsi
C/laahi Muxumed kaahin
Iyo dhul ka kooban 8 kaam oo kala ah:
kaamka boodhka
kaamka kawniin
kaamka nuuriye
kaamka ceelbardaale
kaamka qoska
kaamka ceeriga
kaamka buqdhada
kaamka xarunta gaadiidka
Markay Gudida Nabadayntu Dhagaysatay Doodii afka ahayd
ee mudaacalayga oo 3 caaqil ka doodeen iskuna difaaceen
sheegayna in dhinacooda 2 nin ka dhinteen oo kala ah:
Axmed Yaasiin Cali kule
C/laahi Cabdi Cumar, oo ahaa wiil yar oo la joogay
muduciga jibriil abokor oo la uus xabaalay
Iyo lix nin oo dhaawac ah oo kala ah :
Abshir Cumar Warsame
Cilmi Cismaan Maxamuud
Mahad Deheeye Barkhadle
Xuseen yuusuf Caamir
jeex Xabiib Samatar
Jaamac Cabdi Habane
Iyo dhulkaas mashruuca oo hore dawladi nooga qaaday
1961.
Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtida u Cadaatay
inlaysla qiray dhimashada , dhaawaca, iyo Furka.
Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu soo eegtay
Xaalada Dhaawacaas labada Dhina cba ah oo kala yaalay
Gabiley iyo dilla taariikhdu markay ahayd 14/05/2009.
Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu soo Gaadheen
hubkii furka aha ee reer nuur soo celiyeen laguna
Wareejiyay Jibriil Abokor hubkaas oo kala ahaa (Baasuuke
iyo Ak 47)
Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu soo eegtay
khasaarihii Dhacay mudadii Shaqaa qadaasi socotay, taasi
oo guurtidu ku soo aragtey khasaarahaasi hal dergad oo
seema al ah iy o gubad yar oo boodhka ah , qiimaytoodana
waxaa loo xilsaaray ergooynta beelaha ee labada dhinac
jibriil abokor iyo reer nuur.
Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu soo aragtay
beero shaqsiyaad leeyihiin oo ku x eernaa mashruuca kuna
yaalay Xamarta baysaare iyo ceeriga kuwaas oo dhamaan
cadayntoo dii iyo mulkiyadoodii oo ka diiwaan gashan
Degmada Gabiley loo soo gudbiyey Gudida Nabadayn ta ee
Golaha Guurtida.
Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu soo aragtay
Dhulka lagu muransanyahay ee uu ku fadhiyayay
mashruucaasi ceelbardaale oo hanti badani ku taalay
hantidaas oo ka koobnayd dhismiyaal dunsan ceelaal iyo
beero.
Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu ku qanacday
cadaymihii iyo maragmuujintii u keenay muwdicigu iyo
go,aankii xukunkii hore ee guurtidu ka gaadhay
mashrucaasi oo murankiisu u dheexeyey Jibril abokor iyo
reer nuur 18/06/1993.
Sidaas dardeed gudida nabadaynta ee golaha guurtida oo
cuskanaya asbabahaas kor ku xusani waxay soo sareen
xukunkan:-
1. in magta dhimashada lixda nin lagu xukumay midkiiba
100 halaad oo geel ah sidaa sharecadu islaamku qabto
aaska lixda nin ee dhintay midkiba laga bixiyo 500$
dollor lana siiyo qoysaskii geeridu ku timid laguna
bixiyo sadex maalmood oo ka bilaabmaya maalinta
xukunkaasi soo ba xo.
2. in $2000 ( laba kun oo dolor) ay dheertahay magta
wiilka yare ee maganta ahaa ee la uus xabaalay marxuum (
Cabdilaahi Cabdi Cumar)
3. in dhaawaca sadex iyo tobanka nin la siiyo badhigooyo
labada dhinacba , sadexda ugu dhaa waca culus midkiiba
sadex milyan oo Somaliland ah, isu gayn ah Lix nin
dhaawaca hadhay ee fudud oo dhami todoba nin oo labada
dhinacba ah la siiyo midkiib hal milyan oo Somaliland
ah, lacagtaasna waxaa lagu bixinaya sadex maalmood oo ka
bilaabmaaysa maalinta xukukunkani soo baxo, iyadoo la
xaqi doono maalinta magwaynta lagala qaadanayo.
4. in qofkasta oo reer Somaliland ah uu xaq u leeyahay
lahaanshaha hantidiisa ma guurtada ah sida beer, dhisme,
barkad, aqal, iyo ceelbereed.
5. in aan cidna gaar u sheegan Karin, xoolaha dadkana
laga celin Karin daaqa, ceelasha caadiga ah , biyaha
qulqulaya iyo wadooyinka
6. in qofkasta looga tago hantidiisa gaarka ah bil
gudeheedna ku dago gurigisii iyo beertisii.
in mashruuca ay leedahay cidii hore u lahayd ee loo
xukumay 18/06/1993 oo ahayd muduciga.
7. Gudida nabadaynta ee golaha guurtidu waxay ayiday
xukunkaas hore looga gaadhay mashruucaasi 18/06/1993 oo
wafaqsana shareecada islaamka, waxayna gudidu uu
xukuntay dhianca muduciga.
8. in bixinta magtaas iyo celinta dhulkaasba lagu fuliyo
muddo hal bil ah oo ka bilaabanta maalin ta u xukunku soo
baxo iyadoo xukunkan ay fulinayso xukumada Somaliland.
cidii jabisa xukunka ani waxaa la ganaxaya $35,000 (shan
iyo sodonkun oo dolor).
Xukunkani wuxuu soo baxay oo u dhaqan galaya laga
bilaabo maanta oo taarikhdu tahay 07/06/2009.
Magacyada gudida nabadaynta golaha gurtida
Maxamed Maxamuud diriye (Gudomiye)
Cawil Cabdilaahi Caydid (xubin)
Cumar Nuur Xasan (xubin)
Caydiid Cabdi Maxamed (xubin)
Xasan Axmed Faarah (xubin)
Sh. Maxamuud Xirsi Faarax (xubin)
Dahir Cali Jamaac (xubin)
Maxamed Xuseen Huruse (xubin)
Sahal Iidle Dirir (xubin)
Maxamed wali Warsame Cali (xubin)
Cabdi Nasir Ahmed Beegsi (xoghaye)
|