Madaxweyne Axmed-Siilaanyo waxaan leeyahay dawladaadu haka gudubto

 



Shacabka Jamhuuriyada Somaliland waxa aan u dirayaa hambalyo sidii qaayaha badnayd ee ay dibad iyo gudaba kor ugu qaadeen calanka iyo jiritaanka dalka Somaliland,aduunkana ugu muujiyeen inay ka go'antahay madaxbanaanida JSL ee lagu xusaayay 21tan guuradii 18 may 1991 maalintii Burco l agaga dhwaaqay gooni isu taaga madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland.

Hadaan halkaa ku dhaafo hambalyada oo aan u daadago dulucda maqaalkan iyo ula jeedada ka danb aysa aragtidaydan ii gaarka ah waxa aan u kala qaadayaa saddex qaybood oo aan arko inay toosin u tahay Madaxweyne Axmed Maxamed iyo xukuumadiisa.Markaa waxa aan leeyahay Madaxweyne A xmed Maxamed iyo xukuumadiisu haka gudubto 3 arrin oo ay labada sannadood ee ay dalka hogaa m inaysa:



Wacyigelinta Kacdoonka:

Somaliya markuu Afweyne inqilaabka ku qabsaday ayuu bilaabay wacyigelin kacdoon oo uu indhaha shacabka kaga jeedinaayo wacyiga dhabta ah,kuna xalaalsaday xadhig,cagajuglayn,burburin distoor iyo maamul ku dhisan eex iyo cadaalo darro.
Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo ka tirsanaa dawladaa Afweyne ayaa jid xaq-darro oo ku salaysn aa waraaqo la xado iyo laaluush ku guulaystay laba sanno ka hor inuu Jamhuuriyada Somaliland ka noqdo Madaxweynahii 4aad.Bahal caydhan ma daayo ee nidaamkii uu u bartay ayuu boodhka ka tum ay kadib 6bilood markuu kursiga dalka ugu sareeya ku fadhiistay.Waxaanu bilaabay inuu saxaafada madaxa- banaan cabudhiyo,kuna tuuraa xabsiga ayadoon jid sharci ah loo soo marin.Arrinka xabsig a loogu taxaabaana maaha wax kale ee waxa weeye _(Car juuq dheh,laylama hadli karo).Weliba sax aafadu waa garab ugu cuslaa ee soo saaray Madaxweyne Axmed.

Waxa kale oo ula kac dawladiisu ugu dhaqantaa qaabkii qabiilka ee uu Afweyne adeegsan jiray.Waxa madaw geliyay ganacsigii dalka oo uu ku saleeyo eex qabiil. Taa waxa ka sii daran wax soo saarkii da lka oo uu ku bedelay daasadii dawarsiga ee hay'adaha shisheeye aynu hoos hayno.Maalinta hadhuu dhka iyo arabikhidu dalka ka soo go'ayso ayuu UNDP-da ku yidhaa dalka gaajo ayaa loogu bakhtiyay aa ee keena daqiiq iyo saliid.Taasina waxay niyad jab ku ridaa beeralaydii dalka.Waxa taa garab soc da macdantii dalka oo boob ay ku hayaan xubno dawladiisa ka tirsan iyo qaar shisheeye ah oo lagu tilmaamo inay dalka mashaariic ka fulin doonaan.

Waxaasoo dhan iyo waxyaabo kale oo aanan halkan ku soo qaadan-ba waxa uu Madaxweyne Axm ed-Siilaanyo ku qariyaa wacyigelin uu ula baxay: Waxqabadka dawlada,Si uu aragtida shacabka uga jeediyo xaqiiqada maamulkiisa qaloocan ee qodobkaa dawladu haka gudubto.


Baqo-gelinta iyo Jawaabaha degdega ah:


Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo dawladiisu mudada labada sanno ah ee ay dalka hogaaminayeen waxay ku caan baxeen jawaabta degdega ah ee ay ku ladhantahay baqo-gelintu.Tusaale hadaan u soo qaato dhacdooyinkii galbeedka,bariga,Saaxil iyo Maroodi-jeex oo aan anigu qabo inay dawladu ka danbaysay waxa ka hadlay wadaniyiin,siyaasiyiin,madax-dhaqameedyo iyo aqoonyahan,isla mark iiba wasiiro ayaa si codho leh ugu jawaabay,kuna hanjabay inay talaabo ka qaadi doonaan.

Taasina waa caga-juglayn iyo baqo-gelin shacabka lagula dhaqmo.Waxna hagaajin mayso waxay sii dumiso mooye.Weliba waxa muuqata inaanay dawladani lahayn kala danbayn waayo wasiir ayaa me dia-ha uga jawaabaya muwaadiniyiin eedaysay dawlada markaasaa dhawr kalena ka daba jawaaba an.Waxan is-waydiiya talow wasiiradani ma waxay dhasheen xasuuqii iyo dayaaradahii aan loo meel deyi jirin ee shacabkan soo maray intii ka dambaysay mise ayagaaba xaalad abuur ah oo ku talo gal ayaa jira aan shacabku ka war hayn.Waxa kale oo taa garab socota wecyigelin dhinaca arrimaha dib ada ah oo halisteeda xanbaarsan.Dawladu waxay aragtida shacabka xero gelisay muddo bil ah oo ay ku guulaysatay inaynu hor fadhiisano Somaliya,lamana oga mindiyaha u qarsoon.Waayo Madaxweyn e Axmed Siilaanyo ma hayo wax qorshe ah oo arrinkaa lagaga midho dhaliyo.Waana arrin xogogaal loo yahay ilaa maanta inaynaan ka wada tashan qorshe dhab ah oo aynu miiska la tagno marka laga reebo erayada ah walaalayaal aynu is-aqoonsano.

Dhinaca kalana dawladu waxay ka wadaa cagajulayn iyo baqo-gelin ay shacabka u soo marinayso m edia-ha ayadoo ku hanjabaysa madax-dhaqameedyada iyo siyaasiyiinta ka qayb gala shirarka xamar waa danbe qaran,waana xadhig ee dawladu haka gudubto baqo-gelinta iyo jawaabaha degdega ah.

Ballan-qaadyadii Kulmiye:


Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo wasiiradiisu labadaa sannadoodba waxay adeegsadaan weedha a h (Ballanqaadyadii aanu cado-bixiyaasha u qaadnay ayaanu fulinaynaa).Aragtidaa anigu kolayba wa xaan u arkaa inaanay ku waqtigan ku haboonayn shacabka Somaliland.Waayo,waa marka horee Ma daxweyne Axmed-Siilaanyo maanta uma aha madaxweyne xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashiisa ee dalka oo dhan ayuu Madaxweyne ka yahay.Haa,waa run inuu ku soo baxay codkii xisbiga Kulmiye bal se tiradu shacabka Jamhuuriyada Somaliland waxa lagu sheegaa 3 million iyo dheeraad waxaana dal kaba ka codeeyay 5oo,ooo muwaadin,waxaana u codeeyay Kulmiye kala badh.Markaa inuu Madax-
weyne Axmed-Siilaanyo iyo dawladiisu la soo taagnaato waxaanu fulinaynaa ballan-qaadyadii cod-bixiyaasha Kulmiye meel ka dha ayay ku tahay tirada ka badhan ee shacabka.Waayo,waxa muuqata inay dawladiisu danaynaysa uun intii ay codka ka heleen oo waxaa jirta inay mashaariicda dawladu laba dhinaca uun u jan-jeedho,jiraana inta gobolada inaan wax mashaariic ah aanay dawladani ka qa ban.Taasina aragtidayda waxay ka mid tahay arrimaha gobolada qaarkood fogaysay,gobolo kalana ku daba jiraan.Waxaanay aragtidaasi curyaamisay wax ka qabadkii guud ee dalka,hoosna u riday da wlada Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ee dawladu arrinkaana haka gudubto oo dalka haka curiso sinn aansho iyo cadaalad.

 

 

 

 

 

Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/Somaliland