Dadwaynaha ku Dhaqan magaalada Tog-Wajaale oo Fardo kaga hor yimi Wa
ftigii Madaxwayne Siilaanyo oo Booqasho ku Tagay iyo Soo Dhawayntii
ugu Saraysay oo lagu Qaabiley Waftiga Madaxwaynaha.

Waxa uu Madaxwaynuhu ugu danbayntii socod ku soo maray jidadka dhex
mara gudaha magaalada Tog-Wajaale
Tog-Wajaale,July 28,2011 (TNN) -Dadwaynaha ku dhaqan Degmada
Tog-Wajaale ayaa maanta si diiran u soo dhaweeyay waftigii balaadhnaa ee
uu hogaaminayay Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyo) , kaasi
oo ku sugnaa illaa xal ay Gobolka Gabiley. waftigan uu hogaaminayo
madaxwayne Ahmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa waxaa ku
weh eli naayey Marwada Madaxwaynaha
Amino waris, G/xigeen Baarlamanka
C/casiis Samaale, Wasiirka Hawlaha Guud Prof. Is maaciil Muumin Aare
Lataliyaha Madaxwaynaha ee Arimaha Siyaasada Abiib Diiriye Nuur
Agaasimaha Arimaha Gudaha C/lahi Balack iyo Madax kale .
Mudane Ahmed Silaanyo ayaa ugu horayn shacabka ku dhaqan magaalada Tog-
Wajaale mahad naq balaadhan u soo je ediyay siday bacadka iyo
kulaylka u xamileen una soo dhaweeyeen waftiga isagoo dadwaynaha
reer Tog- Wajaale kula d ardaarmay inay meel uga soo wada jeestaan
horumarka gobolka iyo guud ahaanba dalka isagoo sheegay in sida ugu
dha khsaha badan wax looga qaban doono baahiyaadka ka jira deegaanka
lana bilaabi doono dariiqa u dhexeeya
Kalabaydh iyo Tog-Wajaale,
isagoo sheegay in mudada uu xilka hayey waxyaabo badani ay u
qabsoomeen iyadoo dalka ay abaaro ay ka dhaceen isagoo kula
dardaarmay reer tog wajaale in horumarka meel looga soo wada
jeedsado.
Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Xildhibaano, Wasiiro iyo Waliba
Masuliyiin kale , kuwaas oo dhamaanba ku bogaadiyey shacabka reer Tog-Wajaale sida balaadhan ee ay u soo dhaweeyeen iyadoo wakhti
duhur ah oo ay cadceedu kulushahay ay u taagnayeen bacadka.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Cuqaasha magaalada Tog-Wajaale
,Aqoonyahano, iyagoo dhamaantoodba soo dhaweeyey waftiga uu
hogaaminayo Madaxwaynuhu iyagoo dhamaantoodba sheegay inay
dhibaatooyin badani oo adee gyada bulshada ahi ay ka jirto degmada
isla markaana aanay lahayn dhamaan adeegyada bulshada sida
caafimaadka bi yaha iyo wadooyinka loona baahan yahay in wax laga
qabto baahiyaadka ka jira Tog-Wajaale, iyagoo sheegay inay
Tog-Wajaale tahay muraayada Soomaaliland ee ay dalalka aynu jaarka nahay inag daawan
karaan.
Waxa uu Madaxwaynuhu ugu danbayntii socod ku soo maray jidadka dhex
mara gudaha magaalada, isagoo markii danbe u amba baxay magaalada
Hargaysa.
Timacade News Desk
Tog-Wajaale, Somaliland
|