WARSAXAAFADEED
Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu
saxeexay Maan ta Xeerka Hubka Fudud oo Numberkiisu yahay No:
72/092010 kaasi oo la xidhiidha Dhaqan-gal ka Xeerka Lr.39/2010 ee
Xeerka Xakamaynta Hubka Fudud.
Digreetadu iyada oo Dhamaystiran waxay u dhignayd sidan :-
Markuu arkay : Ogolaanshaha Golaha Wakiiladda ee xeer Lr. 39/2010.
Markuu arkay: Qodobka 90aad ee Dustuurka JSL.
Markuu Helay: Go’aanka Golaha Wakiiladda JSL ee ku Suntan GW/KF-12/49/2010
ee
xakamaynta Hubka fudud.
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka JSL
Madaxweynaha JSL wuxuu soo Saaray:
Dhaqan-galka xeerka Lr. 39/2010 ee xeerka xakamaynta hubka Fudud oo
lagu baahin doono faafinta rasmiga ah (Bulation officiale).
ALLAA MAHAD LEH
C/laahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
AF-hayeenka Madaxtooyada JSL
|