ololihii nadaafada qaranka oo maanta guud ahaanba dalka ka bilaabmay iyo madaxwayne siilaanyo oo ka qayb qaatay
 


Madaxwynaha ayaa saaka kormeer ku soo maray qaar ka mid ah degmooyinka Hargaysa isaga oo madaxwynuhu gacan tiisa ......

Hargeysa (TNN)-madawaynaha somalialnd axmed Siilaanyo oo ay weheliyaan qaar ka mid ah  g olihiisa wasiirada ayaa saaka xaafado ka mid ah caasiamda hargaysa ka bilaabay ololaha  maali nta nadaafada qaranka oo uu todobaadkan madaxwaynuhu ku dhawaaqay.

madaxwynaha ayaa saaka mormeer ku soo maray qaar ka mid ah degmooyinka Hargaysa isaga oo madaxwynuhu gacan tiisa kaga ururiyay qashinka meelo ka mid ah meelihii uu mormeerka ku soo maray waxana uu amaan balaadhan u soo jeediyay dhamaanba dadwaynaha ku dhaqan  da lka somalialnd gaar ahaana caasiamda Hargaysa oo uu sheegay in ay si balaadhan oo  daacadni mo ku dheehan tahay u qabteen hawshii qaran.


madaxwayne siilaanyo oo hadalka ka kooban ka jeediyay goob ka mid ah goobihii uu saaka  qas hinka gacantiisa kaga ururiyay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan mahad naq uga soo jeediyo dadweynaha reer Hargeysa, shaqaalaha dawlada Hoose iyo guud ahaan  shaq aalaha dawlada dhexeba oo maanta olalahan oo ka dhacaya dalka oo dhan ka qeyb galay. Wa xaan u mahad celinayaa ammaana u soo jeedinayaa cid allaale iyo cidii ka qeyb qaadatay  arrint an.”

madaxwayne siilaanyo ayaa sheegay in ololahani uu noqon doono mid joogto ah oo 45-cishaba mar guud ahaan dalka laga qaban doono.


Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Desk
Hargeisa somaliland