“Madaxwaynaha imika wax xidhiidh ah oo aanu leenahay ma jiro, dhawaaqii aan barigii idhi ha la taageero Siilaanyo midhahoodii waa la arkay”

 



“Wasiirka Daakhiliguna Waxa Uu Igu Yidhi Suldaan Ma Fasaxi Karo Mudaharaadkaa Salmiga Ah Oo Lagaga Soo Horjeedo Shirka London. Sidaasaanan Ku Qanciyey Bulshada Reer Hargeysa Ee Mudaharaadka Doonaysay”
Suldaan Xasan Suldaan C/Laahi


Hargeysa (TNN)-Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa deedafeeyey ka qaybgalka Somaliland ee shirka 23-ka bishan ka furmay magaalada London oo lagaga hadlayo arimaha Soomaalida, kaas oo ay ka qaybgali do onaan wafti uu hogaaminayo Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaan yo) oo ay ka mid yihiin asxaabta qaranka iyo qaybaha bulshada.

Suldaan Xasan Suldaan C/laahi waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi Khaas ah uu shalay galab Wargeyska Haatuf ku siiyey khadka tilifoonka isaga oo ku sugan Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlay arimo door ah.

Suldaan Xasan waxa kale oo uu ka hadlay Mudaharaad la sheegay in dhalinyaro ka abaabulay say Hargeysa oo ay kaga soo horjeedaan ka qaybgalka shirka London, kaas oo ay damac san aayeen in 22-ka bishan ay ka sameeyaan caasimadda dalka, isla markaana dhalinyaradaasi uu sheegay inay ka codsadeen inuu warqad ogolaansho ah uga soo qaado Wasaaradda Daakhili gi, balse uu Wasiirka Wasaaradaas Mr. Duur uu ka cudurdaartay ogolaanshaha Mudaharaadka as.

Suldaanku waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka ka dhaxayn jiray Madaxwayne Siilaanyo wak htigii hore iyo imika sida uu yahay, kaas oo sheegay inaanay hada wax xidhiidh ah ka dhaxay nin, balse balanqaaday inuu diyaar u yahay inuu markasta Maslaxada Somaliland ka taliyo. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya halka uu ka taagan yahay shirka London, waxa uu yidhi “Anigu waxaan taageersanahay qawaaniintii hore ee laga soo saaray ka qaybgalka shirarka Soomaali da oo baarlamaanku go’aanadii uu wakhtigaa gaadhay waxa uu ku dhisnaa Qodob Distoori ah, qodobka 1-aad, 34-aad, 37-aad, 127-aad, 120-aad iyo qodobka 130-aad ayaa lagu dhisay oo waxa lagu xusay gooni isku-taaga Somaliland ee 1991-kii shirkii Burco, isla markaana waxa la gu waafaqay shirkii ka danbeeyey ee Boorama ee axdi qarameedka ay bulshadani ku samaysa tay. Markaa kaas ayaan waafaqsanaa oo waxa uu ahaa sharci wanaagsan oo xakamaynaya shacbiga Somaliland, xeerkuna waxbuu dabraa waanu shaqeeyey xeerkaasi, waxa kale oo aan aaminsanahay xeerba xeerbaa badala, markaa nidaamka shirka London loo maray waa nidaam aan waafaqsanayn sharciyada dalka u taal, marka hadii distuurka qaranka uu ka soo horjeedo xeerka la samaynayaana waa waxba kama jiraan. Ilaahay ayaa Ictiraafka hayee xukuumadda waxa looga fadhiyaa inaanay odhanin 47 dawladood ayaa shirkaa fadhiya ee waa inay 47-ka dawladoodba ay guryahooda iyo dalalkooda ugu tagto oo ay u soo bandhigto qadiyada Soma liland iyo waxa ay bulshadani qabsatay”.

Suldaan Xasan isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Maanta hadii uu codsaday Madaxw aynihii aynu dooranay oo uu yidhi shirkaasaan wax ka hunguraynayaa ixtiraam ayuun baa ta as loogu sameeyey oo sharcigii dalka loogu jabiyey ayaan aaminsanahay”.

Suldaanku mar uu ka jawaabayey inuu ku jiray Madaxdhaqmeed la sheegay inuu Madaxwayne Siilaanyo kala tashaday ka qaybgalka Shirka London, waxa uu yidhi

“Madaxdhaqmeed inuu Madaxwaynuhu la kulmay anigu ma cadayn karo, mida kale saddexda xisbi qaran oo kaliya talada dalku kama go’do oo iyagu barnaamijyadooda oo kaliya ayuun bay dadka u soo bandhigaan oo ay talada dalka ku qabsadaan, laakiinse Masiirka ummadda kama turjumayaan oo dadkani wada tashi ayey halkaas ku soo gaadheen oo ay Somaliland ku soo caano maashay, isla markaana dhaqanka iyo dawladnimadu waxay ahaayeen kuwo isku xidhan markasta. Madaxwaynuhu hadii uu hungureeyey ka qaybgalka shirkaas London ka furmaya siyaabo kale oo badan ayuu mashruuc sharci u samaysan kari lahaa oo Madaxwaynuhu golaha wakiilada ayuu Mooshin ka samaysan kari lahaa, waxa kale oo u banaanayd mashruuc sharci oo uu Guddida arimaha dibadda ee golaha uu u soo diro oo sidaas ayuu golaha ku soo dhex dhigi lahaa oo uu codsanayo in arinkaas loo fasaxo. Taasi wuu baalmaray mida kale arintan aad i waydiisay ee aad tidhi arinta shirka in badan ayaa la falanqaynayey, waxaan aaminsana hay sida uu inta badan sharcbiga Somaliland-ba aaminsan yahay ee uu wadnaha farta ugu hayo ayaan la qabaa oo bulshadeena inta ugu badani waxay aamisan yihiin in jiritaanka Soma liland aanu gorgortan gali Karin oo aanu lagu dhex mili Karin meelaha kooxaha Soomaalida lo ogu garqaadayo, isla markaana aanay khusaynin, markaa waxa inala gudboon inaynu ka war sugno waxa ay London kala soo noqdaan intii tagtay shar iyo khayrba”.

Suldaan Xasan Suldaan C/laahi mar uu ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd Mudaharaad Ha rgeysa lagaga abaabulayey oo uu warqad fasaxa waydiistay, Wasiirka Daakhiliguna ka cudur daartay, waxa uu yidhi “Abaabulka mudaharaadkaasi wuu jiray oo mudo ilaa 4 cisho ahba dha qdhaqaaq xoogan ayaa ka socday Caasimadda dalka ee Hargeysa, kuwaas oo doonayey inay iskugu soo baxaan mudaharaad salmi ah oo ay kaga mudaharaadayaan ka qaybgalka shirka London ee Somaliland iyo xeerar hore inoogu ahaa dabar oo la jabiyey in lagu muujiyo 22-ka bishan. Dadkan mudaharaadka abaabulayey waxa ay diidan yihiin in marnaba lala fadhiisto ko oxaha Soomaalida, isla markaana shirarka loo qabanayo kooxahaas Soomaalida ah.

Xukuumadu ma ogola Mudaharaad, Wasiirka arrimaha guduhuna si fiican ayuu noola hadlay oo waxa uu igu yidhi Suldaan ma fasaxi karo sababta aanan Mudaharaadkaa salmiga ah u fasixi karina waan ka warqabaa oo waxa uu yidhi ka qaybgalka shirkaa labadii golle qaran ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey, anaguna xeer dajintu waxay soo baasgaraysay ayuun baanu fulin aa. Sidaasaanan ku qanciyey bulshada reer Hargeysa ee Mudaharaadka doonaysay waa umm adii Madaxwaynaha talada haya dooratay, waana shacbigii ka dhiidhiyi jiray waxkasta oo qara nimada Somaliland aan u dan ahayn, kuwaas oo rabitaankooda iyo cida ay u arkaan inay dani ugu jirto Cod ku taageeri jiray, markaa sidaas ayaan ugu qanciyey inay dawladu diiday mudah araadkaas. Waxaanan cududii wadatay mudaharaadkaas ee reer Hargeysa waxaanu ku warg alinay inaanay guryahooda ka soo bixin oo ay ka war-sugaan waxa ka soo baxa shirka Lond on”.

Suldaan Xasan isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Waxaan Ilaahay ka magan galayna a inaanu Madaxwaynaheenii codka shacbiga Somaliland ku noqday Madaxwaynaha inaanu in agu soo noqon isaga oo hogaamiye kooxeed ah, waana arin xasaasi ah oo midi qarqarkeed ayaa Qarankii la saaray, isla markaana waa arin aan wali hore u dhicin. Ka qaybgalka shirarka noocan oo kale ah dawladihii hore-ba waa loola iman jiray, laakiin way ka cudurdaaran jiraan, markaa waan u ducaynaynaa Waftigaas London tagay inuu Ilaahay iyaga oo guul sida ay inagu soo noqdaan oo uu Illaahay ku soo asturo ilayn waa ninkii aynu dooranaye”.

Suldaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan mar wax laga waydiiyey sida uu yahay xidhiidhka uu la leeyahay Madaxwayne Siilaanyo oo wakhtigii ololihii si wayn u garab istaagay, waxa uu yidhi “Way jirtaa arintaasi oo dhawaaqii aanu dhawaaqnayna waa la arkay midhaho odii, taageeradaasna waa tii aanu ku dhisnay xukuumadda uu Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hogaaminayo, inkasta oo aanaan Madaxwaynaha wax xidhiidh ah lahayn mudo dheer oo waxa jira waxyaabo badan oo aanu kala soo shaqaynay intii uu xilka hayey, sida arimihii Kalshaale iyo arintii Ceelbardaale, imikana diyaar ayaanu u nahay inaanu dhinacayaga Madaxdhaqmeed ahaan aanu xukuumadda kala shaqayno arimaha nabadgalyada iyo waxkasta oo nalooga baahdo-ba. Mida kale la yaab ma lihin hadii aanu nidhi Siilaanyo taageera oo Maam ulku marka uu shaqeeyo ayuun baa la arkaa waxkasta, isla markaana waxyaabo badan ayaa khaldan oo Itaal rag waa talo waxaanaynu halkaa ku soo gaadhnay wada tashi, waxaanad moodaa inaanay qolada talada dalka haysaa aanay wada tashi u baahnayba”.

Source; Haatuf