WARSAXAAFADEED

Taariikh: 18/02/2012
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed
Maxamuud (Siila anyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay
0199/022012 ku magacaabay Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha
Somaliland.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad
faqradiisa (3)aad, ee xarafka (kh) ee Distoorka Qaran ka,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Jaaliyadaha Somaliland u leeyihiin
Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadda Madaxa Xafiiska
Xidhiidhiyaha Jaaliyaddaha Somaliland.
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu ku qancay: in uu hanan karo xilkan loo magacaabay.
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Maxamuud Cabdiraxmaan Cali, laga bilaabo taariikhda
maanta 18.02.2012 uu ahaado Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha
Jaaliyadaha ee Somaliland. Xaafiiskaas oo hoos imanaaya maamulka
Wasaaradda Arrimaha Dibedda.
ALLAA MAHAD LEH
XAFIISKA AF-HAYEENKA MADAXTOOYADA JSL.
|