Madaxweynaha Somaliland,Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Halyey Qaranimada Somaliland u dhaartay, Midni mada  Somaliyana, aan weligii afkiisa laga hayn

 

 

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan  shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan walaalayaal  Allaha awoodda leh ka ba ryayaa ,inuu dhammaant eenba ka yeelo kuwii if iyo aakhiraba liibaana , xaqa  u hiiliya , Qabyaaladda iyo fool xumadeedana iska fogeeya.


Madaxweynaha Somaliland,Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), marnaba afkiisa lagama hayo Midinimo Soomaaliyeed baan raadinayaa,Koonfur baan la midoobaynaa,balse wuxuu u dhaartay dalkiisa Somaliland.Shaqsiyaadka Tanakadaha madhan garaacayaa ,miyaanay ogeyn in aan shaqsi keli ahi Masiirka umaddani jeebka ugu jirin, balse shacabka Somaliland ay yihiin kuwa keliya ee talo ka go'd o.


Midda kale, bal aan wax is weydiine,ma xasuusteena kooban,mise arrinku waa halkii Salaan Carabaye:

Dumarkuba xublada foosha, way xanaf wareeraane,
Balse inay xusuus daran yihiin, xaylka kale mooge

Waxaynu dhammaanteen,muxaafid,mucaarid,qurba joog & gole joogba markhaati ka wada nahay ,Tel efishanada & Webesiteyadana aan ka wada daawanay, maalintii Madaxweynuhuu Xilka la wareegaye y ,oo ku beegnayd  27 July 2010 ,ee  Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Sare  ,mudane Maxamed Xirsi Is maaciil (Oomane) ,uu  Kitaabka gacanta u saaray, uuna lahaa:

 


"Waxaan ilaahay ugu dhaartay,inaan u noqonaayo daacad diinta Isla amka, Dalkayga Somaliland, dadkiisana ku maamulaayo sinnaan iyo cadaalad,inta aan xilka hayo,wa bilaahi tawfiiq."
 


Waxaa iyana mudan in la xasuusiyo kuwa hadimada & hagar daamada ummada u horseedaya,khudbad sannadeedkii Dastuuriga ahayd ee ee  30 January 2013, u ka hor jeediyey labada Gole ee Guurtida & Wakiilada,waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

 

 

"Maanta Somaliland loo war wari maayo, marxalado badan ayay soo mart ay,oo fulaygu  shakiyey , sid aan horeba u sheegayna Boqol sanno haday  qaadanayso,Qadiyada Madax bannaanida Somaliland waa Muqadas,waxa anan ku kalsoon ahay inaan si wada jir ah uga wada gudbi doono caqabad  kastoo in naga hor timaada."

 

 

Ummadi haddi aanay kala danbayn,is qadarin , madax iyo mijana kala yeelan weydo,waxba kama duwa na Xoolaha duur joogta ah .Ogobeey sideedabana, noloshu waxay ku qurux badan tahay, Dawladnima duna qiimo ku leedahay , marka aad walaalkaa Guushiisu Guushaada noqoto, marka aad waxaad nafta ada la  jeceshayay,aad walaalka la jeclaato,waana sida Diinteena suubani inna farayso. Qaran wuxuu bur buraa,talana faraha ka haadaa ,marka uu ku bato is khilaafku,Diinta  laga fogaado, aafada xasadk una xakamaha goosato , Qabyaaladana ay  Diin & Quud  maal meedkooda ka dhigtaan. Balse ma moog yihiin, in midhaha laga goostaa ay aad u qadhaadh yihiin,bulshadana ay dhaxal siiso colaad sokeeye & inuu cadawgoodu u midoobo,isuguna habar wacdo , ka dibna midba kelidii Waraabu hu geed hoostii ku cuno,oo lafihiisa ku ruugo.

 
Rabbi naxariistii Janno Fardawsa ha ka waraabiyee,Gabayaagii weynaa ee Cabdillahi Suldaan Timacade ,ayaa tix uu tiriyey ayay ka mid ahayd:

Garbaduub haddii loo xidhood , gaadhna ka ahaato
Gacantii nin lihi goynayaa , waa gumudan taaye
Nin walaalkii Geed ugu jiraa , Geesi noqon waaye



Maanta waa maalintii aynu Madaxweynaheena u hiilin lahayn , talo ku kordhin lahayn,mayse  ahayn in aynu ku baaq nno Shir doceedyo Qabyaaladaysan , oon  Geed walbba la hoos fadhiisanno,ama wixii g ondaheenna yaallay in aynu Wadammo shisheeye  Madaxweynaheenna Dacwad kaga furnno,ka dibn na karamadeena ,Dawladnimadeena ,dad nimadeena & sharafteena dhulka la jiid jiido...Billa caleeg,taa waa laga fiican yahay, Geeridana waa loo dhashaa ,Gun nimana waa laga dhintaa !!!.


Waxaan ku soo af meerayaa qormadaydan,Madaxweynaha Somaliland,Mujaahid Axmed Maxamed Max amuud (Siilaanyo), waa Halyey Qaranimada Somaliland  u dhaartay, Somali weyn & dib u Midaw danba na, aan  afkiisa laga hayn.


Waxaan idinku dhaafayaa, naftayda & tiinana Allah uga baryayaa,inuu xaqa ku sugo,khaatimadana kh eyr ugu khatimo.

 

 

 

 

 

Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
13 March 2013