Madaxweynaha Somaliland, Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Halyey Ciidda , Calanka iyo Qarankuba ku diirsaday iga dheh

 

 

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan  shacab ka xa riirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan dhammaantiin All aha awoo dda leh idiinka baryayaa , inuu idinka yeelo kuwii if iyo aakhiraba liibaana , cadaal adda u hiiliya , Qabyaaladda iyo dulmigana ka fogaada.
 
 
Inta aanan u daa dagin halka aan u dan leeyahay iyo fariinta uu qoralkani xanbaarsan yaha yba,bal aan ku daah furo, ooddana aan kaga qaado midhaha Hees aan u soo dooray Madax weynaheenna Somaliland , oo uu qaado fanaankeena codka macaan ee Fuaad Cumar :
 


 

 

Dhulka Somailand,Naftii hure dhiiranaa
ma dhuumade , soo halgamay
intuu dhamacda uga shiday
wuxuu ugu soo dhintee
dhiigiyo , xinjirta ugu qubay

****
inay dhismahooda Qaran
Calanka ay ugu dhidbaan
adduunka uu dhaxal galoo
ahaado mid aan ka dhicin

 

 

 
Haddaan midhaha heesta aan intaa ku dhaafo,dulucda qoraalkana aan gudo galo , tan iyo malintii doorashada uu ku guuleystay Madaxweyne Axmed Siilanyo,waxaa gayiga Somalilan d uu ku soo dabaalay, ididiilo wadaninimo , Dal jacayl iyo horumar dhan walbba ah, lana taab an karo. Shacabka Somaliland meel ay joogaanbba way u guuxeen ,  soona dhaweeyeen ma shaariicda horumarineed ee dalka lagu soo kordhiyay , kuwa faraha lagu hayo  iyo kuwa ma alin walba xadhiga laga jarayo. Madaxweynaha Somaliland ,Muj. Axmed Maxamed Maxamu ud (Siilaanyo) , waa Halyey Ciidda , Calanka iyo Qarankuba ku diirsaday .
 

 
Isbdedelkii dalka ka hana qaaday tan iyo maalintii talada Dalka loo dhaariyey ,waxaa gabi ahaanbba meesha ka baxday Xukuumadii fadhiidka ahayd ee Riyaale, kana koobnayd Qawl aysatada, Gofanayaasha iyo Diirta ,ee  feentay  ma guurtadii , dhiigana ka jaqday dan yartii iyo intii awoodooda dhaqaale hooseysay...In ka yar laba sanno gudahood,waxaa Dalka intii sa badan farta lagu hayaa,mashaariic tiro badan,oo wax ku ool ah,kuwaasoo ay ka mid yihi in waddooyinka,mashaariicda Biyaha,mashaariicda Caafimaadka,mashaariicda Waxbarasha da,dib u dhiska Garoonada Diyaaradaha , iwm.
 
Waxaa dhammaanteen,mucaarid iyo muxaafidba, tusaale fiican innogu ugu filan, xaaladii na xdin ta iyo murugada lahayd ee ay ku sugnayd magaalada Berbera waqtigii Riyaale Dalka ka talina yey, qarkana u saarnayd in marsada Berbera albaabada loo laabo,kana yeelay halbo wlihii dhaq aalaha Somaliland iyo bilicdeediiba , looma hoydaan...Maanta,magaalda Bebera ,waxay noqotay muraayadda laga daalacdo horumarka ,bilicda, quruxda , wanaagga iyo ho rumarka Somaliland ku tallaabsatay ...Haddaba,waxaa akhristaw is weydiin mudan , maadaa ma dadka iyo degaankuba ay reer Berbera iyo Gobolkii Saaxil uun wada yihiin,maxaa meesha ka baxay ee is bedelka in taa leeg keenay?
 
 Jawaabta meel fog laga raadin maayo,waxaanan Akhristaw anigu aan  odhan karaa, wahab kii iyo shuushkii uun baa Rabbi innaga dul qaaday,shacabkuna waxay doorteen kii u damqan ayey,u soo halgamay,u soo kifaaxay ,naftiisana u soo huray , cid uga lexo jeclo badanina aa nay jirin.
 
 
 
Lama dafiri karo,lamana qarin karo baaxadda horumarka iyo wanaaga Dalka ku soo kordhay mudadada kooban ee labada sanno ka yar,ee uu Axmed Siilaanyo talada Dalka gacanta ku hayay, waxaanay ka magac iyo manfacba badan tahay Sideedii (8-dii) sanno ee Riyaale Dal ka maamulayay. Sidaa awgeed, waxaan leeyahay Madaxweynaha Somaliland , Muj. Axmed Maxamed Maxa muud (Siilaanyo), Halyey Ciidda , Calanka iyo Qarankuba ku diirsaday iga dh eh.
 
 
 
 
 
 
Waxaan dhammaantiinbba idinku dhaafayaa ,Somaliland Ha Noolaato,Madaxweynaha Somal iland, Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) , ha guulaysto.
 
 
 
 
 

 

 

 

 Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
 21 May , 2012