Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Jawaabay Dhaliilaha Loogu Jeediyo Xulashada Masuuliyiinta Qurba Jooga
 

 


London (TNN) Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay dhaliilaha loogu jeediyo masuuliyiinta wadda qurba-jooga ah ee dawladdiisa buux-dhaafiyay oo lagu tilmaamo kuwo aan la soco waaqaca ka jira Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo muddooyinkii ugu danbeeyay nasasho u joogay dalka Ingiriiska ayaa waraysi uu siiyay Telefishanka Universal, waxaa uu kaga hadlay bilowgii socdaalkiisa oo uu sheeg ay inuu kullamo la sii yeeshay madaxda Dalka Itoobiya,. Sidoo kale waxaa uu ka hadlay kullamada uu la yeeshay qurba-jooga Somaliland oo uu sheegay inuu kaga xogwaramay xaaladda dalka uu hogaamiyo.

Mar wax laga weydiiyay Maxweynaha Somaliland waxaa uu kaga jawaabayo dhaliilaha loogu jeedi yo tan iyo bilowgii maamulkiisa badhtamihii 2010 tiradda masuuliyiinta Qurba-jooga ah oo lagu til maamo kuwo aan la jaan-qaadi karrin xaaladda Siyaasadeed ee Somaliland, waxaana uu ku jawa abay oo uu yidhi. Horta marka koowaadba markii lagu jiray ololaha doorashadda madaxtooyadda umadayada been ummaanu sheegine, waxaanu u sheegnay in aanu dhisayno dowlad kooban oo tayo leh oo ah dad aqoon leh oo wax ku soo biirin karra is bedelka aanu ummada ka balan qaad nay fullin karra, oo maskaxdoodu keeni karto, taladoodu keeni karto oo cilmigoodu keeni karro oo xidhiidhka ay dunida la leeyihiin keeni karro, ayaanu ummada u balanqaadnay tiina waanu fullin ay. Haddii aanu isticmaalay dad badan oo dibada ah waa dadkii dalka u dhashay weeye, waa dad reer Somaliland ah. Mushtamaca dibada joogaa waa dadka dalka maalgeliya, waa dadka wax u dira, dhaqaalohoodda lagu nool-yahay, aqoontooda iyo waxtarkoodana laga faaiidayo.

Dabcan dad badan baa jira, oo dadku waa ay jecelyiin inay xilalka qaranka ee siyaasadeed dad badan ayaa doonayay inay qabtaan..laakiin, maadaama aanu doonaynay in aanu dhisno dawlad kooban may dhici karreyn in aanu meel u hello cid walba.

Inta aan ka warqabana lanaguma dhaliilo tayada dadka aanu magacownay, waxaan ogahay dad kuna ay ka wadda warqabaan aanan qirayaa dadka aanu magacownay ama dibada ha joogeen ama dalka gudihiisa ha joogeen ee Wasiiradda ah ama xilalka kale haya inay yihiin dad xilkooda ka soo bixi kara oo gudan karra.sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Waxaa kale oo la weydiiyay Mudane Siilaanyo xanta maamulkiisa loogu jeediyo arrimaha Soomaa liya oo dadka qaar u arkaan inuu u dhow dhowyahay maamulkiisu. Waxaana uu ka sheekeeyay taariikh dheer oo uu ka soo bilaabay wakhtigii gobanimodoonka. Waxaana haddalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi. Horta marka ugu horeysa dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah?Waqtigii Isticmaarka lala dagaalamayay ee Afrika xoriyadeedda qaadaneysay, waxaa jirtay xarakad ama dhaqdhaqaaq lagu doonayay in la mideeyo dadka Af Soomaaliga ku hadla oo dhan. Markii aan korayay ee aan kacayay, waxaan ka mid ahaa xarakadaas anigu.

Waxaan ka mid ahaa dhalinyaraddii aadka u aaminsanaa in Soomaali la isku keeno. Dagaalo badan ayay arrintaas aynu ku gallay?aakhirkii wax ay socotaba waatii la goaansadday in Qolo waliba ay cidda ay la dal yihiin la noolaaddaan?Midawgii Somaliland iyo Soomaaliyana waa kii shaqeyn waay ay ee keenay dagaaladda iyo in dhaqdhaqaaqii SNM sameysmo. Maanta haddii ay reer Somaliland goosteen in ay maamulkoodda gooni u dhistaan oo ay gaar isu taagaan, waxay illa tahay taasi maaha xumaan loo hayo Soomaaliya maaha, waxaa loo baahanyahay in la is qaddariyo oo la is ixtiraamo oo Somaliland goaankaas ay qaadtay lagu ixtiraamo.

Somaliland-na wixii ay la qaban karrto Soomaaliya ay la qabto, sidaas ayay dadkeeduna jece lyih iin., waanad ogtahay oo dad badan oo Soomaaliya ka yimi ayaa jooga Somaliland cid u diidaa ma jirto, cid wax u sheegataa ma jirto.

Madaxweynaha Somaliland waxaa la weydiiyay oo kale halka ay ku danbaysay xoriyaddii Saxaaf adda ee ay balan qaadeen waqtigii ololaha doorashadda. Waxaana uu ku duray saxaafadda lafte edda in aanay buuxin masuuliyaddii ay lahaayeen, hase ahaatee waxaa uu ku dooday inay balan qaadayaan inay ilaaliyaan xoriyadda aasaasiga ah ee xoriyadda haddalka. Ka sokow horumarinta adeegyadda guud ee bulshadda..Waxaan jeclaan lahaa Ilaahay aan ka baryayaa in aan ka tago dalka Somaliland oo Ictiraaf hella oo caalamka ku biira, oo nabad gelyaddiisa wax ku tara iyo dimu quraadiyaddiisa ayaan jeclahay oo aan taariikhdana ku gallo.Ayuu yidhi mar uu ka hadlay waxaa uu is leeyahay Somaliland uga tag marka aad xilka ka degto. Waxaana uu intaas ku daray mar la weydiiyay waqtiyadda firaaqada uu yahay waxyaabaha uu ku madadaasho uu yidhi. Runta mar ka aan u dhaco, waa ay addagtahay waqti aan firaaqo u hello madadaalo waa ay addagtahay, inta badan ama waa laila joogaa ama telefoon ayaan ku hadlayaa. Mararka qaarkoodna nasasho ayaan ku jiraa markaana ama warbixin ayaan akhriyayaa. Markaa waqti aan firaaqo hello oo aan iska raaxo gala waa ay adag tahay?laakiin, marka kale dee waan iska nastaa oday ayaan ahay re er ayaan leeyahay dad baan leeyahay, saaxiibo ayaan leeyahay laakiin inta badan waxaan ka had laa waa uun dan guud iyo danta dalka



Source: Saxafi