Madaxweynaha Somaliland oo Martiqaad ka helay Guddoo miya ha MidawgaAfrika oo Olole ugu jira Dorashadiisii Labaad

 

 


Waxa lagu soo casuumay magaca Somaliland isagoo kulan la yeelan doona Guddoomiye Gudoomiya ha Midawga Africa, Jean ping
 


Hargeysa ,26 October 2011 (TNN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa safar uu ugu kicitamayo Dalka Itoobiya la sheegay inuu la xidhiidho Martiqaad uu ka helay Gud doomiyaha Midawga Afrika Jean bing. Madaxweyne Siilaanyo oo la filayo inuu socdaal ku tago Dalka Ingiriiska ayaa inta aanu kayeelan doona Guddoomiyaha Midawga Afrika kaasoo martiqaad Rasmi ah u soo diray isagoo kala hadli doona Arrimo muhiim u ah Siyaasadda Somaliland.

Ilaa hada ma cada Madaxweyne Siilaanyo kulanka uu la qaadan doono baratakoolkiisu nooca uu yah ay hase yeeshee sida ay sheegayaan warar ku dhaw dhaw Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somalilan d waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo kulan la yeelan doono xubno door ah oo uu Guddoo miyaha Ururka Midawga Arfiki ugu horeeyo, kaasoo uu u bandhigi doono Siyaasadda cusub ee dhina ca dibeda ee Xukuumaddiisa.

Wararka aanu ka helayno dhinaca Itoobiya ayaa sheegaya in Guddoomiyaha midawga Afrika Jean bing uu ku jiro Ololaha Doorashadiisa ee mudadii labaad kaas oo ay kula tartamayso gabadh u dhala tay Dalka Koonfur Afrika, wakhtigana ay xaruntaasi ku jirto mashquul inkasta oo aanay Somaliland fursad ku lahayn Shirka Ururkaasi.Jean bing ayaa mudadii uu xilka hayay la Ictiraafay Dalka Koonfu rta Suudaan, waxaanu dedaal farabadan ugu jiraa sidii uu xaaladaha siyaasadeed ee Afrika wax b adan uga qaban lahaa iyadoo xaalada siyaasadeed ee Somaliya iyo dalalka la jaarka ah ee Itoobiya iyo Kenya ay wakhti xaadirkan ka taagan tahay xaalad dagaal taasoo lagula jiro kooxda Al-shabaab oo Afduub iyo weeraro qarxin ah ka fulisay gudaha Dalka Kenya. Taasoo lagu qaaday weeraro Cirka iyo Dhulkaba ah.Dhaqdhaqaaqa cusub ee siyaasadeed ee ay arrintaasi yeelatay ayaa Somaliland u horseeday in masuuliyiin ka socda dalka Kenya oo hordhac u ah wefti Raysal wasaaraha dalkaasi uu ku iman doono dhawaan Somalind, waxaanay muujinaysaa martiqaadkan AU-duna inuu xidhiidh la leeyahay sidii Somaliland qadiyadeeda loo taageeri lahaa maadaama xaalada Amaan ee bariga Arfiki ku xidhan tahay deganaanshaheeda.

Martiqaadka Madaxweynaha oo sida ay xogaha aanu ka helaynaa sheegayaan in lagu soo casuumay magaca Somaliland ayaa la saadaalinayaa in ay Somaliland rajo gelin doonto isla markaana uu ka soo bixi doono kulanka uu ay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Midawga Afrika saadaal wanaagsani
 

 

Source:Waaheen