Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),oo Cafis
u fidiyay Guddoomiyihii hore ee magaalada Tog-Wajaa le ,Muja ahid Qawrax Muse Xuseen
,oo muddo 7
bilood ah cadaalad darro u xidhnaa

Hargeysa (TNN)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
, ayaa cafis u fidiyay Gu doomiyihii hore ee magaalada Tog-Wajaale,
Mujaahid Qawrax Muuse Xuseen ,oo muddo 7 bilood ah
cadaalad darro
ugu xidhnaa Xabsiga magaalada Gabiley.
Mujaahid Qawrax Muse Xuseen ,wuxuu ka mid ahaa
Jabhaddii Afraad ee
dulmigii Afweyne qumuca kala hor tagtay sannadihii 70
naddii,markii danbana ka mid noqday Jabhaddii SNM.Mudooyinkii u
danbeeyey, Mujaahid Qawrax,wuxuu ahaa Guddomiyihii hore ee
magaalada Tog-wajaale,ee Dawladdii Riyaale.
Sida Dastuurka Qaranku dhigayo,muwaadinka danbi lagu soo eedeeyo ,waa
in 45 cisho gudahood Maxkamad lagu hor keeno,haddii wax cadayn ah
aan loo haynna ,xoriyadiisa Distooriga ah loo soo celiyo.Shacabka Soma liland ayaa
dareen shaki leh ka muujiyey xadhigii dheeraa,ee bilaa Maxamadda
ahaa ee Mujaahid Qawrax loo geystay.
5 June,2011,ayaa Maxkamadda Gobolka Gabiley 3 Sanno ku
xukuntay,waxayse shacabka Somaliland is weydii nayeen sababta musuq
maasuqii baahsanaa ee xukuumaddi hore lagu eedeyn jiray ,looga
reebay shaqsiyaa dkii ugu awoodda badnaa Xukuumadii hore ,
ee uu ugu horreeyo Madaxweynihii hore Daahir Riyaale, Wasiirk iisii
hore ee Maaliyadda Cawil, Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud,Siciid
Sulub,Guddoomiyihii hore ee Bangiga dhe xe iyo qaar badan oo ka mid
ahaa xukuumadii hore, oo aan cidinna wax u raacin , shaqsi kaliyana
aan xabsiga loo taxaabin.
Dhianaca kalena,arrintan Mujaahid Qawrax Muse
kelidii loo
xidhay,ayaa bulshada Gobolka Gabiley, SAS ka qa adeen,guux badan iyo
dareen xasaasi ahna ka dhex dhalisay. Guud ahaan Somaliland ,gaar ahaanna
Gobolka Gabiley, ayaa
si weyn
looga soo dhaweeyey, soo daynta Mujaahid Qawrax Muse Xuseen, oo ahaa
Halyey da lkiisa iyo dadkiisaba
u soo
halgmay, kana mid ahaa
Geesiyadii Jabhadii
Afraad iyo SNM.
Isku soo wada xooriyo ,Mujaahid Qawrax Muse Xuseen,
cadaaladii uu
mudada dheer sugayey,ayuu Madaxwe ynaha Somaliland,Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) ka helay,cafisnna u fidiyey,xoriyadiisiina u
soo celi yey.
Source: Timacade News
|