Madaxtooyada ama Xukuumadu Dib Ha Isugu
Noqoto Wa Lagu Dhex Jiraaye

Waxa hubaal ah in xukuumadan cusub ay jirto wakhti yar oo afar
bilood gaadhin taasoo an la gadhin wakhti dhalecayn ama amaan badan
loo jeediyo. Way jirtaa in daruufaha xukumadan la kowasatay oo ka
mid ahayd; dawlad wada cusub min wasiiro ilaa DG, khasnad madhan iyo
hayado wada cusub. Waligeed hore taarikhda Somaliland ma dhicin
xaaladas mid la mida oo hore usoo martay. Hadii laga tegi waayo,
waxa ugu dhoweyd sanadkii 1991 marki Somaliland la xoreyey ee
xukuumad cusub iyo k hasnado madhan wax walba bilaw laga soo
bilaabay.
Hadaba markan xaaladas iyo durufahas eegno waxan odhan karna waa la
fili kara isla jaan qaad la’a an dhacda. Hadana sidaasoy tahay
ayaay dedaal badan mujisay xukumadu, taaso ay ku kasbatay amaan
badan.
Laakin waxyaabaha iga yaabiyey ee ujeedada maqaalkaygu tahay waxa
weeye dhacdoyin kala duw an oo aan hore uga dhici jirin
xukuumadii hore oo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland. Tusaale
aha an waxa jirtay mudo laba bilood laga jogo in maregaha internetka
lagu faafiyey sawir gabadh ku gas hay Madaxtoyada Somaliland. Sidoo
kale waxan maalin dhoweyd ku arkay maregaha internetka saw ir
ashkhaas wariyayal iyo shaqale ah Madaxweynaha kula galeen
Madaxtooyada o lagu baahiyey ma regaha Somaliland qaar ka mid, gaar
ahaan kuwa xukuumadi dhacday ee UDUB.
Dhinaca kale, waxan arkay maqalo la shegay inay shaqsiyad qoreen oo
lagu bahiyey maregaha Qara n News oo
xukumadi dhacday taabaci jiray, kaasoo lagu shegayo inay daba
socdaan hadalo dhex ma ray Madaxweynaha,
Chief Of Cabinetka,
Madaxweyne ku Migenka iyo
Wasiiro xukumada ka mid ah. Ujeedada
maqaaalkaas waxay ahayd guud ahaan mid lagu dhalecaynayo xukuumada,
hase yeshe, ga ar ahaan waxu u muuqday mid xukuumada dhexdeda cid
gaar ah lagu dhalecaynayo.
Hadaba shekoyinka la leyahay waxay dhex maren madaxdaas run ha
noqdan ama yanay noon, laakin waxa hubaal ah marka laysku daro
sawirada lasoo gelinayo maregaha iyo maqaaladas la xidhidha sh
ekoyinkas, in ay jiraan ashkhaas ka mid ah
xukuumada Somaliland,ha ahaaden wasiiro
ama shaqaale oo aan aqoon sida loo
ilaaliyo Sirta Qaranka, amaba
dagaal qarsoon kula jira xukuumadii ay
ka midka ahaayen iyagoo dano gaar ah wata.
Sidaa darted waxan usoo jeedinaya
xukuumada Md Silanyo in ay dib isugu
noqoto oo masuuliyinta x ukuumadeeda eegto inay
isku dhinac u wada socdaan iyo
inay kala socdaan. Sida muuqata waxa
xu kuumada ku jira rag badan oo dano gaar ah leh oo mid walba
dantiisa dhinac ka fulinayo. Taasi ma x uma oo siyaasigu han
iyo damac ayuu u taagan yahay mar walba. Hase yeeshe, mararka qarkod
iyo inbadan damacas iyo danta gaarka ah waxay in badan ka hor iman
karta danta guud ee qaranka iyo xukuumadaba. Taasina waxa ay dhaawac
ku keenaysa himiladi iyo rajadii shacbiga Somaliland ugu ri
yaaqeen taasoo ay kaga rays teen xukuumadi arxanka darnaayd ee ka
shaqaysanaysay.
Ujeedada farintan kor ku xusana ma aha mid aan dad gaar ah uga jeedo,
hase yeeshe, waa mid ii mu uqatay oo hadaan fiiro gaar ah laga
yeelan oo xukumadu dib isugu nooqon dhibato ku
keni karta Qaranka iyo xukumadaba.
Waxaana hubaal ah hadii xukuumad ay sir
yeelan waydo ama masuuliyinta xukumada ka tirsani isku hadaf ahayn
waayaan in dhibaato hor leh ay abuuri karto.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Xusen
Maxamed Sugule
Dubai, UAE |
|