Madaxtooyada oo Beenisay in Madaxweyne ku xigeenka Somaliland geeriyooday
 


 

Hargeysa Khamiis, 25 February 2010(TNN)-Annaga oo tix raacayna wararka beenta ee ku saabsan in Madaxweyne ku xigeenkii JSL , Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin uu Geeriyooday, Waxa aanu u sheegaynaa dadweynaha reer Somaliland dibad iyo  guda ba in wararkaasi ay yihiin Been aan sal iyo raad toona lahayn oo ujeedada ka  danba ysaana ay tahay in fidmo iyo khal khal lagu abuuro ummada reer Somaliland.

Waxa kale oo aanu ummada u sheegaynaa in Madaxweyne ku xigeenka oo caafimaad u tegay dalka Faransiiska ay hadda u socoto daawooyinkii, caafimaadkiisuna aad u fiican yahay, iyadoo aanu uga digayno dadweynaha in aanay u dhag taagin beenaha noocaas oo kale ah.


 


Allaa Mahad leh,

 



Siciid Cadaani Mooge

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland