Afhayeenka Ururrada Xuquuqda Aadamaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Lagu Weeraray, Garaacisna Lagula Kacay
 



Hargeysa Dec 15,2010 (TNN)-Afhayeenka Dalladda Ururrada u dooda Xuquuqda Aadamaha ee S omaliland Saleebaan Ismaaciil Bullaale, ayaa sidii loo garaacayey dhulka loogu tuuray, isla  marka ana nabarro loo geystay, ka dib markii afar Xafiiskiisa magaalada Hargeysa ku weerareen.

Saleebaan Ismaaciil Bullaale (Saleebaan-Xuquuq) oo Wargeyska HargeisaStar xalay khadka  tale efanka kula soo xidhiidhay, ayaa sheegay in Shalay barqadii Afar nin oo uu laba ka mid ah  garan ayaa inay ku weerareen Xafiiskiisa oo uu xusay in wakhtigaa la weeraray dhammaan shaqaalaha Xafiisku ku maqnaayeen Siminaar ka socday mid ka mida Huteellada Magaalada. “Afar nin oo aan laba garanayo ayaa maanta (shalay) barqadii xafiiska iigu yimi way ii soo galeen Nimanka Salaan baan is idhi oo Kursigii aan ku fadhiyey ayaan uga soo kacay, Maxaa Badhasaabka kuu geeyey  e e aad u aflagaadaynaysaa intay I yidhaahdeen bay Feedh iyo Laad igu bilaabeen, aniguna dagaal ma filanaynin sidii ay ii garaacayeen ayey dhulka iigu tureen.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka  Dalla dda Ururrada Xuquuqal Iinsaanka Somaliland Saleebaan-Xuquuq.

Mr. Saleebaan, waxa uu sheegay in nabarro badan oo dilaacay iyo kuwo aan dilaaciniba ku  yaall aan oo ay nimankaasi u geysteen, isla markaana inkasta oo uu damqasho badan dareemayo, had dana la dan yahay. Waxaana ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi Saleebaan-Xuquuq;“Waxoogaa ka dib oo shaqaalihi yimaaddeen ayey meeshii aan ku dhacay iga qaadeen, markaa arrinta la igu dilayaana waa hadalkii maalintii dhawayd ee Xuska maalinta Xuquuqda Aadamaha ee dunida aan ka jeediyey, Xukuumadda ayaan wax badan kaga hadlay, Dabcan Badhasaabka Hargeysana  Xuk uumadda ayuu ka tirsan yahay, markaa ma garan karo sababta uu nimankan iigu soo  adeegsad ay, nimanka I dilayna waxa ka mida Mukhtaar Cabdillaahi Balaaki oo ah Gacanta Midig ee  Badhas aabka Gobolka Maroodi-jeex.” “Nimanku waxay isugu kay xigsiiyeen Feedhka, maxaa  Badhasaab ka kuu geeyey iyo yaad u shaqaynaysay eek u soo adeegsaday, dabadeedna garaacis aanay ii tudhin ayey igu bilaabeen.” Ayuu yidhi saleebaan.

Afhayeenka Ururrada Xuquuqda Aadamuhu, Saleebaan Ismaaciil Bullaale, waxa uu sheegay inay tallaabadani noqonayso tii u horreysay ee difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha Somaliland lagu qaado ee nooceeda ah, isla markaana waxa uu sheegay inaanay tan iyo mid u dhawi toona intii ay Somaliland jirtay ka dhicin. Saleebaan, waxa uu muujiyey inay arrintan haddii aanay  Xukuuma ddu wax ka qaban ay Cabsi iyo wel-wel horle ku biiri doonto dadka Xuquuqal Iinsaanka u dooda kuwo waddaniya iyo kuwa caalamiya labada, taasoo haddii ay difaacayaasha Xuuqda soo  food saarto ama tallaabooyinka sidan ay ee Xukuumadda qayb ka mid ahi u adeegsanayso dad inay laayaan u dhaqdhaqaaqayaasha Xuquuqal Iinsaanka inay mugdi gelin karto guud ahaanba  xaala dda bulshada iyo Somaliland oo dhan, dhibaatooyinka iyo tacaddiyada dadka shicibka ah lagul a kacaana boqolkiiba boqol laban laabmi doonaan.



Source: HargeiysaStar.com