Macalimiinta Dugsiga Sarre Kaamil Ciise oo Sha qo Joojin Sameeyay iyo Maamulka Degmada oo isku maandhaafay Maaraynta Cabashadooda



Wajaale (Longlivesomaliland News) Macalimiinta Dugsiga Sare ee Kaamil Ciise  Se condry School ee magaalada Wajaale ayaa maanta shaqadii Macalinimo ee ay  u hayeen Dugsiga joojiyay ka dib markaa Afar bilood mushaharkoodii ka joojisay Dawlada hoose ee Degmada Wajaale.

Dawlada Hoose ee Degmada wajaale ayaa bixin jirtay Gunada macalimiinta oo  la gu kabi jiray musharka yar ee ay Bixiso Wasaarada Waxbarashada Somaliland, macalimiinta ayaa ka muujiyay arintaasi Cabasho xoogan oo aanay cidi waxba ka qaban waxaana ay Longlivesomaliland  News u sheegeen in ay cabashadooda  u gudbiyeen Maamulka Dawlada hoose Balse aan waxba laga qaban.

Arintan ayaa Sababtay Khilaaf Ba,an oo soo kala dhexgalay Maayarka Degmada Wajaale Maxamuud Wayne iyo Xoghaya Dawlada Hoose Cabdi abiib, iyaga oo isku maandhaafsan Mushaharka macalimiinta oo in badan xaniban iyo Lagac  mul ki yadeed loo Samaynayay Meheradaha Degmada Wajaale oo khilaaf ka  dhash ay.

Muranka Maamulka Degmada wajaale ayaa gaadhay heerkii ugu sareeyay iyada oo ay dacwad iskula tageen Saldhiga booliska, Shaqaalahana Amarro isburinaya Siiyeen, waxaa jira iyana Mulkiyada Boodhadhka Xaysiiska ah ee ay Shirkaduhu ku Dhajiyaan Wadooyinka oo ay isku khilaafeen Maamulku Lacagta laga qaadayo Shirkadaha, Taasi oo dacwadoodu gaadhay Badhasaabka Gobolka Gabiley  Maxa med Axmed Aw Cabdi (Xabiib) oo Caawa soo gaadhay Degmada wajaale si uu uxaliyo khilaafka.

Dhinaca kale Maamulihii hore ee Dugsiga Sare ee Kaamil Ciise Secondry School Axmed Daa,uud warsame kana mid ah Macalimiinta Shaqo joojinta Samaysay oo ay Longlivesomaliland  News khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa ka waramay Sababta keenta in ay Shaqo joojin Sameeyaan isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi

“Way jirtaa arintaasi Macalimiinta waxay ka qaadan jireen mushar kab ah  Dawl ada hoose ee Wajaale Maadaama aanay ardayda wax lacag ah ka qaadin waxa aan ilaa hada la siin afar bilood lacagtood. tirada macilimiintu waa 8 macalin, in kasta oo 3 macalin oo ka mid ah hal bil lasiiyay bishii ramadaan, laakiin  Cabash ada macalimiintu way jirtay baryahanba waxaa soo dhex galay Taliyaha Ciidanka booliska Axmed Cabdi Daahir oo dhexdhexaadin ka galay walina waanu ka war sugaynaa”.

Axmed Daa,uud waxa uu noo sheegay inay Wasaarada Waxbarashadu  mushah ar siiso laakiin halkii Fee-ga ardayda laga Qaadi lahaa ay Dawlada hoose Dabari jirtay, laakiin aan baryahan danbe wax mushahar ah aan laga haynin.

Xoghayaha Dawlada hoose ee Degmada Wajaale Cabdi Abiib Warsame oo  Longlivesomaliland  News  Khadka telefoonka kula xidhiidhnay si ay wax uga ogaado Khilaafka soo kala dhexgalay isaga iyo Maayarka wajaale, waxaa uu sheegay in ay jirto arinta macalimiintu laakiin aanay ku salaysnayn khilaafkooda, in kasta oo uu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo Arintaasi.

Maayarka iyo Xoghayaha Degmada wajaale ayaa labaduba ku Cusub xilka  Degm ada iyada oo Musuqmaasuq badan hadheeyay Xarunta Dawlada hoose ee  waja ale muran badanina ka taagnaa wakhtigii ay xilka la wareegayeen iyada oo ay jirto Lacago Dayn ah oo ku dhaw 260,000,000 Sh.SL (laba boqol iyo lixdan  milya n) oo lagu wareejiyay Maamulka Cusub ee Dawlada hoose.

Degmada wajaale oo ka mid ah Degmooyinka ugu dakhliga badan Somaliland  ay aa Cabasho badani ka jirtaa Qaabka loo maamulo Dakhliga ka soo baxa  Degma da, Maamulka Dawlada hoose oo ka gaabiyay kor uqaadida Adeegyada  Aasaas iga ah ee bulshada hadday noqot Caafimaadka, waxbarashada iyo Biyaha oo ay ka mid noqotay Degmada Wajaale Degmooyinka ugu liita Adeegyada Bulshada , waxaa Dhawaan iyaguna Shaqo joojin noocan oo kale ah Sameeyay Macalimiinta Dugsiyada Hoose ee Degmada wajaale balse markii ay Wasaarada  waxbarash adu hal bil siisay ay dib u bilaabeen Shaqadoodii.

Waxaa kale oo jira dhaliilo faraban oo loo soo jeedinayo Xukuumad gaar ahaana Maamulka wajaale oo ka aan baryahan danbe xil iska saarin bilicda magaalada iyada oo gaadhigii kali ahaa ee ka shaqayn jiray Qashinka uu jabanyahay, cid samaysaana aanay jirin, Taasi oo Dhabarjab ku ah Maamulka wajaale iyo  Xukuu mada dhexe oo iyagu si toos ah usoo magacaaba Maamulka Degmada Wajaale.

Wixii warar ah ee ka soo kordha khilaafka Maamulka iyo Macalimiinta kala soco Shabakada wararka ee Longlivesomaliland  News.


 


C/risaaq Aw Daahir (C/risaaq Dhago)
Longlivesomaliland News Reporter
Wajaale Office / Somaliland