War-Saxaafadeed
Date: 26/09/2010
Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu
maanta so o saaray Digreeto uu ku Magacaabay Marwo, Aamina Maxamuud
Diiriye.
Waxaanu Madaxweynuhu yidhi :-
Markaan Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad xarafka (Kh) ee
Distoorka Qaranka,
MarkaanTixgeliyey: Ahmiyadda ay Madaxtooyaddu u leedahay Dhismaha
Qaranka,
Markaan Arkay: In baahi loo qabo buuxinta Jagadda Maareeyaha
Xafiiska Samafalka ee Madaxtooyadda (Marwadda 1aad).
Markaan Ka Fiirsaday: Kartideeda, aqoonteeda iyo hufnaanteeda shaqo,
Markaan ku qancay: in ay hanan karto xilkan loo magacaabay.
Waxaan go’aansaday
In Marwo, Aamina Maxamuud Diiriye laga bilaabo taariikhda maanta ay
ahaato Maareeyaha Xafiiska Samafalka ee Madaxtooyadda.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
|