MAANSO IYO SHEEKO-QOSOL: QIIRADA QURBO-JOOGA
Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen

 


Nin reer u dhashay oo qurbaha ka tegey ayaa markii ugu horreysey waddanka ku laabtay isaga oo aad u qiiraysan. Maalin buu isaga oo lugaynaya meel ka mid ah magaalada Hargeysa wuxuu soo ag maray waab yar oo ay islaani shaah ku  iibina yso, halkaas oo uu fadhiyay nin kale oo isagu dadka aan weli waddanka ka  dhoof in ah. Halkaas waxaa ku dhex martay saddexdan shakhsiyadood sheeko qosol  xik mad leh oo fariin muhiim ah xanbaarsan, iyo weliba Maanso jiifto ah. Ninkan  qurb aha ka yimi waxa la yidhaa "Qurbaawi", islaantana waxa magaceeda la yidhaa  "Qaleeya", ninkan waddanka degganaa ee islaanta waabkeeda hore u sii  fadhiya yna waa "Qowdhan".

Ninkii Qurbaawi ayaa markuu waabkii soo istaagay hadalka bilaabaya oo  odhana ya:

"Meeshan sidee baad ugu nooshihiin, waa meel ay dadkii dhisan waayeen, bal eeg siday u burbursan yihiin waddooyinkani. Weligay meel sidaa waddooyinkeedu u xun yihiin kumaan arag caalamka intaan marayay."

Islaantii meesha shaaha ku iibinaysay ee Qaleeya ayaa u jawaabaysa oo  odhana ysa:

"Hooyo waan ku arkaayoo nin dibadda ka yimid baad u eegtehee, miyaanad  hoo yo la socon wixii waddankan ku dhacay. Beri baa waxa la yidhi markii ay  diyaara dahii dawladdii Siyaad Barre dadka Hargeysa ku rushaynayeen ayaa oday iyo  is laantiisa iyaga oo jooga Geed Deebleh, ay halkaa diyaaraddii ka soo baxday  maa lin ka mida maalmihii rusheyska.

Odaygii ayaa islaantii ka cararay intuu aad u naxay markay naftii qabatay. Ka dib markii ay dayuuradihii dhaafeen ayaa islaantiisii odhanaysaa "Bal odaygan  fulay ga ah eega, raggii hore ma iyagaa carari jiray".

Odaygii baa intuu deg-deg u soo booday dhakhso ugu jawaabaya islaantiisa oo  o dhanaya "Ee orodoo naga tag, raggii hore ma samadaa lagaga iman jiray" Islaant ii Qaleeya oo tusaalahaa u soo qaadatay oo ku leh ninkii Qurbaawi; dhulkan  Soma liland samada ayaa lagaga yimi oo ha barbar dhigin waddamadaa aad soo  aragt ay ee aanay iyaga cidi rusheeynin.

Ninkii Qurbaawi baa dhinacna ugu qushuucay tusaalahan qosolka iyo xikmada  wa ta ee ay islaantu u dhiibtay, dhinacna ka yara xishoodsan oo isagoo is dhaafna ka muuqdo ku leexinaya arrintii Siyaasiyiinta waddanka oo odhanaya:

"Hooyo waan ku fahmee, laakiin waddankan siyaasiyiin ayaa ku ciyaaraya oo aan dadkii waxba u qabanaynin", halkaa waxa doodii la wareegaya ninkii meesha  fadh iyay ee "Qowdhan" oo hadalkii qaadanaya oo odhanya: "Horta qolooyinkiinan  qu rbaha nagaga yimaaddaa ereygan siyaasad qalad ayaad ka fahamteen oo dhinac kale ayaabad u qaaddeen". Ninkii Qowdhan oo hadalkiisii sii wata ayaa odhanaya:

"Beri baa nin reer miyi ah lagu yidhi bal waxaad sharaxdaa erayga "Siyaasad" mic nahiisa? Ninkii reer miyiga ahaa ayaa intuu dhinacyada eegay odhanaya  isag oo sharaxaya erayga siyaasad; " Erayga Siyaasad waa marka konton nin oo isku  re era oo meel ku shiraysa adigoo shirka kula jira uu midi kabahaagii gashado  mar ka shirka laga soo baxo, sidii aad u garan lahayd kii kabahaaga gashaday baa la yidhaa "Siyaasad". Sidaasuu ninkii reer miyigaa ahaa u sharaxay siyaasad.


Hadalkisii isagoo sii wata ninkii Qowdhan wuxuu odhanayaa:

"Markaa ninkaagan dibadda ka yimidoow dareenkaagu ma xuma laakiin halkaa ay diiraddu kaa qabsatay maaha xaalku, wax aad siyaasad moodaysid ayaan siyaasad ahayn. Ma ogtahay in Dhulkii uu idinka uun idin sugayo oo aan cid kale u maqnayn, haddaba malaha war baa kaa maqane bal aan kuu sheego waxoogaa Maanso ah oo la yidhaahdo "Qiirada Qurbo-Joogga" oo aan anigu maalin  dhexda as ah Qurbo-Joogga adiga oo kale ah kula hadlayay.
Waxaanu yidhi;
 

 

 

Hadday qiiro ku hayso
Dalka qiimo u hayso
Quluubtaadu la hayso
Qalbigaagu la haysto
Qurbo-joog waan ku rabnaa.

******

Qanacaa deg-degee
Dadkii quus ka dhigaaya
Qoonsimaadka abuuray
Qiyaastii laga yaabay
Adoo quudhsi ka reebay
Qunyar sheeg danta guud.

******

Qarankan waddankeenna
Qaadhaankaa dibaddaa
Qatanaanta ka saara,
Qaaddirkeen ku ilaali
Qalbigaa ummaddeenna
Quluubteeda hagaagsan
Qolofteeda midaysan
Quwad weeye sarraysa.

******

Qoraalkii xusuustii
Qawlaysatadi baas
Qudhunkii berigii
Qiilkii dabar-goynta
Qoladii hor-istaagtay
Qurbo-joog qayb ka ahaa
Dadkuna weydiin qirayaa.

******

Qiyaamaha xasuustiisa
Qaaddirkeen Allaheen
Quraankeena nimcaysan
Qoraalkiisa hanuunsan
Qunyar baa lagu sheegay
Gacantoo lays qabtaa
Qudh-bax lays tusaa
Qadarin laysku qiraa
Quus laga reebo dalka hooyo,
Waa mid diintu qiraysoo
Qaaddirkeena u qushuucay.

******

Qayrkiin Afrikaan
Qiyaastii arligooda
Qurus-doonka shacbigooda
Qarqiyoo kor u qaad
Qurbahay ka kaceen
Quudkay u kaceen
Gaajoy ka qabteen
Muruq bay qotonsheen
Maskax bay ku qabteen.

******

Qurbo-joog xisaabteenna
Qiraynaa samahaaga
Inaad qayb ka ahaato
Siyaasadda qarankeenna
Qorashaha ummaddeenna
Qaabka waddankeenna
Qayb weeye ku sugaysa.

******

Qof kale inaad eegto
Qaranka aad ku hallaysid
Qiyaastii ma filaayo
Dadkuna way la qabaa.

******

Qorsheeyoo is-diyaarshoo
Qac ku siiya indhaayoo
Qawlkiinna adkeeyoo
Qiimeeya baahida,
Qaabbila danyaroo
Qaylo dhaan ugu baxoo
Qudh-bax weeye dadweynoo
Qiil dambaan jireynoo
Waa sidaa Qurbo-joog
Qarankaydin sugaayee.

******



Eesh Qiyaasak Qurbo Joog, Qaran kaydin sugaayee!.

 

 

 Jamal Ali Hussein
Jamaal71@yahoo.com