maansadan waxa tirinaya Daahir
Riyaale


 

Waxan idinku salaamaya slaanta muslinka.Maansadan waxa tiriyay Daahir Riyaale , isaga oo la hadlaya rag bari dhawayd gabayo ama silsilad deelay ah is waydaarsanaya.Isagoo iska dhigaya inuu maqlay ,kuna darsaday maansa dan hoos ku qoran.Iiyada oon sedexda Gudoomiye mid balba manso u samee yay iskana dhigay inu isagu hadlayo.... la soco kawa kalana ama akhri mansoyinkooda mahadsanid..............Qolqol

 

 

sheekaba duxdeediyo
dariiqay ku socotiyo
dawgeeda weeyaan
in laga dabqaatoo
darandoori jaanqaad
l u digtooni yeeshaa

********

anna doorkan maansada
darmaantadydi fuulloo
dirirtaan u taag nahay
inaan weerar daran iyo
daafaco kalsoonida
deelayna waxan idhi

********
rabi daayin weeyee
darjiyo xilkaan sido
isagaygu deeqee
kama helin daleedaha
sawtaan dumaalee
duco laygu raacshee
dadku wada ogsoona

********
shalaytana cod daniniyo
ubax laygu daadshee
ii durbaan garaacdeen
baritana dareenkay
kama dayrinaayoo
dihin weeye kaasunadaahir riyaale
ina deexataanoo
agow ii ilduuftaan
duun kaan ku haysta

********
maqlay doodihiini
deelaydi halabsaday
diiwan gasho qoray
durjigaanay ii taal
nin idiidanaw maqal
tan ana ka diigoo
gabigeed danbaabe
dawo kale ma haysa

********
marhadan nin door xidhay
daalalay sameeyiyo
gaariyana isdaba dhigay
sheekiina dooh idhi
tallow yaa danbeeyoo
baritana la soo diri

********
duqaydii dhulkeeniyo
golayaashu duug male
docdayday ka buuxaan
doolarkiyo xisaabtiyo
doonbarada qaataan [doonbaradu waa nooc qaadka ka mid ah laakiin jaban]

********
maydinka wax didin kara
dadkan seexday kicin kara
danahooda fulin kara
digo rays ha moodina
xunbo daad ha moodina
duur geed ha moodina
dacar cudur ha moodina
dadqal ruux ha moodina

********
dal shisheeye joogow
ka daahan waayuhu
qabiil baanu dooxna
dadka kala shidhayna
dabar baanu saara
dibso baanu leenahay
daad israacin mooye
damac kale ha soo gudho

********
sawkuwan dayoobee
sicir bararku daashaday
duunyaday dhaqdeeniyo
xoolahay dareershan
anaga dilaaloo
u dhaxayna dunidee
miyaad diidantahay taa

********
maalintaan durduriyee
jaamac dayr u dhigayee [jaacac maxamed qaalib ]
daadays ka tuura
dunta shaala lay sudhay

********
halba iga dardaarana
kuwa dibada joogow
doonbir baa la qodaya
dalag baa la sugaya
waxii doog ka soo baxa
iyagaanu deeqsiin
inta kale dantaydiyo
daba dhilfka weeyan
inay dufanka leefaan

********
xisbiyadu docdoodana
haku daalinaan idhi
hada asal madoorshuhu
daantan waa yimaada
taana waa udoola
hadba tii u dihinbuu
doodiisa siiya

********
midna waa ka daranyahay
duuga waa markaygii
iiga durug ma dhaafsan
dadka waxaa uu sheega
kayga durduro badan
udub baa dadaal badan

********
hadal waan ku daalee
duco aan kusoo xidho
food loo dareeriyo
ummadiyo dalkow nabad
mardanbaynu leenahay

duugaynu eegnaa


 

 

Mowlid Aden
qolqol3@hotmail.co.uk