MAAMULKA(GABOOYENEWS)WAXEY OGEYSINAYAN  AKHRI S TAYASHODA WAKIIL CUSUB U DOORTEN IYO MAAMULAHA LABAD(SUXUFI,XAMSE M IBRAHIM

 

Toranto(TNN)-Maamulka guud ee websetka saxaafadda xorta ah ee ka mida  webset yada reer somaliland ee madaxa banan ee (Gabooyenews.com)waxaanu ogeysii nay aan dhaman akhristayaashayada sharafta iyo qiimaha badan laga bilabo taariikhda (12-november-2009)iney u doorteen wakiil cusub oo u jooga caasimadda somaliland ee hargeysa ka diib markii ay sameeyeen maamulka iyo hawldeenada websetka gabooyenews.com kulan wada tashii iyo falanqeyn ay ku eegayeen ciddii uga wakiil u noqonlaheyd magaaladda hargeysa oo in mudo ahba ay diirada ku hayeen dhaliin yaro farabadan oo aqoon yahaniin ah ayaa waxey go aan ku gaadheen iney u  door teen kuna guuleystey wakiil cusub ahna maamulaha labaad ee websetka  gabooyen ews.com ,oo ka mida hormoodna ka ah aqoon yahaniinta dhaliinyarada beelaha gabooye ee reer somaliland.

wakiilkaas cusub anha maamulaha labaad ee gabooyenews.com hargeysa somaliland magaciisana la yiraahdo (MUDANE SUXUFI,XAMSE MAXAMED IBRAAHIM XOOGW EYNE.MR WADANI) waxaanuna leehnahey hambalyo hambalyo hambalyo.


Suxufi Xamse Maxamed Ibraahim wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa. Wuxuu ku korey oo uu ku barbaaray waxbarashadiisana ku soo qaataay dalka itoobiya iyo magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland,

waxbarashadiisii dusiga hoosedhexe wuxuu ku soo qaatay Dugsiyada kala ah Kaam abokor iyo dugsiga hoose dhexe ee Biyo dhacay ee Hargeysa. Halka uu  waxbarash adiisii dugsiga sare ku qaatay dugsiyada Faarax Oomaar iyo Nuradin. Xamse wuxuu dhigtaa kuna jiraa sanadkii ugu dambeeyey ee jaamcada Hargeysa kuliyada Dhaqaalaha iyo culuumta siyaasada;

sidoo kale wuxuu bartay qaybo kamida cilmiga computerka ee loo yaqaano ITga, cu luumta sharciga ee la xidhiidha xuquuqda aadamaha iyo dambiyada, Dastuurka iyo dawlada oo uu ku qaatay jaamacada Hargeysa, xisaabaadka, maamulka iyo  psych osocial ka. Dhinaca kale wuxuu Diploma saxaafada ah ka qaatay Maxadka horumarinta iyo Maamulka ee Africa.

saddexdii sanno ee ugu dambeeyey Xamse wuxuu la soo shaqeeyey haayado wadini ah iyo kuwa caalami ah ba oo ay ka mid yihiin SONYO, VOSOMWO, USWO, HORN  PE ACE, DDG iyo TOSTON oo uu kala shaqeeyey dhinacyada Media ha, tobobarada,(cap acity building) xuquuqda aadamaha, dakhli abuurista iyo xalinta khilaafaadka. Mudooyinkii ugu dambeeyey wuxuu noqday tafatira sare oo ka mid ah tafatirayaasha wargeys cusub oo la yidhaahdo WAABARI media network sidoo kale waa Xoghayaha Guud ee ururka dhalinyarada saxaafiyiinta Somaliland ee SOYMA.

Waxaa intaa u dheer waa sawir qaade, kaamera maan, habaynta barnaamujyada muuqaalka ah iyo ku wa idaacada maqalaka ah (Vedio and radio program editor.) ugu dambeyn wuxuu noqday oo aan u qaadanay wakiilka Somaliland ee webka  www.gobooyenews.com oo ah maamulaha labaad ee webka Gabooyenews. Xamse oo lagu naanayso Mr. Wadani waa tobobare, suxufi u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka oo wakhtigiisa inta ugu badneyd ku shaqeynaayey mutadawacnimo si uu u guto waajibaadka wadaninimo ee wadankiisu ku leeyahay.



Suxufi Hamze maxamed iBRAHIM xoogweyne ,,mr wadani,,ahna maamulaha labaad ee websetka gabooyenews.com.
email(xamse503@hotmail.com)
hargeysa somaliland..





qore/maamulaha guud ee /websetka gabooyenews.com/mudane (Barkhad Xaaji Cabdi ,,Mr Gaboye)haed office kitchener ontario canada ,
email:abokoriye1@hotmail.com
email:mrg@gabooyenews.com.