“Maalintaynu Dalka Ku Soo Noqonay Maanta Ayay Ka Qiiq Badan Tahay,
Axsaabta Tartamaysaa Waa Inay Si Nabadgalyo Ah Doorashada U Galaan"
Xaaji Cabdi Waraabe waxa kale oo uu ugu baaqay in xisbiyada iyo
ururada tartamayaa ay ku..........
Hargeysa (TNN) – Gudoomiyaha guddiga joogtada golaha guurtida Xaaji
Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) ayaa sheegay in doorashada
golayaasha deegaanka ee dalka ka dhici doo nta 28 bishan November
2012-ka, ay tahay mid xasaasiya oo u baahan in ololayaasheeda l aga
ilaaliyo wixii nabad galyada dalka wax u dhimaya, waxaanu xukuumada
Madaxweyne A xmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) ugu baaqay inay
nabadgalyada u feejignaato, Axsa abta ku tartamaysa doorashadana
dhexdhexaad u noqoto.
Xaaji Cabdi Waraabe waxa kale oo uu ugu baaqay in xisbiyada iyo
ururada tartamayaa ay ku qancaan natiijada ka soo baxda codbixinta
doorashada golayaasha deegaan.
Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu
wargeyska Haatuf wax ka waydiiyay sida uu u arko doorashada
golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoomi doon ta maalinta Arbacada
todobaadka dambe, ayaa waxa uu yidhi “Maalintaynu dalka ku soo guryo
noqonay ee aynu Kaba la’ayn ee aynu qaawanayn maanta ayay ka qiiq
badan tahay, maxaa yeelay maalintaa maynu kala lahayn mucaarid iyo
muxaafid oo meel baynu ka soo wada jeednay, maantana mucaarid iyo
muxaafid baynu kala nahay oo doorasho ayaa inagu soo fool leh,
doorashooyinkuna dawladaha waaweyn bay gilgilaan oo kharibaan,
axsaabta tartamaysaana waa inay si nabadgalyo ah doorashada u galaan
oo ku ololeeyaan, waa in layska ilaaliyaa dhulka yaa leh, cirka yaa
leh waa waxyaalihii aynu 1960-kii dawladnimada aynu ku tuurnay,
xisbiga laga helo doorashadu waa inuu haneeyo, xisbiga guulaystaana
waa inuu cadaalad ku shaqeeyo looma baahna in la yidhaahdo waa lay
dhacay, waa lagu shub tay, dawladaa xisbi hebel u eexatay, ninka
sidaa yidhaahdaa isagaa wax isku dhimay”
Xaaji Cabdi waraabe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray
‘Kursigaa la cilaaqaa, ninka kursiga ku fadhiyana waa la cilaaqi
doonaa ee adkaysi iyo dulqaad baa laga doonayaa ninka kursiga ku
fadhiista iyo daacadnimo, xukuumaduna waa inay maalmaha inagu soo
socda feejignaato oo nabadgalyada ilaalinteeda u dhug yeelato,
xukuumaduna waa inay dhexdhexaad u noqoto axsaabta tartamaysa”.
Xaaji Cabdi Waraabe oo aanu waydiinay sida uu u arko xilka
gudoomiyaha guddiga joogtada guurtida oo ay laba musharax u
tartamayeen, balse ay xubnaha guddigoodii Sabtidii todob aadkan si
ku meelgaadh ah xilkii gudoomiyaha ay isaga ugu doorteen, waxa uu
yidhi “Guddi gu haday sidaa garteen aniguna diiday afkayga maaha,
Sheekh Yuusuf Sheekh Madar wiil iyo waalid baanu isku ahayn inaan
maanta inankii saddexaad kursi kula tartamana cimrigaa igu simay,
Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar barigii halganki xoraynta
dalka lagu jiray ee aanu guurtidayadu joognay Cadaroosh iyadoo
diyaaraduhu na dul hee haabay aan, oo la yidhi gudoomiye aanu kuu
doorano ayaa waxaan idhi Sheekh Ibraahim ayaa gudo omiye inoo
noqonaya oo guurtidana hogaaminaya, reer Sheekh Madar-na nin iiga
aqoon badan oo maanta jooga ma jiro”.
Mar aanu waydiinay xanta looga soo jeediyo u dhago nuglaanshaha
xukuumada iyo madax weynayaasha oo lagu tilmaamo inuu gar iyo gar-daraba
ku taageero, waxa uu yidhi “Arrim ahaasi waxba kama jiraan nolosha
dadka ayaan la shaqeeyaa, madaxweynayaashana anigu un baa runta u
sheega oo la hadla, ilaa Siyaad Barre, Aadan Cade ilaa kan maanta
jooga kol ka la hor yimaado aniguun baa la hadla, balse anigu cayda
ma aqaano, qofka aniga I caaya ba ma caayo oo waa ceeb, ninka
masuulka ahna waxa looga baahan yahay dulqaad iyo adk aysi”.
Source:Wargeyska Haatuf
|