Ma Waxay Somaliland lamid Noqotay Ceelashii
Biyaha ee Somaliya!


 



Shaki inagama saarna Dagaalka ba’an ee Cadawgu habeen iyo maalin uu heeganka ugu jiro waxyeela ynta Qaranimada Somaliland. Waxaynu ogayn ficiladii uu ku  eeke ysiiyey Caasimada Dalka ee Hargeysa October 2008, Dilalkii Waxashnimo ee Lamaan ihii Degmada Sheekh, Analina “Boorama” iyo Shaqaalahi hii GTZ ee Haleeya iyo waliba isku dayo tiro badan oo la fashiliyey.

Haddaba, waxaa jirta in Cadawgu Xeeladihiisii dagaal uu dhinac kale u wareejiyey, w aa Dagaal Qabaw oo Dawlad iyo Shacaba aynaan ka warhayn oo aynaan dareensan ayn, waxaanan leeyahay “ Dalkaygaw Ha dayacmin waligaa, Dadkaygow Ha Duloobin Daa’iman”. Seddex dhacdo oo Cadawgu Qar ankan u maleegay ayaan jecelahay inaan halkan ku xuso.

 

Ta kowaad waxay tahay Sida Xeerarka Caal amiga ah ku xusan erayga Qaxooti “ Refugees” waxaa loo yaqaan Umadd Dalkooda hooyo ka qaxday oo dalka kale nabadgalyo ahaan biday halka erayga Bara k acayaal “ Internal Displaced” ( IDP) isaguna uu yahay Umadd dalkeeda Hooyo gudahiisa ku Barakacd ay, haddaba maxaa iskala mid dhigay Shacab ka Dagaalada Muqdisho ka yaacay ee gabaadka ka dhigt ay Ceelasha Biyaha ee Muqdisho u dhaw ee loogu yeedho “ barakacayaasha”. iyo Qaxootiga Somaliya kasoo qaxay ee Somaliland ku sugan oo iya gana loogu yeedho Barakacayaal? waa Dagaal Maskaxeed(Psychological War) oo Cadawga Walaweyn ta ah ee Hayaddaha Caalamiga ah ee Somaliland ku sugan ka shaqeeya ee kumanaanka kor u dhaafay kasoo fuley, ugana dan- leeyihiin Nacaybka ay u hayaan Qaranimada Somaliland ,waa fariin ay usoo dhiibeen Dad-qalatadii Ummada xasuuqday ee ku sugan Na irobi iyo Muqdisho, waxaase nasiib daro ah Masuuliyiinta Xukuumadda talada haysa oo erayga Barak acayaal adeegsada markay ka hadlayaan W arbaahinta iyo Fagaarayaasha kala duwan ee dalka iyo di bedaba.

 

Ta labaad waxay tahay; waxa mudo oyinkan dambe Warbaahinta Caalamka lagu baahinaayey hadala da Shakhsiyaad lidi ku ah Somaliland ee uu ugu horeeyo “Mahiga” Wakiilka Qaramadda Midoobay ee So maliya/Somaliland, markay ka hadl ayeen Maamul goboleedyada Somaliya ka jira iyaga oo kala mid dh igay Somaliland, Maamul –hoosaa dyada Somaliya ee Puntland iyo Galmudug, waa Dagaal Siyaasadays an oo Qarankan lagala masuuga ayo jiritaankiisa, mida kale waxaynu ogayn 1998 ujeedadii uu Cabdil lahi Yusuf u Sameeyey Maamul goboleedka Majeerteeniya oo ahayd waxyeelaynta Somaliland.

 

Ta seddexaad waxay tahay iyana waxaynu inta badan ka maqalnaa Cadawga Qarannimadda Somalilan d hadalada Xumaanta iyo Somaliland nacaybku ka muuqdo ee ay Somaliland ugu yeedhaan “Waqooyi” ama Gobolada Waqooyi, iyaga oo afkooda ka dhawra magaca Somaliland. Nasiib-darro, Masuuliyiinta Somaliland marka ay ka hadlayaan Arimaha Somaliya waxad arkasaa ama aad maqlaysaa iyaga oo ad eegsanaya ereyga “ Koonfur” halka ay ka odhan lahaayeen “Somaliya” haddii aan labadelina waxay jid u fureysaa Shirqoolada iyo Ujeedooyinka Cadawga , “ haddii aynu Somaliya Koonfur nidhaa inaguna w aqooyi ayaynu nahay”.



Gabagabadii, waxaa talo iga ah in Dawlad iyo Shacaba laga taxadiro in Qaxootiga Somaliya ka yimid ay nu ugu yeedhno Barakacayaal “internal displaced” si aynu u curyaamino shirqoolada cadawgu dalkee na u maleegaayo, in Xukuumadda talada haysaa dib u eegis ku samayso Shaqaalaha Ajaanibka Somali ya u dhashay ee dalka qarqiyey ee waliba dagaalka inagula jira ee waliba cidhiidhiga galiyey shaqooy inkii Muwaadiniintu ka hawl-gali lahaayeen. In Masuuliyiinta Qaranku iyo waliba Warbaahinta kala duw an ee dalkuba ayna adeegsan magaca “Puntland” oo aynu ku bedelno Maamul-hoosaadka Somaliya ee Majeeerteeniya. In dawlad iyo shacaba aynu ka taxadirno adeegsiga erayga “ Koonfur” lana isticmaa lo Somaliya. Waxaan si sharafleh uga codsanayaa Hogaamiyaha Qaranka Muddane Madaxweyne Axm ed Maxamed Siilaanyo inuu Qaraar rasmi ah kasoo saaro arimahan sare ku xusan si ay u fashilmaan shirqoolada cadawgu inoo maleegay Because ‘ it is a National Issue”.



Wabillahi Tawfiq

 

 

 

Cabdirasaaq Sh. Cali Askar
Political Analyst