Ma Sidan Ayuu Kulmiye Doorasho Ku Rabaa,by Ibrahim Tallaabo

 

Muddo badan ayaa waxa laga muran sanaa qaabka doorasho xor ah oo xalaal ahi oga qabsoomi lahayd Somaliland, khamiistii bisha october 8dii waxa halis  ku sugnaatay xasiloonida iyo deganaanshaha dalka. Alla mahadi ha ka  gaadh ee gurmad gudo iyo debedda ka dib waxa lagu guulaystay in la soo afjaro  kh ilaafkii siyaasadeed kaas oo runtii nacabkana ka nixiyey nasteexuna ku  far xay.


Maalmahan waxa aan ku arkaayey war-baahinta gudaha iyodebeddaba  xub inta Kulmiye oga qayb geli lahayd komishanka oo la isku celcelinayo.Waxa aan rabaa inaan wax yar ka iftiimiyo waxa uu xeerka doorashooyinku dhigayaa in xubinta Komishanku aanu ka mid ahayn Guddida Fulinta iyo Golaha dhexe ee axsaabta loolamaysa, dadka qaar ayaa waxa ay leeyihiin gabadhu kama mid aha guddida fulinta iyo gole dhexe toona, waxa aan leeyahay cid cadayn  ka rtaa ma jirto inuu qofkii ka tirsanaa golayaasha xisbi qaran inuu ka baxay iyo in kale.

Haddii muranba ka yimi xubintaas maxaa Guddoomiyaha Kulmiye u soo  maga caabi waayey xubin kale oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga oo aan ka  tirs anayn golayaasha xisbiga, Mise qorsha kale ayaa jira.

Waxa laga war qabaa in berigii hore muddo 8 bilood ah la sugayey xubintii  Ku lmiye, maantana ma sannad ayaa la sugi xubinta Kulmiye.Waxa aan talo  aha an ku soo jeedin lahaa in xisbigu si dhakhso ah u soo magacaabo xubin  buu xisa shuruudaha xubinta looga baahan yahay si aanay doorashadu dib ugu sii dhicin, dalkana looga ilaaliyo googaalaysi iyo muran siyaasadeed oo  madh alees ah, loona ilaaliyo xaqqa muwaadinka ee ah inuu codkiisa dhiibto.
 

 


Ibrahim Tallaabo

somaliland44@hotmail.com