MA DHACAYSAA DOORASHO WAASE GOORMA [ HALKAN GA FAHAN WAQTIGA DOORASHADA ]

 

Abwaan Siciid Cabdi Dheen

 


ASCWW

MA DHACAYSAA DOORASHO WAASE GOORMA?
Su,aashan ayaa u baahan in laga jawaabo lana xaqiijiyo waxa dhab ka jira
Dar uun bays xabeebshood golaha, kaga xanaaqdaaye
Xiiq baaba laysugu dhintee, maan xogtaba sheego
Xeedhada gunteedaba wixii ku xadfan maan gaadho.
Xukun raagey xaal wada jirjira, xaajo bixi weydey

Waxa habooon in hadalka shaaca laga qaado oo aan waxba la qarin[wax la qariyo qudhunbaa ku jira].

hadaan doorasho dhacayn dalkana diyaar u ahayn xukuumaduna awood u lahayn ay ku qabato doorashada dabacan markaa waa in shacbiga lagu war galiyaa in aanay jirin wax doorasho oo SOMALILAND KA DHACAYA.

--Ma waxaad rabtaan in aynu rafaad iyo wareer ku jirno
--ma waxaad rabtaan in been iyo war aan jirin aan isku maaweelino
--ma waxaad rabtaan in maalin kasta lala soo taagnaado waa goorma doorashadii
--waar dadku wuxuuu rabaa waqti LA XAQIIJIYO DOORASHADA
-- SHACABKU dantooda ha qabsadee doorashadan xabada ku noqotay waa goorma

INTAAADAN FALIN KA FIIRSO waa maahmaah aad u xikmad badan oo macno wayn
ku fadhida.

waxaan leeyahay siyaasiyiinta waar dib u dhigan doorashada aad cayaar cayaar  moo daysaaan ma laga yaabaa inuu mashaakil keeno MA KA FIIRSANAA INATYANAAN ISKA QAADAN GO,AANKA AH YAAN DOORASHO LA QABAN.

Waxa la yidhi FARI TOGDHEERBAY KULA XUSHAA, waxa ay aniga ila tahay waar  siyaas ogoow adigu farahaaga dab haku hurin.[allaw ma talo]
SHacabka irbadaa wada saaran oo nin danbe oo maanta dulqaad ku jiraa ma jiro sama rkii ayaa maanta waa dhamaaday .

Hadaba doorashadan waqti mucayana ayaa laga sugayaa in xukuumadu shaaciso.
Waxa laga sugayaa in gudida komishanka doorashadu aanay noqon sidii tii hore
ee caalamku la yaabay .

Waxa haboon in komishanku garto inuu yahay mid dhexdhexaada oo aan geesna  raac sanayn, sadexda xisbina u siman yihiin danta umaduna tahay mid muqadisa in siday tahay loo qabto.

Laakiin sidii tii hore hadaa noqotaan rag iska daba socda dawlada markaas xaalku waa yaan dhinacna loo socon.

GABAGABDII WAA GOORMA DOORASHADU ?

Waxaanu jawaab ka rabnaa xukuumada somaliland iyo wasiiradeeda
waxaanu jawaab ka rabna inta hadh iyo habeen durbaanada tumaaya
ee kacaanka barakaysan ee somaliland daba socda.

ragaas oo ay ugu horeeyaan cuqaasha tirada beeshay ee 100kii qofba caaqil
loo magacaabay si looo iibsado danta beesha.

waxaanu jawaab ka rabnaa qofkasta oo garan kara jawaabta su,aaashan
WAAAAAAAA GOOOOOOOOORMAAAAAA DOOOOOOOOORASHADUUUUUUU?

WABILAAHI TAWFIIQ

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London UK