"Kulmiye Jabi Maayee Ma Carab-Weyn Mise Culimo Kale Kee baa Loo Cumaamadayaa"Gudoomiyihii hore ee Xisbiga Udub Gobolka Gabiley Oo Katirsan Kulmiye

 

 

 

Gudoomiyihii hore ee Xisbiga Udub Saleebaan Maxamed Sheekh Saleebaan(Madaxey) oo hada ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley, ayaa Cambaareeyay ololihii uu shaley Ga biley Duqeyda , kaga dhex baadi goobayay Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Muxumed Samaale
 

Hargeysa (TNN)-Gudoomiyihii hore ee Xisbiga Udub Saleebaan Maxamed Sheekh Saleebaan (Mad axey) oo hada katirsan Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley ayaa Cambaareeyay ol olihii uu shal ey Gabiley Duqeyda kaga dhex baadi goobayay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Som aliland Cabdicasiis Muxumed Samaale si ay uga qeyb galaan munaasibad uu maanta ku qabsadey huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.


Gudoomiyihii hore ee Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley Saleebaan Maxamed Sheekh Saleebaan oo la soo xidhiidhay Shabakada Wararka ee Timacade News, ayaa cambaareyn culus dhakada ka sa arey Wasiirka Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Muxumed Samaale, iyo Xubnihii Gabiley uga dhex wadey ololaha baad i goobka duqeyda ka qeyb galaya Munaasibada uu maanta ku qabsadey Hut eelka Maansoor, isagoo ku tilmaamay in Wasiirkaasi sabab u yahey baaba'a Gobolka Gabiley ku yimid Mudadii ay Xukuumada Siilaanyo talada haysey isla markaana ku kacey cadaalad daro iyo dulmi badan oo ay u geysteen Qeybo Buls hada ka mid ah Maamulada uu geystey Tog-Wajaale iyo Gobolkaba, sida uu hadalkiisa u dhigay.



Gudoomiyihii hore ee Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley Saleebaan-Madaxey oo arimahaasi ka hadl aya waxa uu yidhi.

"Waxeynu maqli jirney Aduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban, waxa ceeb ah oo aan af akaba lasoo mariyeen in Wasiirka Maaliyada maanta kaambeyn looga bilaabo Gabiley dhexdeeda Kaambeyn odoyaal Munaasibad u buuxiya loogu ururinayo waa xaraan maqdac ah waxaan leey ahey ninka magaca Gabiley sheeganaya ee ninkaa raacayow ama odey ahow ama Culimo ahow waxaad la mid tahey nin kitaab gubey sababtoo ah waxeynu wada ognahey hadeynu Reer Gabile y nahey mudadii Xukuumada Siilaanyo haysatey talada dalka dhibaatada ninkaasi soo gaadhsiiy ay Gobolka Gabiley waa ta ay maant a Gabiley ka hooseyso Miisaaniyad iyo arimo kaleba Gobolka Saraar, Godobta Kaliya ee aynu Xukuumad a Madexweyne Siilaanyo u haynaa waa Cabdicasiis Muxumed Samaale, yacnihii uma qalmo habayraatee masuuliyad iyo xilalkaasi, uu Madexweynuhu u magacaabay mid kalena hadalkii daa, Wasiirkii Maaliyada oo Lacagtii Umada haya oo kaambeyn wada waa Ceeb Qaran oo aan laga soo kaban karin waligeedna may dhicin, waxaad moodeysay hab dhaqankiisa in uu aarsanayo maalin walba waxaan Warbaahinta kala socdey muwaadin dhi baato culus ay gaadhsiiyeen Maamulada uu geystey Tog-wajaale, oo leh aya an kaga dacwadoo daa" Ayuu yidhi Saleebaan-Madaxey.

Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa,."marna aadbaan u qosley marna aadbaan u yaabey ninbaa Telefoon igula soo hadley dibada jooga, isagoo ileh Kulmiyaa jabey baan maqlee ,ma Cara b-Weyn mise Culimo kale keebaa loo Cumaamadayaa, waxaan leeyahay Kulmiye jabi maayo ee dibaa la isugu noqon, imikana waan ku celinayaa mar kaelna waan ku celinayaa meel walbana waan ka sheegayaaye nin aan calool fiicneyn, oo aan dulqaad laheyn oo aan dadnimo laheyn cid qaadaneysaa majirto Reer Gabileyow na ogaada, waxaan arkey boqolaal dhalinyar ah oo ah ragii Kulmiye dhiigooda u shubey oo intoodaba Cabdicasiis Samaale been u sheegay, Anigu Udub aya an ahaa laakiin Doorashadii Baarlamaanka iyo Tii Madaxtooyadaba ragaa dhalinyarada ahi wey u hagar baxeen laakiin nasiib daro wuxu ugu abaal gud ey in uu wajiga ka qarsado oo been u she ego, waxaan hadalkeyga ku soo gunaanadayaa reer Gabilayow dib isugu noqda oo codkiinii waad siiseen Madexweynaha ee xisaabtama oo ogaada intuu dib u dhacey Gobolkiinii aad ku tabacd een"Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Waa Markii u horeysey ee uu hadal Warbaahinta Mariyo Gudoomiyihii hore ee Xisbiga Udub oo xiligan ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley




Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland