Faallo: Baasaaboorka Somaliland oo Dadka Safarka ah lagaga Reebo Madaarka Jabuuti iyo Dareenka Ku Xeeran?

 

 

 

Ma Cadda illaa hadda Sababta Xukuumada jabuuti Uga Cajo jiidayso Baasaaboorka Somaliland

Baasaaboorka Somaliland ayaa lagu galaa Wadamo Badan oo ku yaala Africa oo ay Saaxiibtinimo ka d haxayso Dalka Somaliland kuwaasi oo Somaliland ula dhaqma sida Dalalka kale Caalamku Ictiraafsan yahay, inkasta oo aanay Somaliland ictraaf buuxa ka helin Aduun waynaha haddana waxay Buuxisay shuruudihii Dawladnimo taasi oo ay kula macaamisho Caalamka iyo Wadamada Jaarka loona Qadariyo.

Wadamada sida wayn u Tixgaliya Baasaboorka Somaliland waxaa ka mid ah Dawlada aynu jaarka nah ay ee Itoobiya, Uganda, Kenya iyo Wado kale oo tiro badan, waxaa iswaydiin Mudan Waa maxay Sab abta Baasaaboorka Somaliland loogu reebo Madaarka Jabuuti marka Shacabka reer Somaliland ku ga layaan Dalka jabuuti? Se waa Maxay sababta loogu diidanyahay inay ku Dhacdo Shaabadda Dal ku Galida jabuuti sida Wadamada kale ee Jaarka?.

Su,aalahaasi iyo Qaar kale oo Badan ayaa waxaa iswaydiinaya Dad badan oo Reer Somaliland ah oo ku dhoofay baasaaboorka Dalka Somaliland kuna galay jabuuti kuwaasi oo lagaga reebay Madaarka jabuuti ka dibna la soo siiyay marka ay ka soo baxayaan, arintaasi oo Mudooyinkan danbe aad ay u hadal hayeen dadka reer Somaliland ee u kala goosha labada dal ee jaarka ah Somaliland iyo Jabuuti gaar ahaana Waftigii balaadhnaa ee reer Somaliland ee Dalka jabuti kula shiray Maraykanka oo Caa wimo siinayay Somaliland kuwaasi oo Madaarka lagaga reebay Baasaabooradii Dalka Somaliland ee ay siteen qaarkood sida ay noo Xaqiijiyeen Masuuliyiin Sarsare oo ka Tirsanaa Waftigaasi.

Warar Xogogaal ah oo aanu ka helnay Dalka jabuuti ayaa sheegayaa in Wakhtigii Madaxwayne Axm ed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) safarka ugu kicitimay Dalka jabuuti Waftigii la socday loogu dhuft ay Baasabooradii shaabada Dal ku galida balse intii ka danbaysay Madaarka lagaga reebo Taasi oo su mcad xumo ku ah Xidhiidhka labada Dal oo aad moodo in mudooyinkii ugu danbeeyay u aad u wanaag sanaa balse arintani Raad xun ku Reebi karto haddii aad la daboolin.

Waxa jira Safaarad ay Somaliland ku leedahay dalka jabuuti oo Calankii Sudhanyahay balse waxa ay dadku aad u hadal hayaan maadaama Dalka jabuuti Ogolaaday in Safaarad ay Somaliland ku yeelato Sababta Baasaaboorkeeda Madaarka loogu Reebo? Maxaase iska badalay Ogolaanshihii hore ee Dalk a jabuuti lagu gali jiray Baasaaboorka Somaliland? Ma jiro war Cad oo ka soo Baxay Xukuumada jabuu ti oo lagu joojinayo Baasaaboorka Somaliland, balse Maamulka Madaarka ayaa haysta Amar aan la ga ranayn meesha uu ka socdo oo lagu Reebayo Baasaaboorka Somaliland.

Xukuumada Somaliland ayaan si Cad marna uga hadal arintan iyada oo Qaar ka mid ah masuuliyiinta Dawlada iyo Golaha Wasiiradaba laga Reebo Baasabooradii Somaliland marka ay galayaan Jabuuti ta asi oo Sumcad xumo ku ah Xidhiidhka labada Dalna Sagsaag galin karta haddii si cad loo wada shaqay n waayo, Waana Arin Dhaawacaysa Heshiiskii Madaxwaynihii hore Daahir Rayaale Kaahin la Galay Da lka jabuuti ee ay ku Ogolaadeen in lagu soo galo Dalkooda.

Dawlada Itoobiya ayaa iyadu Qadarisa laguna Galaa Baasaaboorka Somaliland iyada oo ay ku yaalaan Shaabadaha Dal ku Galista iyo Bixista sidoo kale waxaa iyana Siwayn u Qadarisa Dawlada Uganda oo ay ku Tagaan Ardayda iyo Dhamaan Masuuliyiinta Reer Somaliland ee Safarada ugu Baxa Dalkaasi.

Ma Cadda illaa hadda Sababta Xukuumada jabuuti Uga Cajo jiidayso Baasaaboorka Somaliland inay ku Dhacaan Shaabadohoodu iyada oo Xidhiidhka ka dhexeeya labada Dal gaadhsiisanyahay heer wanaag san, balse arintani waxaa ay u Muuqataa in Dawlada Somaliland Fuliso Danta Jabuuti Balse jabuuti ay woxogaa ka Cago jiidayso inay si Dhab ah u Aqbasho Ama u Diido.

Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ayaa laga Sugayaa inay Go,aan Cad ka gaadho Arintan oo Mudooy inkii ugu danbeeyay aad loo hadal hayo Dalka Gudihiisa loona Baahanyahay in Si Toos ah loogala hadlo Cidda ay khusayso Arintani oo Hoos u dhac ku keeni karta Sumcada iyo karaamada Dalka Somaliland.
 

 

 

 

Mustafe Future
mccfuture@hotmail.com
Hargeisa/Somaliland