Libaax
Ku-Sheeg Marna Faanaya Marna Calaacalaya Marna
Ooyaya!
 
Waxa jirta koox Somalilanders ah
oo aad u caashaqsan mid ka mid ah abuurta Eebe gaar ahaan xayawaanka
sida LIBAAXA ku waasoo si weyn u jecleysatay in loo qaato inay
LIBAAXYO yihiin sidii Dhafoorqiiqleyaashii waagii rijiimka ku
s oo dhejistay jeebka shaadhka tuutaha korkiisa sawirka LIBAAXA ah
ee fatoos hnimo iyo faan awgeed isu bixiyey LIBAAXYADA ee
shacbigeena dhibaateyn jiray kuwaasoo aakhirkii hilfaha loo qaaday
maadama iska dhaaf libaaxyo’e w axay xitaa ka liiteen xoorka
qadhmuun.
Hadaba, kooxdeenan iyana caashaqsan LIBAAXA ee mar kasta ku faanta
in xi taa Riyaale uu ku fadhiyo dhabtooda
oo sida ay is moodsiiyeen ah DHAB LIBA AX
iyagoo isu haysta inay LIBAAXYO yihiin inkatoo libaaxu aanu ahayn
xaya waanka dunida ku nool ee ugu geesisan abuurta Eeebe oo dhan
maadama ay jiraan abuur farabadan oo ka geesisan kana khatarsan
libaaxa kuwaasoo uu aad uga baqo sida Bani Aadamka, maska, iwm.
Si kastaba ha ahaatee, waxa yaab iyo amakaag leh in markii walba oo
laga dh iidhiyo dulmiga iyo baadilka uu
Riyaale iyo kooxdiida Hadhaaga Faqash u badan ku hayaan
ummada iyo dalka Somaliland oo cidhiidhina la gesho oo
xaqa iyo sharciga
loo wada istaago lana wada difaaco, waxa warbaahinta kala duwan ee
gudaha ku soo baxa qaar soo hambaaburay oo aad u naxsan ahna LIBAAX
ku sheegyadii oo marna ku faanaya geesinimo iyo awood xad dhaaf ah
marna, calaacalaya oo ooyaya oo min BOQOR, SULDAAN, CAAQIL, ODEY,
WASIIR, iwm wada leh, “waa nala laayey…waa la isugu kaaya tegay…waanu
dagaalamay na…waanu aarsaneyna, iwm!!
Hase yeeshee, bal, haba inoo faaneene ileyn, waa halka garaad koodu
dhiga ye , may uun ka joojiyaan dheg xumada
beelweyntooda maqaamka weyn, sh arafta iyo haybada ku leh ummada iyo
dalka, iyo walaalahooda kale ee Reer Somaliland ee ay la daba taagan
yihiin qabyaalada sumeysan,
cuqdada, calaa
calka, iyo oohinta faraha badan
ee joogtada ah ee la xidhiidha markii walba ee baadilka iyo dulmiga
laga dhiidhiyo ee xaqa iyo sharciga la difaaco ee intay afka gacanta
iska geshaan inagu soo daaya xumahooda sida
SULDAAN GALAA l, iwm.
Hadal iyo dhamaantii, waxaan walaalahay ugu caqli celinaya, LIBAAXU,
waa xayawaan duur joog ah oo daciif ah oon caqli lahayn, wax la
jecleysto in la noqdo ama lagu faanonana ma’aha; idinkuna waxaad ka
mid tihiin Aadmiga uu Eebe abuuray ee qadariyey ee uu xita inyar
malaa’igta ka kor mariyey, sidaas daraadeed, imaansada abuurtiida oo
ku faana aadnimadiina suuban oo min fadlukun, ka joojiya
walaalahiina kale cadiifada,
cuqdada,
calaacalka, oohintan, iyo
dheg xumada joogtada ah ee aan reerka
lagu aqoon ee aad la soo baxdee n taasoo ceeb ku ah guud ahaan
Beel Weynta Reer Sheikh Isxaaq ee
Saadada ah.
Guul iyo
Gobanimo
Farah Ali Jama
Ottawa, Canada
|