Laba Bakhaar Oo Buuxa Ayaa Ku
Shuf-Beelay Saaka Salaadii Subax Magaaladda Wajaale
Wajaale(TNN) wararka naga soo gaadhaya magaaladda Wajaale ee u
taala xuduuda Galbeed ee ay Somaliland la leedahay Dalka Itoobiya oo
ah magaalo weyn oo Ganacsi uu saaka Salaadii Subax dab qabsaday laba
bakhaar oo waaweyn oo ay alaabi ka buuxday.
Sida uu ku soo waramay qof goob jog ka ahaa dhacdadaasi ayaa sheegay
gabi ahaanba bakhaara daas iyo alaabtiii taalay oo isugu jirtay
Bagaash iyo Huudhaydh inay shuf-beeleen oo la bakhtiin k ari waayay
kadib markii lagula tacaalay dabkaasi booyado biyo ah.
Magaaladan oo ah magaalo Ganacsi oo ay taalo Malaayiin lacag ah oo u
kala agooshta Itoobiya iyo Somaliland ayaa ah magaalo aanay jirin
Kaabayaasha Adeegyada bulshada ee Aasaasiga sida Dab damis, Wadooyin
iyo kuwo kale, waxaanay taasi sababtay in la bakhtiin kari waayo
dabkii qabsad ay
Source:Waaheen
|