Kulmiye ujeedadiisu waa Maamul wanaagsan ayenu maamul xun ku beddeleynaa ee maaha qof beddel :

 Dr. Cabdi Aw daahir

 


Shacabka reer somaliland meelkasta oo daafa dunida ay ka joogtaan waan idin sallamaya  as alamu caleykum(ascw) , Halkan walaalayaal waxaan doonayaa inaan idiinku soo banddhigo  tu saalooyin ka mid ah isbeddelada uu doonaayo kulmiye inuu dalkan ku hago insha aallah .


Walaalayaal,kala dooranmayno seddex qof(Riyaale, siilaanyo iyo feysal), qolooyina kala  door anmayno, gobolana kala doorammayno ee waxaynu kala dooranaynaa wadda toosan oo  horu mar leh iyo wado qaloocan oo horumar la’an. Haddaba muxuu yahay hoggamiye toosan iyo  ho ggaamiye qalloocan. Hogaamiyaha toosasani wuxuu kursigiisa ku ilaaliyaa wax qabadka  umma dda. Keydna wuxuu ka dhigtaa maxaad dalka iyo dadka u qabatay .Hogaamiye qallocanina  wu xuu kursigiisa ku ilaaliyaa hantida iyo awooda qaranka ee loo igmaday, keydna wuxuu ka  dhig taa maxaad naftaada dalka uga qabsataa.. Ka waddada hore raaca waxay u horseeda  umma dda oo jeclaata , ilaahay oo jeclaada iyo cisi iyo sharaf uu ku noolaado. Ka waddada labaad  ra aca, waxa isu raaca kursiga uu waayo ,ummadda oo nacda iyo aakhiro seeg.. Waddada qallooc an ayuu maamulkan Riyaale hogaaminaayo qaaday.


Walaalayaal maanta waxaa fooda inagu soo haya waqtigii doorashada . Marka la eego  macn aha doorashada, hawsha aad maalintaas qabanaysaa, ficil ahaan waa wax yar oo qalin ayaad warqdad ku xariiqaysaa, hase yeeshee micno ahaan waa wax aad u weyn una qiima badan. Waayo waxaad ka talisay , ilaahaybaa talo hayee ,masiirkii ummaddda Somaliland shanta sano ee soo socota, noqon karana mid horumar inoo horseeda, ama mid dhicis inagu noqda ,ilaahay inaguma keenee.


Walaalayaal , haddaba halkan waxaan doonayaa in aan waxoogaa dib aan idiin xusuusiyo  wax yaabii ummadda reer Somaliland u qabsoomay sanadahii 1981-2002 oo lahaa isbeddelo aad u qiimo badan , iyo dayacii faraha badna ee dhacay intii uu maamulka uu hayay xisbiga UDUB ee uu hogaamiyo madaxweyne riyaale (2002-20009), qiimayntaasu waxay inoo tilmaamaysaa  wa xa faraha baden ee u baahan in wax laga qabto, la beddelo. Kulmiye haddaanu nahayna noo ah isbeddelada aanu samayndoono insha allah naluguna xisaabtami doono;


Cahdigii Kowaad (Tobankii sanadood ee 1981-1991) waxaa uu ahaa tobankii sannnadood ee h alganka. Dalkiibaa la xoreeyay, shacabkii reer Somaliland ayaa lakala turxaan saaray, gooni isutaagii Somaliland ayaa salka loo taagay. Dawladii ugu horeysay ayaa salka loo dhigay. (guul iyo Isbeddelbaa la gaadhay)



Cahdigii Labaad (Tobankii sanadood ee 1993- 20002) waxay ahayd dawladdii shir beeleedka. Walaw ay jireen Kacaakuf .waxaa la sameeyay Isbeddeladii ugu muhiimsanaa kana mid  ahaa yeen hubka dhigista, qaramayntii ciidamada, sameynntii lacagta Somaliland, fidintii maamulka gobolada dalka,afti u qaadidii dastuurka Somaliland, samayntii axsaabta qaranka, bixintii  dhaq aalihii ku baxay labadii doorasho ee ugu horeeyay. Waxaa kale oo mudan in aan halkan ku  xu so in nabadgelyadan salka manta Somaliland u dhigtay ,ilaahay ka sakaw ay tahay tii ka  bilaa bmatay Gaashaamo, baalidhaye, Duruqsi, Waraabeeye, kuna gabagabawday Beer sannadidihii 1996-1997(Guul iyo Isbeddelbaa la gaadhay)


Cahdigii seddexaad (2002-Iminka) oo ahayd tii la filanaayay isbedddel horumar leh. Bacdamaa nabaddi salka loo taagay. Waxaynu dhaxalay Tahriib iyo shaqo l’aaan. Kooto ganacsigii  shida alka iyo xoolaha. Sicir barar maciishadii daruuriga ahayd. Warshado iyo wadooyin la  dhagaxd higaayo lana sameynayn. Ciidamo darajo iyo daryeel la’aan qaba. Musuqmaasuq hadheeyay dhamaan hay’adihii dawladda, asaasna ay u tahay madaxtooyada(lacagta adag ee ka soo  ga sha dalka cashuurta xoolaha ,airportka, dekeda iyo haamaha shiidaalka waxay ku xerootaa madaxtooyada). Wada shaqayn la’aa madaxweynaha iyo golaha baarlamaanka. Beddel la’anta lacagta giimbaarta ee Burco ee sannadkasta lagu soo daro miisaaniyadda. Dayaca, iyo hoos u dhaca ku yimid dekedii Berbera. Iibibinta sharci darrada ee Dhulkii danta guud ee caasimadda IWM

Haddaba, inankii maalintii aynu rijiimkii ina siyaad barre la dagaalamaynay qori qaatay ee ku  f ekeraayey in markuu dalkiisa xoreeyo uu helo mustaqbal fiican oo waxbarto dabadeedna  dad kiisa iyo dalkiisa anfaco ee rajada balaadhan qabay iyo kuwii debadii kacayba , waad  arkaysa an maanta inay badaha isku daadinayaan waayo waxaa go’day oo meesha ka baxday rajadii ay qabeen inay dalkooda ka helaan. dhaqaalo la’aani ma jirto, waxaa jira musuq maasuq  baah san oo si caqli iyo dhego la’aan ah maamulkani talladii ummadda loo dhiibay uu ugu takri fallay si kala duwan, iyo hagis la’an. Taas macnaheedu waxa weeyaan qofkii ku qanacsan siidii  todd obadii sanadood lagu jiray inaan ku sii jirno , Dahir Riyale (UDUB) ha doorto, qofka isbeddel  do nayawna dooro axsaaabta mucaridka(kulmiye)


Sidaas darted waxaa xisbiga KULMIYE ballanqaadayaa ,haddii ilaahay nala qabto ,in aanu  sam ayn-doono isbeddel. Maxaanu beddelayaa , maxaanuse ku beddeleynaa:

Walaalayaal, Maamul-xumo ayaan maamul-wanaag ku beddeleynaa. Musuqmaasaq ayaan  han tida ummadda oo la ilaalyo ku beddelaynaa. Lacagta adag ee madaxtooyada lagu xareeyo si gaar ahna loogu tagrifalo ayaanu ku beddelaynaa iyadoo baanka la dhigo , ummaddana si  caa m ah wax loogu qabto.

Walaalayaal, Dekkeda Berbera ee la cidleeyay ,cashuurtuna qaaliga tahay ayaan ku  beddele ynaa deked camiran oo canshhuurto jabantahay. Shidaal koota ah iyo xool koota ah ayaan ku beddeleynaa suuq furan oo xoolaha iyo shidaalka ah. Maciishad qaali ah oo canshuur badan la saaray ayaan ku beddeleynaa mid canshuur jaban oo danyarta ilaalisa, looguna daryeelo.  Lacagta giimbaarta ah ee Burco dhaqaalaheedii wax yeeshay ayaan ku beddeleynaa lacag Somaliland ah

Walaalayaal, Madaxweyne lacagta siduu doono u isticmaalo ayaan inshallah ku beddelynaa  m id mushahar cayiman qaata, Madaxweyne aan ummadda la hadlin ayaan ku beddeleynaa mid si joogta ah ummadda ula hadla ,gobllada dalkana si joogta ah u kormeera . Madaxweyne ay had iyo goor ishaystaan baarlamaanka ayaan ku beddeleyna madaxweyne ay si fiican u wada  sha qeeyaan baarlamaanka ,gaar ahaan xubnaha mucaaridka ah markaas.

Walaalayaal, Hooyo uuray ah , caruur daycan iyo bukaan daryeel la,aan caafimaad qaba  aya an u diyarinaynaa dhammaan adeegii, qalabkii, xoogii, aqoontii, iyo dawadii tayada lahyd iyo dhakhaatiirtii iyo xirfadlayaashii kale ee caafimaadkooda daryeeli lahaa. Ubadkii soo kacaayey ee meel ay joogaanba wax barasho la,aan u jeelan ayaan insha allah u diyarinaynaa wax  bara sho bilaash ah , mid tayo leh. mid maskaxdiisa kobcisa ,diintiisa iyo dhaqanka suuban ilaalisa, isna insha allah wax anfacda. Barbaartii kacday ee wax baratay iyo tii kale ee suuqa  wareega ysa ama tahriibtay ee badda isku daadisay ayaan shaqo abuur u samaynaynaa, insha allah  w axaanay noqonayaysaa mudnaantayada kowaad. Ciidamo dayacan, darajona aan lahayn  ay aan ku beddeleynaa ciidamo daryeel qaba , darajo leh ,la dalacsiiyo, mushahar fiicanna loo  qo ro.

Walaalayaal, Maamul isku wareegaalaysanaaya oo leh siyaasad fadhiid ah(reactive) oo difaac iyo mintid aan dhamaaneyn ku jira oo u arka cadawkiisa kowaad mucaaridka ayaan ku  beddel eynaa maamul wadda toosan ummada u jeexa, lehna siyaasad jihaysan oo firfircoon(pro-act ive) oo mideeya ummadda cadawgiisa aan u arag mucaaridka , balse u arka dhibta kowaad  A qoonsi L,aanata, jahliga, caafimaad darrida, musuqmaasaqa, shaqo l,anta, tahriibta iyo  cadd alad darrida iwm.

Walaalayaal, Ummadda reer Somaliland ee joogta qurbabaha waxaanu ku mideyneyna in  caqli gooda iyo cudududdooda isla kaashadaan si ay dalkooda wax ugu qabanlahaayen dhaqaaala ahaan iyo siyaasadsad ahaanba , oo loo sahli doono, gacanna laga siin doono sidii ay dalka u maal gashanl lahaayeen, loona mideyn doono si qofkasta oo reer Somaliland ah meel uu jooga uu u noqon lahaa safiir dalkiisa ku metela raadista aqoonsi caalimi ah. Taas waxa dheer in  Kul miye siyaasadda arrimaha debedda ee fahiidka ah ee maanta jirta ku beddeli doono mid  istra atiijiyad toosan leh, mudnaan kala siinaysa meesha aqoonsigeenu ku xidhanyahy , hadday  yih iin wadamada aynu jaarka nahay, Afrika , ama caalamka kaleba.

Walaalayaal, Wado la,aanta gobolalada dhexdooda yaala ee inta ciida la dhigo layskaga tago ayaan u sameynayna qorshe dhaw iyo mid fog insha allah oo dhab ah. Waxaan samaynaynaa haddii alle ka dhigo waddoyinka gobolada dhexdooda sida waddada Hargeys-Burco, Burco-Ce erigaabo, Boorama – Saylac, Ceerigaavo-Maydh. Insha allah waxaynu abuuraynaa sanduuq gaar ah oo aan laga isticmaali karin waxnna lagala bixi Karin .caalamkuna waxbuu inoogu darin markaynu wax tusno ummaduna waa lagu wacyi gelin mid guda jooga iyo mid debedjoogaba si ay maal iyo muruq labadaba ugaga qaybqaadan lahaayeen, dhismaha waddooyinka.

Su,asaha nala weydiinayaa waxay tahay sidee baaad waxaas oo dhan u suura galineysaan, ma idinka faanbaa, mise ololaha doorashadoonbaa uga jeedaan? Waxaan qabaa in ay hawl  yarta hay haddi ilaahay nala qabto sidii waxaasoo dhan loo qaban lahaa. Waxay u  baahan tahayna ay tahay oo keliya , go,aan adag, daacadnimo, isxilqaan, isku duubnaan, ilaahay oo aad la  kaa shatid iyo hogaamin toosan.Caalamka laftiisu wixii wax qabsada ee wax hagaajiya waxbay la qabanayaan. Wax deeq laynoo siiyo. Wax maalgashi lagu sameeyo, wax layna amaahiyo iyo wax inaga caawiya mashaariicda horumarineedba. Marka ay u arkaan in aynu nahay ummad jirta oo wax qabsan karta xataa waa layna aqoonsanayaa. Taasu aad ayay uga duwantahay tuu ku talaabsaday maamulka UDUB ee riyale. Waa ta ah yoolka uu ka duulayo inshaallah  K ULMIYE oo ah ‘ DALKA IYO DADKA WAX U QABO SI CAALAMKU WAX INOOLA QABTO’. Yoolka labaadna waa ‘WACYI GELIN, ABAABUL IYO RAJO ABUURIS AY UMMADDU DALKEEDA IYO  DAN TEEDA UGU SOO JEESATO’. Taas aan kor ku sheegay ayaa dhab ka dhigeysa in aynu wax  qabs an karno dalkeenuna hodan yahay, ee loo baaahan yahay oo keliya isbeddel ilaahay lala kaashado.

Waxaan hadalkayga ku soo gabogabeynayaa mar labaad walaal taladu manta gacantiina ayay ku jirtaa. Waa dhismihii dalkaaga dadkaaga iyo ubadkaaga. Markaas kala dooro in aynu iskaga sii jirno sidan iminka aynu nahay oo idinkuna aydun ogtihiin anna dib u dhacaas jira aan meelo kor uga xusay oo dhabtii mugdi ah aan lagu sii jiri Karin loona adkaysan Karin, iyo in aynu  isbe ddel samayno oo ay ka mid yihiin kuwa aan kor waxkaga soo tilmaamay iyo qaar kale oo  bad an. Walaaal inshaallah aan u diyaargarawno isbeddel codkana aynu siino Kulmiye, anaguna  w axaan ballan qaadaynaa in insha allah haddi ilaahaynala qabto, aaanu ka soo baxno ballantaas aan qaadnay , nagulana xisaabtamidoontaan. Ilaahay dhammanteen garakena ka galo. Diinta, dalka iyo dadkaba haynoo barakeeo.

 

 


 

Dr. Cabdi Aw Daahir Cali