KULMIYE ma aha UDUB
SIILAANYO-na ma aha RIYAALE
By: Cali Xaruuri


 

 

Nin baa beri Xaaskiisu (Afadu qabay) ay legedday, markaasaa la weydiiyey oo lagu yid hi waar sidee wax u dheceen?

Wuxu yidhi 3 baa isku key-raacay

1. Anigoo si xun u taagnaa 2. meeshoo sibibixasho ahayd 3. iyo iyadoo (waa xaaskiise eh) sabbaaxadda taqaanay.

Xisbigii UDUB saddex arrimood baa isku raacay oo uu ku baaba'ay, oo saaxadda Siyaasad da kaga baxay.

1. Doorashadii Madaxtooyada oo uu ku dhacay (xukunkii dalka oo lagala wareegay)
2. Hoggaan la'aan, oo Guddoomiyihii Xisbiga oo dalka ka googoostay (ka dhoofay)
3. iyo ururaddii oo dib loo furay oo tartan cusub la galay.

Markaa saddexdaa arrimood midna KULMIYE may qabsan oo kuma dhici mana hayso xisb igan.

1. Waa xisbul xaakimka hadda Dalka ka taliya
2. Guddoomiyihii Xisbiga iyo weliba Aasaasihii iyo Odeygii xisbiga ayaa jooga.
3. ma dhawa wakhti ururo loo tartamo oo xisbiyada dib loo furo.

Markaa waxan aaminsannahay in aan Xisibiga Kulmiye aan maanta loo baqayn, sida ay ra gga qaar ku tiraabayaanna aan xaalku noqonayn.

Dhanka kale waxaan qabaa ma dhici karto in ragga haatan ku loolamaya madaxtinimada X isbiga KULMIYE mina haddii tartanka laga guulaysto in uu xisbigiisa ka tegi doono oo xi sbi kale ku biiri doono, waao ma jiro xisbi kale oo haddii uu ku biiro ogolaanaya inuu ka d higto murashax Madaxweyne, sidaa awgeed wax uu ka dheefayo oo dan ah oo ugu jiraa ku biir itaanka xisibi cusub ma jiro. Oo waa tii hore loo yidhi
" Nin geel ka tegay oo geel kale raacay, muxuu morodhsaday? waxay jawaabtii noqota y, wuxuu korodhsaday HASHAA MAGACEED." Taas oo macnahii looga jeedo wuxu korod hsad ay barasho cusub iyo meel uuu qariib ku noqdo oo uu gunta ka soo bilaabo.

Runtii Afarta murashax ee tartamayaa waa niman culus oo sharaf bay u tahay Xisbiga in rag tiradaa ah oo hankoodu heerkaa gaadhsan yahay laga helo Xisbiga KULMIYE.
Waana heer aad u sarreeye oo dimuqraadiyaddii KULMIYE gaadhay.

Waxan kula dardaarmayaa murashaxiinta iyo kaadiriinta Xisibiga in aan arrinta la cusla yn
oo laga dhigin sidii aad murashax xisbigi kale ah aad la tartamaysaan oo gantaalaha cul-culus ee riddada dheer la isku garaacin ee wax iskula hadha.

Marka ay koox ciyaartooy ahi la tartamayso koox kale, waxay sii qaadataa tababar dhe x dooda ah oo ay sii wada ciyaaraan. Markaa waxa loo baahan yahay in ay ciyaar hufan oo saaxiibtinimo wada ciyaaraan oo aanay iyagu is jejebin oo is dhaawicin.
Waayo maanta haddii kooxdaada mid ka dhaawacmo berri kuuma ciyaari karo.

Sidoo kale murashaxiinta Xisbiga Kulmiye waxan leeyahay oo kula dardaarmayaa "ha is ku t alax tegina, xarragada haka tegina. Tartama oo si sharaf leh oon xagxagosho laha yn u t artarma".
 
Ugu dambeyn waxaan Salaadiinta iyo culumada kula talinayaa in ay arrintaa dhex ka ah aa daan, waxana xusuusin mudan in tartankani uu dhexyaallo golaha dhexe ee xisbiga oo cid da keliya ee codaynaysaa waa GOLAHA DHEX.


Waa billaahi Tawfiiq

 

 

 

 

 

Cali Xaruuri
Rotterdam, Holland
Adam.32@live.nl