“Rag Cadaalad Waayey Sidii Cowsha Kala Yaac, Xukuumaddani Qadiyadii S/Land Ayey Diciif Ka Dhigtey Oo Wixii Ay Ka Qaylinjireen Ayey Samaynayaan” Jamaal Cali Xuseen

 



Tof-wajaale, November 14, 2012 (TNN) – Musharaxa Jagadda Madaxwaynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku eedeeyey Cadaalad-daro iyo xigtaysi, kaas oo sheegay inay Qadiyadii Madaxbanaanida dalka ee kobcaysay 21-kii sano ee ugu danbeeyey ay burburisay oo ay liciifisay.

Aqoonyahan Jamaal ayaa waxa uu ka digay inay xukuumadda Kulmiye damacsan tahay inay Xisbigoo da UCID uu maro wadadii Xisbul Xaakimkii hore ee UDUB uu maray, kaas oo tilmaamay in markii la laal ay diwaangalintii doorashadii hore lagu galay ay dawladdu ugu talo-gashay inay ku shubato doorasha dda deegaanka ee dabayaaqada bishan November la filayo inay Somaliland ka qabsoonto. Murashaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen waxa uu ka digay in Cawaaqib xumo uu sheegay inay ka dhal ankarto hadii si cadaalad-darada ay joojin waydo xukuumadu, kaas oo tibaaxay inuu wakhtigan dalku halis ugu jiro dagaalo sokeeyo oo ka dhasha doorashada deegaanka oo la faro-galiyo. Jamaal ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay garoonka kubadda ee Wajaale kula hadlayey taageerayaal aad u badan. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya Cadaalad-daro uu sheegay inay dalka ka jirto, waxa uu yidhi "Marnaba Aqbali mayno Cadaalad daro in nalagu sameeyo, Waayo Xisbigii UDUB ayaynu oge yn sidii loo galey qaadan mayno anagu waynu aragnaa sida ay wax u wado Xukuumadani iyo Xisbiga Kulmiye waxaan leeyahey Cadaalad daradii ayaa badatey Qabyaaladii ayaa noqotey wax caadiya oo sidii la doono loo isticmaalayo oo Tv-yada lala soo Fadhiisanayo rag waaweyn oo Masuuliyiin ahi, anagu Waanu soo Shaqeysaney oo soo xoogsaney ayaanu wadanaa oo nalagu aflagaadeynayay miyaanay ceeb aheyn in hantidii ummada la isticmaalo oo sidii la doono loogu tagri falo weynu wada naqaanaa, raga maanta lacagta qeybinaya mid wax hayay kuma jirin ee waxaa la faraqayaa waa hantidii umada waxaanu tusi Cashuurtii aanu ku bixin jirney anaku u dulqaadan mayno waxa socda Cadaaladii ayaa lagu tuntey Shuruucdii dalka ayaa lagu tuntey waxa iska Caadi noqotey in Muqdisho ay noqotey wax furan oo qadiyadii Somaliland ayaa daciif noqotey Xukuumada maanta jirtaa waatii ka qeylyeysay in Doorashada Diiwaan galin la,aan lagu galo waxaan leeyahay Rag cadaalad waayey Sidii Cowsha kala yaac waa dhab oo waa xaqiiq in Cadaalad darada dalka ka jirta ay Rag badani Xamar u yaaceen, waxaan leeyahey may aheyn inaad Xamar u yaacdaan haseyeeshee, waxey aheyd inaad dalkiina ka dhex dagaalantaan. waar sideebaa Somaliland gudaheeda ay Salaadiintii halkan uga ,Magacabayaan oo liis uga sameynayaan Baarlamaanka Soomaaliya umadani si sharaf leh ayay idiin dooratey codkoodii ayay idin siisey maanta la idinka yeeli maayo Xisbigii Udub ayaa daaqada ka baxey ka Ucid-na daaqada ayuu ka baxayaa”.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi "Kulmiyow la idinka yeeli maayo inaad noqotaan siidhi walihii, garsoorihii iyo Ciyaartoygii waan idin arkeynaa shacabka reer Somaliland-na maanta la khaldi maayo oo wey ka koreen waxyaabo badan laguna ciyaari mayo waxaa muuqda hadii aad Cadaalad daro ku kacdaan sidaad wadaan in sansaan colaadeed iyo dagaalo Sokee ye dalka ka dhici doonaan, anigu wali Xukuumada hadal xun hore ugumaan odhan manaan dhaliililn la akiin, maanta waan sheegayaa Runta iyo wax kasta oo jira lana aqbali maayo sida muuqata iyo hab dhaqanka ay wado Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye".

 

Source: Haatuf