Kulanka Jamal Ali Hussein iyo Jaaliyada Somaliland ee London

 


In badan ayeey muwaadiniinta reer Somaliland fagaarayaasha ay ku kulmaan kaga dooda an siyaasada iyo guud ahaan mustaqbal umadooda. Iyadooy sidaas tahay ayeey hadana yartey fursada muwaadinku u hello in uu la kulmo siyaasigiisa amma hoggaankiisa (leade rs) iyo inta masiirkiisa ka talineysa ee muxaafid iyo mucaaridba leh, umaduhuna waxa ay ku kala horumarin kolba sida siyaasigoodu uga turjummo amma u matalo dareenkooda iyo fikirkooda ku aadan mustaqbalka iyo aayo ka talinta dalkooda.

Hadaba si aanu iskugu soo dhaweyno dareenka muwaadinka Somalilander-ka ah iyo siyaa sigiisa ayaa waxa aanu muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan UK ku marti qa adeyna kulan fool ka fool ah oo ay la yeeshaan musharaxa madaxweyne ee xisviga UCID m udane Jamal Ali Xuseen oo ay markaa ku waydiiyaan su’aalaha ka quuxaya isla markaana ulla qeybsadaan tallooyinka iyo fikirkooda ku aadan adkeynta iyo horumarinta qarankeena Somaliland. Kulamada noocani waxa ay noqon doonaan kuwo taxane ah oo waxa aanu idiin balan qaadeynaa in hogaanka dalka, muxaafid iyo mucaaridba, ciddii London timaada aanu idin soo hortaagi doono inta na yeesha.

Kulankani waxa uu qabsoomi doonaa Axadda soo socota ee Bishan May tahay 31-ka, wux uuna ku qabsoomayaa ciiwanka ah: 854 Uxbridge Road, Hayes, UB4 0RP.

Wixii faah-faahin ah kalsoo xidhiidh: 07870515334 amma 07880234908

Sidaa iyo kasoo qeyb gal xiisa leh!