KU CIIDA CAAFIMAAD IYO BARAKADA XAJKA
 

 

Mahad oo dhan ALLE ayaa leh. ILAAHA inaga dhigay Muslim, ILAAHA inagu  tilmaa may inaynu nahay ummadda ugu kheyr badan ummadaha,Waxa nasiib leh inta Alle waafajiyey xajka sanadkan, ee hilow iyo qalbi furan ku ajiibay amarkii Eebbe, kuwa yidhi Labayka Allaahu Labayk. Allow adaan ku maqlay, waxaan u imid inaan fuliyo amarkaaga. Waxaa nasiib leh inta martida Ebbe ku noqotay guriga Alle iyo carrada barakaysan. Waxa iyana nasiib leh inteena caafimaad iyo nabad ku ciidaysa. Waa ayaan barakaysan oo Islaamku ku midoobay, caddaan, madow, maalqabeen, faqiir taliye iyo loo taliye, wiil iyo waayeel, rag iyo dumar. Waa kulan farxadeed, waa ma dal xarago, waa muuqaal Alle ka cabsi iyo muujinta midnimada Islaamka. Waa  dab aaldeg iyo damaashada daafaha dunida camiray.

Waxa ina kala qaybiya wax kasta oo damac adduunyo ah. Tartan ganacsi, tartan siyaasadeed, ilaa tartan ciyaareed. Waxaynu dhowaan aragnay khilaafka isku  ro gay cadaawadda ee ka dhashay ciyaar kubadeed oo dhexmartay labada dale e  M asar iyo Jasaair. Waxa ina mideeya diin iyo camal kasta oo leh kheyr ma guurta ah. Wanaag iyo walaalnimada diintu waa daawada keliya ee khilaaf kasta soo afjari  k arta, kolka sida Eebbe ina faray lagu camal falo, iyadoon la qalooyin, waxna lagu darin, waxna laga saarin.

Xajka oo ah rukunka shannaad ee diinteena macaani ku dhisantay, waxuu yahay mid waajib inagu ah hal mar inta cimriga ruuxu jiro, kolka ruux islaam ihi qaan  gaa dho karaankeedana leeyahay.

Illaahay Subxaanahu Wa Tacaalaa, waxuu yidhi "Fajriga ayaan ku dhaartay, iyo Ha beeno toban ah (Tobanka hore ee Dilxijjah (Carrafo))". Camal uu addoonku  qabta na tobankaa ayaamood Ilaahay aad ayuu u jecel yahay,Nabigeennu nnEka  ahaata ye wuxuu yidhi:-"Maalmo ma jiraan uu camalka wanaagsani dhexdooda Ilaahay  ag tiisa looga jacayl badan yahay ayaamahan (waxaa loo jeedaa tobanka ayaamood ee carafo u horreeya). Asaxaabtii baa tidhi:-Rasuulkii Ilaahayow (nnEka) xattaa Jihaad Ilaahay jidkiisa loo galana?, wuxuu yidhi (Rasuulku nnEka):-"Xattaa Jihaad loo galo jidka Eebbena, illaa nin la baxay naftiisii iyo maalkiisiiba oo aanay  xaggii sana waxba ka soo noqonin(ku soo shahiiday)".

Waxaa kale oo uu Rasuulkeennu nnEka yidhi:-"Qofkii Xajiya ee aan hadal xun iyo m acsi la iman wuxuu soo noqdaa sida maalintii ay hooyadii dhashay oo kale(aan  da mbi lahayn).Tobanka cisho ee bisha Carafo u horreeyana waa toban cisho oo khay r ka buuxo Eebbena ku dhaartay

Soomaaliyeeye Ciid mubaarak iyo xaj maqbuul. Ciddu Waa Maalin Farxad Iyo Reynr eyn Islaamku Ku Midoobay, Ee Dhammaan Ciid Mubarik.Waxaan hanbalyo ciideed u fidinayaa dhammaan Islaamka adduunka, si gaar ah Soomaalida meel kasta joogta: Somaliland, Somalia, Jabuuti, Kilinka shanaad, NFD, iyo inta daafaha dunida ku kala baahsan. Ciid wanaagsan Soomaaliyeey, ciid mubaarik meel kasta ood joogtaanba. Illaahay nabad hayna siiyo, hayna tuso tubta loo maro horumarka iyo dhismaha, haynaga duwo dariiqa halaaga iyo burburinta.

Weli dhibta adduunyo waa sideedii oo qorigu kama damo dunida Islaamka . Weli  So omaali waa u saxariir, weliba intii fayoobeyd ayaa dar fadmo wadayaal ihi weerar gardaro ku qaadeen, du dileen wiil iyo waayeel, hooyo iyo ubadkeed. Waxay ku  bii riyeen oohintii gees ilaa gees Soomaaliya qoysay, waxa duulaanka gardarro lagu qaaday Jamhuuriyadda Soomaliland, dal nabad iyo dawladnimo ku sifoobay, oo  wel iba darmo marti u fadiyey maatada ka soo carartay silica iyo qaraxa habeen iyo maalinba gurayhooda ka soo saaray.

Weli Fastiin waa u dulmi, oo waxa soo raacay iyadoo Qasa oodda loo soo jiiday, wa xa loo rogay xabsi ay ku xareysan yihiin milyan iyo badh nafleey ah oo  Ashahaada da Islaamaka ku eedeysan. Weli Ciraaq waa u dil, dhac iyo dumis, weli  Afgaanista an waa qax iyo qarxis, weli xabsigii Cuuba waa furan yahay. Rajaa jirta oo  isbedel ka Maraykan waxbaa looga fadhiyaa, wax se gacan qof kale ku jiraa yaan loo lab taagin,,ee Islaamku maankiisa, midigtiisa iyo maalkiisa ha ku tashado. Nabad iyo  wa dajir ha loo guntada. Dagaal furan talo ma aha . Bal inagu gudaheena aan kalo nabad gelno, isu naxno, isu gargaarno, oon isu damqano. Argagax iyo ismiidaamin meelna wanaag iyo kheyr kuma leh.

Haddaba aan wax yar ka sheegno maalinta cidda iyo sifaha islaamku u arko.  Maali ntan oo magacyo dhowr ah loogu yeedha oo dhammaan ina tusaaya qiimaha iyo qadarinta ay mudan tahay.Labada ciidood ee islaamku waxay dhacaan xili  muslimii ntu ay soo gutaan laba farad oo u baahan in nafta la xakameeyo, lana soo maro dhibaato jidh-ahaaneed iyo mid ruuxi ahba. Waxa la soo gutay soonka Ramadaan oo maalintii oo dhan laga caaganaa cabid, cunid iyo galmaba, habeenkiina lagu soo jeedo salaad iyo quraan akhri. Dadaalkaas iyo gudashadaas waajibka ah, ayuu  Illa ahay inoo bineeyey inaynu farxadda ciidda ku sogootino.

Sidoo kale Ciidda Carafo, waxay ka dambeysaa guditaanka xajka, oo xujaydu ay  is aga yimaadaan daafaha dunida, iyagoo ehelkood iyo dalkoodaba ka soo  baqoola aya, xarago ka tegaaya, si siman u lugaynaa goobo barakaysan, oon marna la  dar eemin cidhiidhi iyo culayska dhabta ah ee jira.. Maalinta ciidda islaamku waxuu ku sifeeyaa Maalin Guuleed (Day of Victory). Waa maalin ay guulaysteen inta  waajibk eeda gudatay, oo ay gaadheen guushii ay filayeen .Waxa kale oo la yidhaahdaa, waa Maalintii Waxa Goosiga (Day of Harvest), waayo waa maalin Illaahay ka abaal marinaayo cibaadada ay soo guteen, sida ninka beerta falaa uu midhaheeda u  goo sto xiliga ay baxdo.Waxa kale oo loogu yeedhaa, Maalinta Cafiska, Day of  Forgive ness), waayo Illaahay waxuu cafiyaa inta soonka sida uu inoo faray u  toosisay. Waxay Muslimiintu si wadar ah ay u baryaan Illaahay dambi-dhaaf iyo inuu ku  man aysto imaan xoog ah iyo khaatumo san. Waxa ka mid ah magacyada badan  Maal inta Nabadda, Maalinta Xusuusta iyo Mahadnaqa iyo qaar kale.

Sanadkan silicii,saxariirkii, dilkii iyo dhaci weli reer Soomaal waa u caadi, abaar, col iyo cadaalad-darro waa u dhaqan, waxa se ay dhowaan yare neefsadeen, kolkii Sucuudigu xanibaadii ka qaaday xoolaha. Waa in la mahadiyaa, oo weliba  Sucuu diga loo mahadnaqaa, lana tusaa wejiga isbedelay ee dadkeena si loo hanto inayna dib u dhicin joojin kale. Cabashada waan naqaan, mahadnaqa se weynu ka  qaaw anay… waar eriga Alxamdulilaa badiya, qofka wax ku tara u mahad celi, muuji  n imcada Eebbe ku siiyo. Taas ayaa taran leh, dheef leh oo kheyr oo dhammi ku jiraa.

Waa maalin weyne, waa Maalinta Islaamka, waana Maalin Illaahay. Illaahay  qalbig eena ha xoojiyo, xaqana heyna tuso, nabad iyo barwaaqana sanadkaa sanadkiisa hayna waafajiyo. Inta bugta Allow bogsii, meehsa colaadi ka jirto Allow nabad ku soo dabaal, Illaahow na gargaar oo naga yeel kuwa dhisa diintooda, dalkooda iyo dadkoodaba. Aamin.

XAJ MAQBUUL IYO CIID MUBAARAK DHAMMAANTIIN
KU CIIDA CAAFIMAAD IYO NABAD.
 

 

 


Ahmed Arwo Cardiff, U.K
samotalis@gmail.com
SAMOTALIS GROUP http://www.facebook.com/group.php?gid=143687650990
http://samotalis.blogspot.com