KU: Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane Cabdillahi Maxamed Ducaale
Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland
Ujeeddo: Sharafta ka Raac Cabdillaahi Yarow!!
Taariikh: 27.01.2010
1. Hambalyo:
Mudane wasiir, Cabdillaahi Maxamed Ducaale,
Aniga oo ah muwaadin u dhashay Somaliland, ii ogolow in
aan marka hore kuu soo gu dbiyo hambalyo, ammaan
iyo bogaadin badan oo aad ku mutaystay sida
xilkasnimada iyo masuulnimadaba leh ee aad uga jawaabtay
hadalladii sumaysnaa ee ka soo yeedh ay wasiir ku
xigeenka wasaaraddaada.
Mudane wasiir, waxaad
muujisay inaad tahay masuul qaran oo xogogaal u ah
sooyaa lka taariikheed iyo halganka adag ee dalkeenna
loo soo maray. Waxa aad caddeeysay inaad tahay nin aan
ka dhiman damiirka iyo dareenkii wadaninimo, oo xumaan
iyo xag-xagashoba u diiddan haldoorka iyo biri ma
geydayda dalkan u soo halgamay, bulshada Somaliland-na
magac iyo maamuusba ku leh.
Mudane wasiir, waxaad
muujisay inaad tahay nin quman, u qalma qaran
hoggaamintii bulshadana qiimo ku leh, balse ka tirsan
qawlaysato iyo koox qaldan!
Mar kale waxaan kugu hambalyeynayaa sida waayeelnimada
iyo deggenaanshaha leh ee aad uga jawaabtay haddalladii
xajiinta iyo xaalad-abuurkaba xambaarsanaa ee ka soo
yeedhay masuul ka tirsan xukuumadda, maamul ahaanna
adiga ku hoos yimaadda.
2. Talo soo jeedin:
Mudane wasiir, waxaad
muujisay inaad tahay nin isku kalsoon oo go’aan qaadasho
leh si kasta oo uu go’aankaasi u adag yahayba. Waxaad
muujisay inaad tahay nin dalka iyo dadkaba lexejeclo ka
qaba oo ay dhibayso isku dhaca iyo xaalad-abuurka dalka
laga wado.
Waxaad muujisay inaad
necebtahay xaqdarrada, been abuurka iyo bahdilaada
lagula kacayo muwaadin aan waxba galabsan. Waxaad
muujisay inaad tahay nin aan quus iyo faro madhnaan ka
joogin hadafka iyo himilooyinkiisa siyaasadeed ee
mustaqbalka.
Haddaba, maadaama adiga laftaadu aad tahay nin aan looga
sheekaynayn hadafkii iy o himilooyinkii SNM loo
asaasay runta iyo xaqiiqadana ka og xukuumadda aad ka
tirs antahay, maadaama aad adiga laftaadu qayb ka ahayd
halganka iyo naf huridda dalk eenna loo soo galay,
maadaama aad tahay nin si fiican u dareemi kara xanuunka
iyo dhibta ay leedahay xukuumad adeegsata cadaadis iyo
cabudhin bulsho, taasoo ah waxyaabihii aad qof ahaan ka
soo dhiidhiday.
Mudane wasiir,
maadaama ay xukuumadda aad ka tirsan tahay soo
ababaabushay fa deexad iyo cambaarayn aan sal iyo
raad midna lahayn oo lagu wiiqayo magaca iyo sh
arafta Mujaahid Ahmed Silanyo si dalka qas iyo
qala-laase loo geliyo, balse aan ka soo qaadayo in lagaa
qariyey oo aan waxba lagula socodsiin markii arrintan la
qorshayna yey,
Maadaama aan anshax
marin lagu samayn ku xigeenkaaga oo ku kacay fidno abuur
iyo isku dhac dadweyne,
Maadaama uu madaxweynaha laftiisu horseed ka ahaa
odoroska iyo hurinta arrintan markii dambena ka hadli
waayey oo uu ka aamusay,
Maadaama hadalkaagii bulshada oo dhan qanciyey ka dib uu
wasiirka warfaafintu kaa daba hadlay oo mar kale uu u
marag kacay hadalladii wasiir ku xigeenkaaga,
Maadaama ay tani muujinayso in madaxweynuhu si toos ah
arrintan ugu lug leeyahay isla markaana aanu kugu
raacsanayn qaabka aad adigu arrintan uga hadashay kaana
soo daba diray nin uu ku kalsoon yahay,
Maadaama sida ay warar xogogaal ahi sheegayaan,
xukuumadda aad ka tirsan tahay aanay weli arrintan ka
hadhin ee ay waddo olole iyo abaabul weyn oo ku wajahan
mudaharaad lagaga soo horjeedo imaatinka iyo soo guryo
noqoshada mujaahid Axmed Silanyo,
Adigoo eegaya halka ay ku jirto danta iyo maslaxadda
ummadda aad dartood u soo jihaaday,
Adigoo eegaya sharaftaada iyo karaamadaada qof ahaaneed
ogna kifaaxa iyo nafhuridda aad adigu dalka hooyo u soo
gashay,
Adigoo ka dheregsan oo aad qof walba ka ogtahay (dibna u
milicsan doona) jillaafooyinka iyo dabinnada la
hordhigay wasaaradda aad wasiirka ka tahay si aanad uga
midho dhalin maskabkii iyo milgihii aqoonsi ee aad
dalkeenna u soo hoyn lahayd,
Adigoo og in xisbiyada mucaaridka ahi ay xukuumadda iyo
xisbul-xaakimkaba kaga badiyeen siyaasaddii arrimaha
dibedda ee aad xilkeeda lahayd,
Adigoo qiyaasaya miisaanna saaraya faa’iidada iyo
faa’iido darrada ay kuu keeni karto sii haynta xilka
wasiirnimo ee aad u sii hayso madaxweyne iyo xukuumad
adiga iska kaa xulufaystay kuuna muujiyey in aanay kugu
kalsoonayn,
Adigoo dib u qiimayn ku samaynaya heerka wax qabad ee
xukuumadda aad ka tirsantahay, isla markaana ay kuu soo
baxayso inay tahay xukuumad iyo madaxweyne dalka iyo
dadka midna aan u shaqaynayn ee iyagu ka shaqaysanaya,
Waxaan halkan kuugu soo jeedinayaa talo ka timid
muwaadin Somalilander ah oo jecel inay hadafkaaga iyo
himilooyinkaaga siyaasadeed ee mustaqbalku hirgelaan,
Talo uu kuu soo jeediyey muwaadin Somalilander ah oo
jecel in nolosha inta kaaga hadhay aad noqoto nin
bulshadiisa magac iyo maamuusba ku leh taariikhdana lagu
xuso,
Talo kaa bedbaadin kari lahayd inaad noqoto nin
bulshadiisa ka eedooba, nin dan leh na u eedooba.
Muwaadinkani wuxuu ku leeyahay: U hiili bulshadaada
iyaga dartoodna u eedow, intaad madaxweyne Riyaale iyo
saaxiibadii u hiilin lahayd!
Mudane wasiir, Haddii xukuumaddii aad ka tirsanayd ku
qadarin weyday, hadalkaag iina qiimo u yeeli weyday,
bulshada Somaliland agtooda ayaad qiimayn iyo qadarinba
ka heli doontaaye, Sharafta ka raac, iskana casil xilka
wasiirnimo ee xukuumadda Riyaale.
Sharafta ka raac Cabdillaahi Yarow!!!!!!!!
Wa Billaahi Tawfiiq,
Rabbi (SWT) talada ha ina waafajiyo
Somaliland Guul, Horumar, Isbedel khayr leh iyo Aqoonsi
By: Architectural-Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)
[UK & Holland]
|