Adduunka ama Kownka
Qaybtii 11 aad

 

Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu.Waxan salaantaa Islaamka ee qaaliga ah u dirayaa Shebekadda Longlivesomaliland iyo Akhristayaasheeda.


Awoodda Alle iyo waxdaaniyadiisa (
kelinimadiisa)


Alle subxaana watacaalaa Qudradiisa iyo Awooddiisa lama koobi karo,waa Allaha Kownkan iska leh iyo nidaamka u dejisan oo dhan,ee isagu u sameeyey,oo u abuuray sida uu u yaallo,taasina waxay caddaynaysaa waxdaaniyaddiisa iyo kelinimadiisa:

إنّ الله على كلّ شيء قدير(البقرة)

Aayadda:Illaahay wax kasta wuu awoodaa.

Awoodda illaahay waxay caddayn u tahay kelinimadiisa oo aan cid kale ku wehelin maamulka iyo nidaaminta iyo abuuridda kownkan:

لو كان فيهما ءالهة إلا الله لفسدتا(الأنبياء)

Aayadda:haddii ay jiri lahaayeen Illaahyo kale oo aan Alle  ahay ni way fasaadi lahayd dunidu.

Haddii Alle cidi ku weheliso Illaahnimada waxa dhici lahaa khilaa f oo Illaah kasti wixii uu abuuray ayuu qaadan lahaa,markaa  bur bur iyo khalkhal baa dhici lahaa,laakiin Alle subxaana  watacaa laa waa keli oo Alle kale ma jiro.

أمّن يبدؤُ الخلق ثمّ يعيده ومن يرزقكم من السّماء والأرض أءلـه مع الله قل هاتوا برهانكم إن كنتم صادقين(النمل)

Aayadda:Ayaa bilaabay abuuritaanka oo haddana dadku markay dhintaan dib u soo noolayn doona,oo yaa idinka irsaaqaya  Sama da iyo Arlada,ma Alle kalaa jira oo Alle weheliya,waxad ku  tidh aahdaa(Nebi Allow)keena wax burhaan ah haddaad run sheegaysaan.

إنّ بطش ربّك لشديد إنّه هو يبدئُ ويعيد وهو الغفور الودود ذو العرش المجيد فعّال لمّا يريد(البروج)

Aayadda:Qabashada iyo aargoosiga rabbigaa waa mid daran,waa ka nolosha bilaabay ee haddana dadka soo celin doona  dhimash adooda ka dib,waa denbi dhaafe dadka jecel oo leh carshiga  sha rafta leh,wuxu doonana Alle wuu sameeyaa oo awood buu u leeyahay.

Alle awooddiisa waxaad ka arki kartaa oo ka garan kartaa  waxy aalaha uu abuuray ee kala gedisan oo ay naftaadu ka mid tahay:

سنريهم ءاياتنا في الآفاق وفي أنفسهم حتّى يتبين أنّه الحق(فصلت)

Aayadda:waxannu tusaynaa Aayadahayaga oo ka tusaynaa  muq aalka ay arkayaan iyo naftooda si ay ugu caddaato inuu Alle  yah ay xaq.

Qofku hadduu u fiirsado sida Illaahay u abuuray oo naftiisa iyo xubnaha jidhkiisa iyo siday isugu xidhan yihiin ee u wada  shaqe eyaan wuu yaabayaa oo dareemayaashiisa iyo xubnaha kale ee midba shaqo qaabilsan tahay oo baahida guud ee qofka  daboola ysa,waa mid ku tusaysa awoodda Eebbe iyo kelinimadiisa,Alle isagaa korreeyee wuxu bini'aadamka siiya muuqaal iyo suurad wanaagsan oo uu u abuuray:

خلق السّماوات والأرض بالحق وصوركم فأحسن صوركم وإليه المصير(التغابن)

Aayadda:(Alle)wuxu u abuuray Samooyinka iyo Arlada si xaq  ah waxanu idiin sameeyey suurad qurux badan oo wanaagsan isaga ayaydin u noqon doontaan,oo xaggiisa ayay noqoshadu ku  danb ayn doontaa.

Alle isagaa korreeyee wax kasta isagaa abuuray oo leh ahna wakiilkiisa:

الله خالق كلّ شيء وهو على كلّ شيء وكيل(الزمر)

Aayadda:Alle ayaa shey kasta abuuray oo isagaa shey kasta  wa kiil ka ah oo u taliya.

Awoodda Alle ayay wax kasti ku socdaan oo sida Alle u dejiyey nidaam ahaan ayaa shey kasti u hogaansan yahay,oo sida Alle ugu talogalay weeye:

وما قدر الله حق قدره والأرض جميعاً قبضته يوم القيامة(الزمر)

Aayadda:waxa Alle qaderey ee qiyaas xaq ah u dejiyey iyo  dhul kuba dhamaantood Alle ayay gacanta ugu jiraan,oo maalinta qiy aamaha qabanaya

Wax kasta Illaahay wuxu siiyey qiyaas go'an oo ku munaasib ah hawshuu qabanayo iyo baahida loo qabo caynkay tahay :

إنّا كلّ شيء خلقناه بقدر(القمر)

Aayadda:shey kasta waxanu u abuurnay si leh qiyaas iyo qaddar go'an.

ولو بسط الله الرّزق لعباده لبغوا في الأرض ولكـن ينزّل بقدر ما يشاء إنّه بعباده خبير بصير(الشورى)

Aayadda:Haddii Alle Addoomadiisa u badiyo oo u waasiciyo  ars aaqda way xad gubi lahaayeen oo kibri lahaayeen,laakiin Alle  w uxu u soo dejiyaa,hadba qiyaas iyo qaddar go'an,ee uu isagu  doo no,Alle Addoomadiisa isagaa khibiir u ah oo arkaya.

والذي نزّل من السّماء مآءً بقدر فأنشرناه به بلدة ميتا كذالك تخرجون(الزخرف)

Aayadda(Alle)waa kii Samada uga soo shubay biyaha(roobka)si qiyaasan oo qaddar sugan leh,oo ku fidiyey dhul ahaa mid  dhint ay oo qallalan,sidaas ayaannu idiin soo saari doonnaa (dhimash adiina ka dib).

Waxa Illaahay subxaana watacaalaa dadka u soo jeedinayaa in ay awoodda Alle ku fekeraan oo u fiirsadaan abuurta Illaahay:

"أَفَلا يَنـْظُرُونَ إِلَى الإبِلِ كَيْفَ خُلِقَتْ وَإِلَى السَّمَآءِ كَيْفَ رُفِعَتْ " { الغاشية}

Aayadda:miyaanay eegin oo arkaynin sida loo abuuray Geela iyo sida Samada loo kor yeelay!.

Shimbiraha hawadaa dhexe iska duulayaa waxay ku duulayaan awood Alle oo Illaahay ayaa haya,oo ka ilaalinaya inay soo dhacaan,waa Awooddiisa:

﴿ أَوَلَمْ يَرَوْا إِلَى الطَّيْرِ فَوْقَهُمْ صَافَّاتٍ وَيَقْبِضْنَ مَا يُمْسِكُهُنَّ إِلَّا الرَّحْمَنُ إِنَّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ بَصِيرٌ ﴾ (سورة الملك)

Aayadda:miyaanay arag oo eegin Shimbiraha dushooda  kooxko ox iyo safsaf u socda oo aan cidi qabaneynin hadday soo dhacaan Alle mooyaane,Alle wax kasta waa kii arkaya ee og.

يقول تبارك وتعالى: (أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ سَخَّرَ لَكُمْ مَا فِي الْأَرْضِ وَالْفُلْكَ تَجْرِي فِي الْبَحْرِ بِأَمْرِهِ وَيُمْسِكُ السَّمَاءَ أَنْ تَقَعَ عَلَى الْأَرْضِ إِلَّا بِإِذْنِهِ إِنَّ اللَّهَ بِالنَّاسِ لَرَءُوفٌ رَحِيم (الحج)

Aayadda:miyaydaan arag in Alle idiin sakhiray waxa dhulka jira iyo Doonyaha badda amarka Eebbe ku soconaya,Samadana in  Al le hayo si aanay ugu soo dhicin Dhulka, idanka Alle mooyee,Alle dadka wuu u naxariis iyo dhibirsan yahay.

Alle subxaana watacaalaa Daruuraha wuxu ka dhigay kuwo cirka iyo dhulka dhexdooda iska sabbeeya,oo aan nidaamka Alle ugu talogalay ka lumin,sidoo kale Dabaylaha hawlaha badan haya ee daruuraha iyo doonyaha kaxeeya,bacriminta dhirtana ka qayb  q aata,saxansaxadoduna u tahay noolaha bushaaro in roob soo socdo :

والآهكم اله واحد لا اله الا هو الرّحمن الرّحيم ان في خلق السّماوات والارض واختلاف الّيل والنّهار والفلك التي في البحر بما ينفع النّاس ومآانزل الله من السّماء من مآء فأحيا به الارض بعد موتها وتصريف الريّاح والسحاب المسخر بين السّماء والارض لآءيات لقوم يعقلون.

Aayadda:Illaahay waa Illaah keliya Illaah kale oon isaga ahayni ma jiro waa illaaha Raxmaanka ah ee Raxiimka ah,Abuuridda Samooyinka iyo Arlada iyo isbedelka Habeenka iyo Maalinta iyo Doonta badda maraysa si anfaco dadka ugu gudbiso,iyo biyaha cirka ka soo da'aya ee dhulka noolaynaya markuu dhinto ka dib iyo kala gediska dabaylaha iyo Daruuraha loo sakhiray Samada iyo Arlada dhexdeeda(ooy sabbaynayaan) Aayado ayay u yihiin ciddii caqli leh.

Alle isagaa korreeyee wuxu sameeyey Qorrax iyo Dayax  faa'iido oyin kala gedisan laga helo iftiin iyo baahiyo kale oo ay ka mid yihiin in waqtiga lagu garto:

هو الدي جعل الشمس ضياء والقمر نورًا وقدّره منازل لتعلموا عدد السنين والحساب ما خلق الله ذالك الا بالحق يفصل الايات لقوم يعلمون...(ءاية في سورة يونس)

Aayadani waxay cilmi ahaan ku baraysaa in waqtiga ay  sameey aan Qorraxda iyo Dayaxu Illaahay isagaa korreeya'e wuxuu  odh anayaa (Illaahay)waa kii ka yeelay Qorraxda mid iftiin bixisa  Da yaxana ka yeelay mid nuur bixiya,oo u xaddiday meelo ay  mara an, si aad ugu garataan tirsiga sannadaha iyo xisaabaha Illaahay xaq mooyee wax kale uma abuurin, Aayadahan wuxu u kala  cad deeyey cidii garanaysa ee fahmaysa.

Illaahay awooddiisa oo aynaan koobi karin oo mar kasta inoo  si yaadinaysa cabsi Eebbe iyo u hoggaansamid aynu u  hoggaansa naanno amarradiisa iyo cibaadadiisa, waxa ka mid ah qudradda Eebbe iyo awooddiisa in hadduu shey ama wax doonayo in ay ku xidhan tahay inuu yidhaahdo oo keliya NOQO dabadeed uu  she ygii noqdo sidii Alle rabey:

إذا أراد شيئا أن يقول كـن فيكـون فسبحان الذي بيده ملكوت كلّ شيء وإليه ترجعون(يس)

Aayadda(Alle)hadduu doono shey wuxu yidhaahdaa "noqo"  mar kaasuu noqdaa waxa nasahan Allaha ay gacantiisa ku jiraan  she y kasta oo Kownkan ahi isagaana loo noqon

Alle isagaa korreeyee Samooyinka iyo Arlada isagaa haya oo ka ilaaliya inay baba'an oo suulaan,cid aan Alle ahaynina ma ilaalin karaan,waa awood Alle iska leeyahay oo aan cidi la  wadaagin, waayo isagaa Kownkan abuuray oo iska leh,awoodiisaasina  wax ay ku tusaysaa waxdaaniyadiisa iyo kelinimada Eebbe.

إنّ الله يمسك السّماوات والأرض أن تزولا ولئن زالتا إن أمسكهما من أحد من بعده إنّه كان حكيماً غفوراً(فاطر)

Aayadda:Alle ayaa Samooyinka iyo Arlada haya oo ka ilaalinaya inay suulaan,haddii ay suulaan oo baaba'aan cid qabanaysaa oo ilaalinaysaa ma jirto Alle ka dib,Illaahay waa xakiim oo waa denbi dhaafe.

Awoodda Alle ayuu nidaamka Adduunkani ku dhisan yahay oo ku shaqeeyaa,bal eeg oo u fiirso Habeenka iyo Maalinta siday isu bedelayaan,ee Habeenkana aad ugu nasanayso oo u  seexanay so,Maalintana macaash iyo maaraynta nolosha u samaynay:

قل أرءيتم إن جعل الله عليكم الّيل سرمداً إلى يوم القيامة من إلـه غير الله يأْتيكم بضياء أفلا تسمعون قل أرءيتم إن جعل الله عليكم النّهار سرمداً إلى يوم القيامة من إلـه غير الله يأْتيكم بلّيل تسكنون فيه أفلا تبصرون(القصص)

Aayadda:waxad tidhaahdaa(Nebi Allow)bal ka warrama haddii Alle ka dhigo Habeenka mid iska soconaya(aan dhamaanayn)ilaa iyo qiyaamaha,Alle mooyee ayo kale ayaa idiin keeni kara iftiin!waar miyaydaan wax maqlayn!,waxad ku tidhaahdaa (Nebi  Allo w)bal ka warrama haddii Alle ka dhigo Maalinta mid weligeed soconaysa oo ilaa qiyaamaha aan dhamaanayn,ayaa Alle mooyee idiin keenaya Habeen aad ku degtaan oo ku nasataan,waar  miya y daan wax arkaynin!.

Waxyaalaha ku tusaya awoodda Alle oo badan bal aan tilmaanno ninkii soo maray magaalo muddo hore dadkii ku noolaan jireen la halaagey,oo cariishyo madhani ka sii muuqdaan dabadeed  isw eydiiyey sidee baa dadkan beri hore baaba'ay ee dhintay loo soo noolaynayaa!:

أو كالّذي مرّ على قرية وهي خاوية على عروشها قال أنّي يحي هذه الله بعد موتها فأمّاته الله مائة عام ثمّ بعثه قال كم لبثت قال لبثت يوماً أو بعد يوم قال بل لبثت مائة عام فانظر إلى طعامك وشرابك لم يتسنّه وانظر إلى حمارك ولنجعلك ءاية للنّاس وانظر إلى العطام كيف ننشزها ثمّ نكسوها لحماً فلمّا تبين له قال أعلم أنّ الله على كلّ شيء قدير(البقرة)

Aayadda:ama sidii kii soo maray Tuulo(Magaalo) madhan oo  cari ishyadeedu khaawi yihiin,oo madhan yihiin,wuxu yidhi sidee baa Alle u noolaynayaa,dhimashadan ka dib,dabadeed Illaahay ninkii ayuu nafta ka saaray oo dhintay,muddo sannad ah ka dib ayaa Alle soo nooleeyey,oo lagu yidhi imisaad meeshan ku  sugnayd, wuxu yidhi waxan ku sugnaa maalin ama maalin  badhkeed, mar kaas ayaa lagu yidhi ma aha'e waxad ku sugnayd meeshan boqol sanno! Eeg cuntadaadii iyo cabbitaankaagii ismay bedelin,oo eeg Dameerkaagii waxannu uga dhigaynaa dadka Aayad(wax lagu  c ibro qaato)eeg lafihiisa sidaannu u ururinno oo cad ama jiidh ugu yeello,markuu arrinkii u caddaaday ayuu yidhi waxan oggahay(qirayaa) in Alle wax kasta awoodo.

Waxa Awoodda Alle aad ka arkaysaa Aayado badan oo Alle  Qu raankiisa inoogu sheegay,tusaale markuu dhashay Nebi Muuse waxay ahayd waqti Fircoon uu wixii Wiilal dhasha ee reer Bini Israa'iil ah dili jirey,marka dhalashadii Nebi Muuse oo Hooyadii aad uga werwersanayd inankeeda iyo in Fircoon dilo ayaa Alle u waxyoday in ay naas nuujiso,haddii ay u baqdaona Sanduuq intay ku riddo badda ku tuurto, adiguba waad dareemi kartaa Hooyo doonaysey inay inankeeda badbaadiso oo haddana badda ku  ri daysa isagoo Sanduuq ku jira sidaa ayuu Nebi Muuse ku  badbaa dayaa oo Alle gaadhsiinayaa,xeeliga badda ee u dhow Qasriga Fircoon oo halkaa ay ku qaadayaan dad u shaqeeya  Fircoon, halk aasuu Awoodda Illaahay ku korayaa oo ku barbaarayaa gurigii cadowgiisa doonayey inuu dilo,waa awood Alle in Badda oo u  hoggaansan amarka Eebbe aanay liqin oo dejin Muuse,laakiin gaadhsiiso Qasriga Fircoon agtiisa,dabadeed ninkii lagala  baqay ey koriyo :

وأوحينا إلى أُمّ موسى أن أرضعيه فإذا حفت عليه فألقيه في اليمّ ولا تخافي ولا تحزني إنّا رآدّوه إليك وجاعلوه من المرسلين فالتقطه ءال فرعون ليكون لهم عدوّاً وحزنا إنّ فرعون وهامان وجنودهما كانوا خاطئين(القصص)

Aayadda:waxannu u waxyoonnay Muuse Hooyadii nuuji naaska haddii aad u baqdo badda ku rid,oo ha biqin hana  murugoo nin,annagaa kuu soo celinayna,oo ka dhigayna mid Mursaliinta(Rususha)ka mid ah,waxa qaadi doona Fircoon ehelkiisa,si uu ugu noqdo cadow iyo murugo,waxay Fircoon iyo Haammaan iyo Askartiisu ahaayeen kuwo khaldan oo denbiilayaal ah.

Waxa Illaahay awooddiisa kaga yeelay Ushii Nebi Muuse mid  mu cjiso ah oo fulin karta waxa Alle doonayo inay fuliso,Mas ama  A beeso inay isu bedesho,Dhagax inta Muuse ku dhufto ay biyo dadku cabbaan ka keento,Badda intu Muuse ku dhufto ay berri iyo dhul baddii noqoto,waxaasoo dhammi waa awoodda Alle:

وأوحينا إلى موسى أن ألق عصاك فإذا هي تلقف ما يأفكون فوقع الحق وبطل ما كانوا يعملون(الأعراف)

Aayadda:waxannu u waxyoonnay Muuse inuu Ushiisa tu uro,wa aba iyadii oo (isu bedeshey Abeeso)halqafaysa waxay sii  daaye en ee sixir ahaa,xaqii ayaa yimi oo waxa burey oo baaba'ay  wax ay samaynayeen.

Nebi Ibraahim Qowmkiisu waxay ahaayeen kuwo Mushrikiin ah oo sanamo caabuda,dabadeed sanamadii ayuu burburiyey,waxay gaadheen go'aan ah inay Ibraahin gubaan oo dab ku dhex  tuur aan laakiin Illaahay ayaa awoodiisa kaga badbaadinaya oo  naa rta amar siinaya inaanay gubin Ibraahin:

قالوا أحرّقواه وانصروا ءالهتكم إن كنتم فاعلين قلنا يا نار كوني برداً وسلاماً على إبراهيم وأرادوا به كيداً فجعلناهم ألأخسرين(ألأنبياء)

Aayadda:waxay yidhaahdeen guba oo u hiiliya

illaahyadiinna,haddaad saa yeelaysaan,waxannu nidhi Naareey aha woo noqo mid qabow oo beref ah oo nabadgelyo u ah Ibraahin,waxay dooneen inay dhagraan(Ibraahin)waxannuse ka yeelnay kuwo khasaara.

Alle subxaana watacaalaa Awooddiisa waxa ka mid ah inuu  dhe elmiyey Rasuulkiisa,Nebi Maxamed oo uu Beytul maqdas ku sii tujiyey Anbiyadoo dhan,dabadeed Samooyinka Todobada ah  wa da maray oo halkaa Salaadda laga soo faray:

سبحان الذي أسرى بعبده ليلا من المسجد الحرام إلى المسجد الاقصا ألذي باركنا حوله لنريه من ءاياتنا إنّه هو السّميع العليم(ألإسراء)

Aayadda:waxa nasahan Allaha Addoonkiisa Habeen ka  dheelmi yey Masaajidka Xaramka oo u dheelmiyey Masjidka Aqsaa ee  aa nnu barakaynay hareerihiisa,si aanu u tusno Aayadahayaga, Alle waa ka maqla ee cilmiga leh ee og.

Awoodda Alle waxay ina tusaysaa kelinimadiisa waxayna inoo  si yaadinaysaa Iimaankeenna iyo cabsideenna,waxana ay ka  dhig aysaa cibaadadeenna mid joogto ah oo ikhlaas iyo khushuuc  leh, oo mar kasta Alle ku tiirsan.

Waxan Alle ka baryaynaa inuu Qudraddiisa iyo Awooddiisa  innag aga dhigo kuwo ku sugan xaqa oo ku nool cabsida Eebbe iyo cibaadadiisa Aamiin Aamiin .

 

 

 

 

Saeed Ibrahim Hussein